Qiso Xanuun Badan: Gabadh Soomaaliyeed Oo Arin Layaab Leh Haaysato Talana u Baahan…


Shamso Ahmed Waa gabar Kunool Magaalada London ee caasimada Dalka Ingiriiska Shamso Ayaa inala soo Xiriirtay iyadoo ka sheekeynaysa Dhibaato ka haysata dhanka seygeeda waxa uuna hadalka kubilowday sida tan:

ilaahayba mahad leh inaga yeelay qoys barakeysan iyo nimcoooyin aanan halkaan kusoo koobi karin runtii waxaan dhibaato kuqabaa arin aniga iyo gacaliyaheyga ina dhex martay taasi oo noqotay mida iigu weyn dhanka walwalka oo naftayda ay la daristay.

Runtii waa mugdi aan galay oo waxaan ka baxay shumicii aan mudo kuhoos noolaa waxaan mudo kunoolaa london aniga oo aysan ii daganeyn wax qoys ah waxaan halkaas ku ahaa qof single ah waxaanan saaxiibo ka wada noqonay Cabdi Rashiid .

Cabdi Rashiid waa wiil aan dhihi karo iftiimiyaha nolasheyda oo Waa Boqorka aan ifka ugu jeclahay hayeeshee ilaahay SWT wuxuu inaga dhex abuuray jaceyl Balaaran waxaan noqonay dad is aamina is amaana is maa weeliya ku faraxsan ilaa aan is guursano waxaan mudo 5 sana ah wada nooleyn oo xaaskiisa aan ahaa Cabdi Rashiid ilaa iyo hadana aan ahay Qof xaas ah laakiin aan caga badan ku taagneyn.

Waxaan uleeyahay 2 Wiil Iyo 1 gabar Ninkeyga mudo waxaan ku dhibaataysnaa inuu iigu wacayay hadalo aanan waligey horay uga baran waxa uuna iila dhaqmayay qof walashiis isaga la dhalatay waxaan ka waayay nolashii macaaneyd ee aan ku bartay waxaan ku fakiray talow Cabdi Rashiid ma naag baa u qarsan anigoo maseer is galinaya hadane waxaan qalbiga iska dhahay xitaa hadii ay jirto naag kale maxaa uga waysay inuu kugu qanciyo dheesha dhan walba aheyd haba ugu weynaato ciyaarta sariirta E.

Cabdi Rashiid Wuxuu ugu danbeyn igu dhahay Shamso walaaleey qof xaaskeyga ah camal ma iila muuqatit waxaa iila ekaatay gabar ila dhalatay camal damacii ayaa iga yaraaday mana ahan naceyb igu soo kordhay , laakiin xagaaga markan soo niyaystaba waxbaa iga kaa jiido dareen ahaan xagaaga waan awoodi kari la’ahay .

waxaan iskugu wacay wadaado inoo dhaw oo qur’aan ayaa lagu aqriyay aniga oo aan wadaadada usheegin waxa jiro kaliya aan dhahay xooga wajac ah isagane uu igu waafaqay .

laakiin ma uusan soo kabsan oo ugu danbeyn wuxuu igu dhahay Shamso waxaan doonayaa in aan iska kaa fasaxo nolal inaadan igu heysan ayaa laga yaabaa aniga taasi wal wal ayay igu noqotay sababtoo ah qofka aad nolasha u hibeysay oo marwadiisa saalixada ah aad noqotay sidaasi haku dhaho arin igu culus ayay igu noqotay .

Waxaan noqday qof wiish uu ku yeeray anigoo awal ba fakir iyo layaab uu iga heystay nolasha abdirashiid oo waayadii danbe is badashay iyo waxyaabihii waajibaadka ahaa ee aan u wada nooleyn oo aan ka waayay Gacaliyaheyga walibane aan ahaay qof samra oo sugta inta ninkeeda uu ka kabsanayo ayay iigu darsoontay in la igu yiraahdo waan ku furayaa.

