JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Dhacdo Layaab leh: Nin Somali ah oo xabsi loogu taxaabay dambi ay gashay Mukulaal isaga la joogtay.


Dalka Angola caasimadiisa Luanda waxaa ka dhacday arin aan la yaabay mudada aan qorayey waxaana muwaadin somaliyeed xabsiga loogu taxaabay khalad ay gashay mukulaal la joogtay.

Nin ka mid ah ehelada Xuseen Macalin oo xabsiga loo taxaabay ayaa Xoghoose.com waxa uu usheegay in sheekada ay tahay mid aad udheer isagoo ka warbixinaya dhacdadaasi waxa uu ku bilaabay sidaan:

Ninka sheekada ku dhacday waxaa la yiraahdaa Xuseen Macalin waxa uu ku ganacsadaa magaalada Luanda ee caasimada dalka Angola,waxa maalin uyimid gabar Angolees ah si ay uga dukaameysato.

Markii adeega loo qabanayey ayaa waxay gabadha ku istaagtay mukulaal (yaan-yuur) dukaanka joogtay iyadoona xagatay gabadhii Angoleeska ahayd oo lagu magacaabo Fiifi 35 sano jir ah”.

Gabadhii waxay udacwootay booliska Dalka gaar ahaan waaxda saldhig ciidan oo kuyaallay meesha dukaanka lagu dhibaateeyey iyadoona la xiray Xuseen macalin oo dukaanka iska lahaa.

Sheekadaan waxay ka dhacday Magaalada Luanda ee Xarunta dalka Angola labo bil ka hor hayeeshee wali dacwadii arintaasi ka dhalatay way socotaa oo mar walbo maxkamad ayaa la tagaa.

Xuseen waxay booliska weydiiyeen mukulasha (Bisada) sharcigeeda ay ku joogto dukaanka taasi oo somaliduna ay hadalkaasi la yaabeen isagoo ku jawaabay waa dab joo xayawaanada dadka la nool ah.

Waxa lagu xukumay inta dacwadiisa ay soconeyso inuu bixiyo daawada gabadha dhibaatada mukulaashiisa ugeystay waxaana taasi ay aad uga yaabisay Somalida kale ee ganacsiga ku leh magaaladaasi.

Waxaan isku dayi doonaa inan wareysi la yeelano ninka ay Booliska dalka Angola uxireen dambi ay gashay mukulaal dukaankiisa joogtay insha allah.

Sidee u’aragtaa dhacdadaasi ka dhacday magaalada Luanda ee dalka Angola?

Sheekada waxaa inoo soo wariyey Bashiir Cali Cariif.

Xigasho Xoghoose.com


Warning: implode(): Invalid arguments passed in /home/kobciye/public_html/wp-content/themes/KaLaFogeTemp/single.php on line 534

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Comments are closed.

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA