Maxeey Muhiim Ku Tahay Inaad Saaxiib Ka Dhigato Ninkaaga Ama Naagtaada.

Published: January 31, 2013, 8:31 pm | Updated: January 31, 2013 8:31 pm

Si uu u nabad galo xiriirka ka dhaxeeya ninka iyo naagta isqabaa waa in horta ay meel isla dhigaan waxa ay yihiin. Ma saaxiibaa? Ma colbaa? Ma ka dhaxeeyaa heshiis ay isla gaareen? Waxaa la xaqiijiyay ninka iyo naagtaa is qabaa saaxiibtinimadooda in aay bad baadineyso ineey kala tagaan

Shabakada kobciye.com ayaa waxa aay ku talineeysaa in labada isla degani ay ayagu tijaabo fiican iska qaadaan oo ay ilaaliyaan saaxiibtinimada ka dhaxaysa. ” ma rabtaa in aad saaxiib fiican yeelato, horta adigu noqo saaxiib wanaagsan”.

Waxa kale oo aad u muhiim ah in ninka iyo naagta wada deganina ay iska war hayaan. In mid kasta ogyahay ka kale baahidiisa. Wada deganaanshaha dheer ee labada is qaba ayaa waxa ay ku bartaan waxa uu mid kastaa u baahan yahay iyo xiliga uu baahan yahay. Markaa waxa wanaagsan in ay isfahmaan, iskana garabgalaan iskana caawiyaan baahida uu mid waliba qabo ha ahaato mid niyada u dhisid ah iyo mid habsiin ah.

Arimo yar yar oo fudud ayaa wax badan ka badali kara xiriirka labada isqaba. Waa in aad goaansataan in aad in badan isku dhahdaan in aad is jeceshihiin. Ama sameeya arin kale oo xoojinaysa xiriirkiina oo si fudud aad u samayn kartaan.

Ku heshiiya in aad meel isla dhigtaan sida uu yahay xiriir wanaagsani. Ka wada hadala oo ka wada xaajooda qiimaha ay idiin leedahay wada deganaansho si fiican u shaqaynaysa. Ka dibna isku daya in aad u noolaataan arinta aad ka wada xaajooteen ee aad meel isla dhigteen.

Ku badala oo usamaysta muranka iyo is fahmid la´aanta qorshe lagaga hortagayo. Hadii aad isla aragtaan dhibaato timid waxa aad si fudud ugu badali kartaan qodobo aad ku xalinaysaan. Tusaale ahaan hadii aad aragteen in aad kala caajisteen isla sameeya arimo sida, safar isla aada, ubaxyo isla beera, isla soo dabaasha, howsha guriga iska caawiya, iyo arimo kale oo xiiso badan.

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

Comments are closed.