Mar walba oo uu iga maqanyahay waxaan soo xasuusan jiray inagoo isla fara kacayaarayno isla qoslayna nolasheeni bilow ilaa dhamaad.

Sidoo kale waxaan soo xasuusan jiray qaabka aan u sagootin jiray iyo qaabka an usoo dhaweyn jiray , caruurteena waxaan ku ciyaarsiin jiray magaca saygeyga Rashka .

Intii iyo in ka badan ayaan wali u haayaa laakiin gacaiyaheyga ayaa u muuqda mid iga dhacsan .

Runtii marna ma wanaagsana laba is qaba in ay ka sheekeeyaan nimcooyinka dhex yaalo laakiin arintaan waa mid aniga igu noqotay amakaag iyo anfariir waana mid aan huri waayay Inaan ka hadlo .

In badan waxaan ku taxnaa shakabadan Kobciye.com oo mudo aan ka aqrisanayay qisooyin jaceyl iyo arimo la talin ah runtii waxaan ahaa qof fikrad fiican ka dhiibta qofka dhibaataysan ee u baahan talooyinka .

Maanta anigiii talada bixinayay ayaan Saaxiibadeyda ila aqrisata Kobciye.com ka codsanaya in ay talo wanaagsan oo wax ku ool ah ay iga siiyaan arintaan iga qabsatay Qosykeyga.

Runtii Nolasha aan u wada nool nahay waan wada Ogsoonahay marna ma jecli inaan ka Fogaado Wiilkii Isoo Dheel Baray jaceylka iyo nolasha Macaan igu soo ababiyay Hadane Qof kuburinaya Iskuma dhajin kartit Caruurteyda Maka dheeraan karo , aabe La’aana Ma haysan karo .

Marna ma jecli inaan u dhaqmo sida dumarka qaar ay u dhaqmaan ee ah marka ay isku dhacaan ragga qaba in ay Police Ama qolyooyin kale ku dacweeya oo ragga laga eryo hoygooda iyo caruurtooda taasina ay keento caruur aan Aabe farxad ka helin .

Yaanan warka idinku daaline mar labaad waxaan ka codsanayaa aqristayaasha Kobciye.com in ay iga caawiyaan oo ay talo iga siiyaan Caruurteyda Iyo Mataankeyga oo aan Dooneyn inaan ka dheeraado laakiin U muuqato mid la I eryayo ayaan rabaa inaad iga tala siisaan intii fikrad fiican igu soo caawiasana waan tix galin doonaa waxaan u mahad celinayaa dhamaan aqristayaasha kutaxan shabakadan kobciye.com iyo Dhalinyarada U howlan in ay Bulshada Ka haqab Tiraan Arimaha Jaceylka oo horumar u ah Dhismaha Qoyska,,..


54 Jawaabood : Qiso Xanuun Badan: Gabadh Soomaaliyeed Oo Arin Layaab Leh Haaysato Talana u Baahan…

  1. Saluuglaay says:

    Ilahay amuuraha ha sahlo wax kalon dhaho ma aqanee

  2. mahmaed deeq says:

    asc walashay ilahay muradkaga haku sahlo asgana allah hakusoo jilciyo doco mahine wax kale aan kuu dhahao makasaayo walahay qaaliga aheey qiyamlaylka iska tuko insha alah ilahay aya ku cawinayo wabilahi tawfiiq

  3. caasho cadey says:

    asc abayo ninak hadii uu ku rabiin ka is dhibiin ee is korto ilmahaga. Waxaan ku rajeeynaa mel qeer qabto insha allah
    thank bahda kobciye

  4. abdicaziz says:

    Asc walal waan ku salaamay salaan kadib abaayo sheydaanka iska naar ninkaaga kuma nicin ee waxbaa jira ee waxaan kugula talin lahaa idinka dhan familka quraan isa saara insha alaah wax walba waxay kusoo noqonayaan sidoo dii hore insha alaah wabilaahi towfiiq

  5. c/man jiile says:

    asc salan ka dib abayo horota talo wa ti rabbi balse ani waxan kugula talin laha gacaliyahaga in ad sasabto od qanciso waxa lagaba in wax ka daremay marka ad dhahdo ado hadalla macmacn kula hadlayo mawax dhib ah aya jiro o iga darentay ani dhankeyga wan isku dayaa in an kadadle.ado si degan ula hadlayo o dheheysid gacaliye arintan no qafiifi si an nolosheyna u dhameysano awladaynana u dhaqano una sheg in ad jeceshahay .goley wa macqul inad wax aw dhibsana sameysay .e iskada hati ay jiraan. ilaheyna bari in ilahey seygaga ku dejiyo waxa hubal ah in aw gu dege 2bo rakco suna duko..insha allah.talo wa ti rabi dadalna wa ti bin adam.

  6. hanah says:

    asc wrb
    salaam dhaman akhristayasha iyo bahda kobciye kadb.

    walal waxad tahay qof wax garad ah hadana imaan leh oo garan haysa xaqa ilmaha iyo abahaba ,marka kowad ilahay talasaro ducaysana labo salad oo istikharo ahna tuuko ducoyinka murugada/walacana akhriso, labad waxa jirto in ariintan aykubadan hayso quurbaha marka ma laga yaba in niinkaga laga siirxay mana donayoo inaad shiki kale kaqado hadalkayga, reer islaam ah oo sharaftas leh inuu buurburo wa arin murugo leh marka ogaysi ehelkaga iyo kasaygaga waxadna radisa culimo taqana cilajka oo inbad quranka ku aqrisa insha allah wuu cafimadi dona adna kuwada nolandontan farxadi horo kale . waxan ilahahy kaga rajynaya inu kusikhiiro waxadna ogata aduunyadani wa iska imtixaan marka samir saygana usamir sad sheegty kuna da’dal siduu isbadal ugu iman laha

    wa billlahi tawfiiq

  7. faay says:

    salaamun calaa kullil qurraa’ wal kutaab
    walal salam ka dib aniga waxaan ku soo jedin:
    1- horta magaiciina saxda ah inaadan isticmaalin baan rajeyn ood adeegsato magac isticaaro ah ama kale.
    2- waxaan filayaa waa laba middood arrinta haddii ay tahay sixir waxaa ka adag quraanka iyo athkaarta ee badi rabbina barydiisa badi.
    3- waxaa aga yaabaa in saddexeeye jiro ee si fiican u daraasee haddii uu jiro. hore baa loo yiri malaha dumarku dareenka ragg kama been sheego oo waxa filayaa in aad fahmi kartid haddii qalbigiisa lagula soo degay. waxaad yeeli kartid samee ama ay kaaga badin weydo waayo haddi ninu rug doorsado waa adag tahay xaaladu oo waxaa meesha ka baxay xubbigii iyo iisihii.
    4-bal adiga qudhaada dib isugu laabo arma wax kaa qaldan yihiin oo aadan ihtimam badan siin naftaada bal is beddel samee.
    waxan oran lahaa guriga ka guur allaabta o lagayaabo in wax laydiin dhex galiyey xataa bedel haddaad karto.
    5-ugu dambayn ilaahay baa quraanka ku yiri waxaa laga yaabaa inad neceb tihiin wax khayr idiinku jiro waxaan laga jeceshihiin wax aan shar idii ah haddaba ilaah baa garanaya meesha khayrku kuug jiro ee hadii nnkaan clfkiinnii kala dhamaaday oo uu intaas ku ekaa yaan imaanku kaa raacin ee laaay bari istikhaaayso oo bal xaaladda dadka ehelka idiin ahna tusa intaydaan carruurta agoon rajayn.

  8. zainaba says:

    Asc

    Marka hore waxan hawada usoo marinaya salaan bahda kobciye iyo akhristayashiisa,marka xigta waxan xagan ka salamaya ruuxda dumarka ah ee dhibk sheganaysa magagecana karisay ka ninkegana banaanka uso sartey haday aheyn magac nicke name aay ula bahday walahu aclam,lakin walaashay intan qoral kaga akhrisanayey adigan kula yabana oo aan ka subxanalaysday walashay waxad no shegtey in aad singel ku aheyd uk ok illahay swt ku siyey nin wanaagsan jecely iyo kalgaceylna idin dhex marey 5sanona is qabten illahayna idin kala siyeey 3 caruur waxad kalo no sheegtey inad culimada u geysday oo quran la sarey waxa hadla kag aiga muqda in ninkagu anu maya ku odhanayniin hadi aad u geyso wadaad ama dhakter etc waxa iga ka muqda hadla kaga inu yahay ninkagu nin ku dhago nugol oo qog wanaagsna ah tasina wa nicmatul rabbi oo aduunkisu doono ayu ugu deeqa qoys wanagsan caruur etc marka,2 labad ee aan ka jafacay kana subxanalaysday waxay tahay culimo u geyey qoran la sarey ma u sheegin waxa jira lakin web aduunweynaha laga akhristo oo populer ah ayan sirta rerkeyga iyo waxi na dhex marey aniga iyo sayigeyda ka sheegi tasi aniga wa ila qaldan tahay oo aad ban uga xumaday walaahi kuna canaanday adiga iyo dumarka kula midka ah illahay ha idin cafiye sariirta waxi ninkaga aad kala kulanto inaad kariso oo aad u ceeb asturta ku khayr badna culimadana la tashado…Arrinta saddexaad waxad sheegtey in googosha ama sariirta anu sidisi hore aheyn walashay dadka aad talada ka codsanayso xalada sayigadu ku sugan yahay waxba kama ogan karan aan ka aheyn adiga madama aad ku sayigada 5 sano is qabtan noloshisa iyo hab dhaqankisa debecadisa aad taqano marka anigu waxan ku oran laha culimada dib ugu laabo oo waxad ka karisa yeysan jirin dhakaterkana u eeg waxa laga yaba sayigadu inu ku nicin naagna ka tacin balse u xanuunsanayo kana xishonayo sidu dhibkisa kugu sheegto waxa laga raba inaad adigu iisha ku hayso sayigada ogadana xaladiisa waxa dhici karta inu dareenki ka gurey oo ka niyad jabay adigana inu ku dhibo oo ku niyaad jabiyo usan rabin, marka furinta iyo calan calka iska dhaaf oo dhibka jira waxu yahay ogow inta ayna farahaga ka bixin wa hadi aad rabto inu rerkaga ku dhisnato sidan qoral kaga ka dhandhansaday sayigadu wa mid ku dhago nugol oo waxi aad kual taliso qadanaya marka isku day inaad dhakter u geyso culimadana dhib ula tashado…Waxan kalo ka waninaya inadan sariir iyo waxi gogol iyo waxi dhibato qoyseed ee ku haysta adan netka so dhigin balse culimada un la tashado illahayna talada u dhibato oo istikhareysado salatul leyl kana tukado kana barido rabbiga inu sayigad aku cafiyo rerkagana ka burburiin..Illahay haku cafiyo walashay odaygagana haku cafiyo isaga awood badane amiin..Hadi hadal kaygu ku dhibo cafis anigu waxan bas kaliya raba wanaagina oo ma jecli gabadh marwo ah in waxi sir gurigega yalo banaanka uso saarto culimo lala tashada jirto dhakatir lala tashada jirta lakin web talo ku siin mayso ee ceebtada un bad so dhigtey iyo dhibatada iidn ka dhex tagan adiga iuo gacal kaga marka iska ilaaliya marwoyinkow inaad sirta rerkina netka so dhigtaan wa un iga talo iyo naseexo insha allaah,Waxa Abuu Saciid Al-khudri a.k.r. laga so weriyey Rasuulke alle s.c.w. wuxuu yiri:Dadka qofka u meeqaan liita Alle horti Maalinta Qiyaamaha waa nin u galmooda naagtiisa,iyaduna isaga oo dabeeto faafiya sirteeda.waxa weriyey musliim…Marka walashay anigu wanaag kaga ayan jeclahay waxi aan nafteyda la jeclahayna wan kula jeclahay walalkaga islameed marku dambi ku jiro ama gaaf ka dhaco waxa wanaagsan in lo nasexeyo waxana la ina farey inaan wanaag is farno xumantana iska fogeyno, marka walashay ma gafan wa eebe weyne lakin tano kale yanay kugu dhicin gogol adiga sayigada idin dhexeyey so ban dhigto waxana illahay kaga baryi inu ku cafiyo sayigada wa xanuunsan yahay sidna qorla kaga ka dhandhansaday ee geesinimadada dumarnimeed isticmaal oo dhakterka gee kalana tasho inaad dharktar wada adan insha allah wa cafimadi…Marwoyinka la qabo waxna kula talin inay iska jiran sirta iyada iyo sayiged ka adhexeya banaanka u sarin siba netka soo dhigin culima udiin kala hadla waxi dhibato jira iyo dhakatirkina tasa idin khayr badan aduun iyo akhiradinaa.

    Qoralka wan idin ku dhereyey cafwan akhwaani walalahayga islameed.

    Wabilahi towfiiiq

    Wabilahi towfiiw

  9. asc wr wbr salan kdb

    walasheyda qaliga marka hore is daji wana lawad daremi karaa dhiba tadaada iyo murugdad allah swc haku yasire hana kaa dul qada amiin amiin wll teda kale mar walba ku dadal sidow kuso labmi lahaa gacaliyahaga hana ka raja dhigin nolosha kuna samir allahii marka hore nimco anlaso kobi karin iyo jacel balaran idinku galadesty inow mantana kuso celinkaro wll mar walba alle tala saaro waxba kama halabayaan wax walbana waqti bey leyhiin qer iyo sharna wa inaad ku shugrisaa marka wlla ducada iyo slada istkharda badso kuna wana qado allahi shaly idnku galadesty jacelka balaran iyo nimcoyin anlos kobi karin inow dub idiinkuso celinkaro alla swc waxan ka baryaa inow dhaman muslimiinta melwalbey joogan muradkoda allah sahlo gar ahaan gabartan muslimdaa wll adna waxan ku rajeynaa inow alla si fudud kuguso celiyo nolshadii adku farax saned

  10. XASAN XAAJI says:

    Asc dhamaan bahda kobciye iyo inta kutixan
    marka xigata waan ka xumahay waxaan kugula talinayaa walaale marka hore
    ALA KACABSI IYO IYO BARYADA ALLAAH
    MARKA XIGA
    HABAXO TABLIIQ
    ALAH DARTII 4Odes
    waxaan rajeynayaa isbadal insha alaah
    SIDAAN IN BADAN ARAGNAY WS WR WB

  11. Daahir mooge says:

    Asc walaley marka hore ilah tawakal marka xigtane dhaqamadada bedal oo isku day inad dib umilicsato malmihini hore iyo dabecadihi hore markad isku cusboneyden wayo waxa lagayaabaa inad kamashqushay wax yabo badan uu karajenaye seygada ama ukaga barte sidad ilmaha ugu mashqushay asagane isugu mashquli wayo ilmaha hortoda adinka ayaa isu ahaa wax walbo niyad jabka seygada waxu kasocdaa waqti aad u heli weysay ragane isku dabci mahan ilhne kama wada simid dhaqamada iyo dabecadaha raga qarba ogoleyn iney kumashquliyan ayago carurtoda is dhex yacsantahay qarna ayagiyabo kaso horeyo carurta oo rabo in ayaga marka hore laqanciyo walale waxan ilh kaga rajeyna inu gurigada kusi dhisnado seygadane ilh kuso jiheyo waxane kugula talina inaad istiqaresato ilhne karajeyso guri barwaqo furin mawanagsana waxana ku farxo sheydan wayo waxa bato xumaha marka furinka bato ilh ha idin wanajiyo adinka anagane hana wanajiyo inti muslim ah

  12. Asc w w w
    walaalayaal salaan ka dib waxaan ka dhihi lahaa wlaaasheena arinteeda waa arin aad u murug badan walaale horta ilaahey bari mar walba salaad kastana aad dukaneysid salaad kale ku dar labo rakacadood inuu ilaahey seygaaga kuu soo jileeciyo teeda mar walbana uu uu yimaado iska dhig qof murugeysan qof aan wax farxad ah heysan ha u muujin farxad iyo reeren waayo ma dareemaayo murugadaada ma dareemaayo dhibka kuheysto habeenki iska soo kac salootada iska imaad ama qolka fadhiga iska soo jed waayo haduu dhowr jeer kugu arko waa laga yaabaa inu kuu soo jaleeco oo uu ku dhaho maxaa kugu dhacay markaa uu ogaana inuu murugadaan asiga ku gelyay mar kasta uu ku arko iska dhig qof aanba jirin nolona heysan dhimashana heysan waa aniga fikirkeyga haduu qaldan yahayna walaalo iska daa wlaale teeda kale quraan aqriskana badi adunkan sheydaan aa iska buuxu oo rabin inaad faax ku noolaatin wadaado waco halagu quraamiyo ok by qaali fasaaalmu caleekum warxmatulaahi wabarakaatuhu
    wabilaahi towfiiiq

  13. Dhaqane says:

    Asc wlshy talo waa tii rabi ee waxaan oran lahaa isdeji oo xalka willi may isku na qo adi naftaata oo radi in ad debi ad gashay jiro hadii ogsoobaxana is ku day in ad qisho samay so si laguugu qanco

  14. Ilyaas says:

    Asc dhaman walalaha musliminta ahow mel kasto oo aad dunida kajogtan salan kadib walshey muslimada ah waxan kula talin laha qodobadan 1 ilahahey wuxu dhahay waan idin imtixamene bahi gaajo geeri ilmahu dhinta faqri waxkasto ee kuwa sabra ubisharey marka walaley sabir 2 hadad musibo ku asibtana inaalilahiyeyso sida alah yiri 3 salatul istikharo tuko 4 qiyamuleyl tuko 5 qur,an adi iyo asiguba isi saara 6 nabi muxumad c.s .w wuxu yiri majirto qof 7 jeer ku aqri ducadan qofki xanunsan wana sidatan asahalulaha rabal carshil cadiima anyashfiika todobada jeer ku aqri 7 markale waxan kagulatalinaya sabar adunyadu wa imtixane si alah kugu naxaristo malinta qiyamaha ninkada alaha ku cafiyo w ww

  15. Sabir says:

    Asc dhaman asxabta gar ahan gabadha dhibka haysto walashay aniga waxan isle in 2mado mid jirto tan kowad in aad adiga ninkada wax uu la daren belo aad ku samaysay sidi fal ama hadal xun oo marki uu so xasusto damirka dhan kaqadayo wana dhacda tas 2 in uu jiro xanun iska rabani ah oo xaga alle kaga yimid si kastaba ha ahato waxa habon in aad asxabta &ehelka wax u shegatan qur.aankana adan ka dalin dhaqtarna aad u gayso hadi shaki &cuqdud jirtana laxaliyo

  16. mohamed says:

    Asc walasha waxan filaya inaad wanagsan tahay xaga rerka dhaqitankiisa lakin ogow qadarta Alle sw iney jirto asagana neceyb kuma qabo dhibka jiro awgiis ayuu sidas uleyahay
    usheeg inadku rabto dhibka heysto adna laqeybsaneyso
    ana wan idin soduceyn hadu Alle sw idmo samirka badiya wa imtixan rabani ah dad u kudhacay dhibkas ayan aqana hadana caadi ah

  17. ducaysane says:

    asc
    walaal waan ka xumahay arinta kula soo gudboonaatey . Ilaahay reerkaaga ha kuu badbaadsho wixii culays ahna ha kaa dulqaado.
    Waxaan kugula talinayaa in aad Sabirto. Oo ducaysato ,
    teeda kale sadaqo la bax ilaahayna bari .
    Xaalada dhabta ah ee ninkaaga haysatana ogow sida ،،sixir..jin..damac kale..niyadjab xagaga ah..caafimaad daro….waxyaabo badan baa sababi kara. Ilaahay baan kuu baryeynaa in uu kaa dulqaado culayska ku haysta. Asc wr wb.

  18. Mohamed says:

    Walasha qadarta Alle sw kusamir wa imtixan adunka markansoqato dhibka kuheysto waan arkay qofkale oo sidas noqday oo wuxu aha saxibkey
    seygadana kuma necbo ee wuxu isleyahay qancin la aanta dhesa armey kugu dhib qabta
    usheeg inaad wax walbo oo kudhacay adku jeceshahay Lana qeybsaneyso dhibkiisa hadu calafkaga kadhamaday xaga Alle sw inad xaskiisa si ahato kusamir
    ana marwalbo wan kusoduceynaya haduu Alle sw idmo

  19. daahir mohamed abdalla says:

    asc wrxm wbr all my walalahayga ixo bahda kobciye salaan kadb wlh walashey wa arin ad u adag runti abaayo nlshaan waxan la arkeen malahan runti nloshan wa imtixan ugu horen allah aya ku imtixanaya waxad ogata dunidan waxan dulqaad ahen laguma noola abaayo waxad samesa oo aad kudadasha tilmamahan soosocda :
    1. Kow waxa samesa dulqaad badan waxadna isku day inad sxbkaga allah inu bariyo dhibkana kaqaado .
    2. Inad allah kuxernatid daqiqad walbo salatul leyl ad badisid allah ad baridid sunoyinka kudadashid waxad ogataa rux allah kuxeran marna mayacdo .
    3. Waxad samesa inad dacadnimo muujisid quraan ad aqridid mar walbo inu gurbada kaqaado allah wa qer badan allah booskeda kagaliyo wax kaqer badn kaga dhigo.
    Wanku soducena qoys burburay mafududa wa xanuun daran abyo allah garbkaga haglo guul ayan kurajena wana kuso ducena

  20. Warsame husein says:

    Asc dhamaan sxb reer kobciye inanta walaasheena waxa haysa dhibo waxana u fiican samir haday ka baqdo in ay danbi ku dhacdana waxan odhan lahaa waraaqda haka qaadato waxan inta ku dari lahaa gabay hore loo tiriyey oo tuduc ka midi ahaa .. Waxa kale ayaa lagaa caawiyaa oo cidi ku siisaaye waa cudur xoolohoo caajis kaa galahe .. Sidaas oo tahay dadkii hore way ka ducaysan jireen xanuunka noocaasa oo waxay odhan jireen ilaahayoow labada lugood dhexdooda ha nagu ceebayn . Sidaas oo kale ayaa duco la idiinka baahan yahay adiga iyo ninkaaga wabilaahi tawfiiq

  21. Asc wr wp dhaman musliminta qoraalkeyga aqrisaneysa bacdal salaan hooyada somaliyed ee talada u baahan hooyo waxan ku leyahay marka hore talo waa tii rabbi anagana taladeynu wa mid daciif ah hooyo waxaan kugula talinayaa inaad sabar muujiso waayo allah wuxu yiri kuwa xaqa rumeeyayow kaalmeysta sabarka iyo saalada ilaahey wuxu la jiraa kuwa sabree (suratul baqara aayada 153aad) wuxu kaloo yiri kuwa hadey asiibto musiibo yiraahda innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun kuwaas korokoda waxaa ah naxariisyaalo xaga rabigood kaga timid iyo raxmad kuwaas iyaga ah wa kuwa hanuunsan (suuratul baqarah aayadaha 156aad iyo 157aa) allah wuxu kaloo yiri wax kale ma ahan waxa la waafajiyaa kuwa sabra ajarkooda xisaab la,aan (suuratu zumar aayada 10aad? Sabarka wa muhiim aayado badan iyo axaadiis badan aya kusoo aroortay xadiith uu abaa hureyrah so wariyay wuxu kuyiri rasuulka scw wuxu yiri ilaahey qofkuu kheyr la doono imtixaan ayu marsiiyaa micnaha musiibo ayu ku tijaabiya (rawaahul bukhaari ) marka hooyo waxaan kugula talin laha sabar salaadahana kaalmeyso ilahey aya faraj kheyr qabo ku furi doona INSHA ALLAAH mida kale isagan niyada u dhis raaliyo wa midi marku ninkeda xanaaqsanyahay dajiso marku daganyahayna u dhoola cadey wixi isaga farxad u ahna u sameysa wuxu farana sameyso wuxu ka reebana ka harta intaasi wa kaftan hooyo mcn allaha idin xafido farxadiini horana allaha idin so celiyo amin amin amin hooyo midakale iska ilaali ceebaha reerkaga ina fidiso wayo allah aya kaga caroonaya taasi wa taladeyda ugu dambeysay wixi aan qalday nafteyda iyo sheydaan xagooda ayay ka ahaaden wana idinka raali galinaya aqristayasha sharafta lahoow wixi aan saxayna allah xagiisa ayay ka ahaaden WAAYO MA GAFE WAA ALLAH
    WABILAAHI TOWFIIQ jazaakumullahu kheyran

  22. Samone says:

    KkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkkKkkkkk
    hadal gagaban oo xikmadeysan ku hadla ama hadii kale iska aamusa
    dhaliil badanaa dadku

  23. rihaam ruuxi says:

    asc dhaman asxabta ku tixan webka tankale walashay waxn kugula talinlaha inad ciwadada badiso culumadana latashato quraankana isasartan adinka iyo qoyskaba dhaqtarna geyso seygada haka xishonin dhaqtarka iyo culumada walashey ale bari o marwalbo uduceyninkaga sunadana badi walashay qaliga aheday sirtana xifdi o ninkaga wa iga talo taas walashey intasa kuso kobaya wabilahi towfiq

  24. Caaisho says:

    asc qaraabo muslimiin manta oo ah bisha 2/11/2013 aan arkay ilatalidaan,,,,,,,abaayo aniga waxa ku dhihi lahaay gurigaaga suuku dumin xaquuqdaada ka tana sul oo ninka xaas 2aad uguuri suu kuugu joogo aniga taladeyda waataa illaahey hakaa dhigo gabar samirka badisa oo wixi uroon fahanta aamiin

  25. matan ka says:

    asc hadi an u dhadhaco fikirkayga ani howshan ninkan ku dhacday o daren la’anta ah waxay ilatahy in la sixiray mxa yelay qisadan o kale horay ban u maqlay marka ninka hala quran saaro

  26. Fahmo says:

    Asc.. abaayadeey qaali wan ku salaamay marka hore marka xigtane arrintaan ma ahan mid lagu farxo aad ayaane murugtaada u dareensanahay lakiin insha allah wax kale ku dhihi maayo ee ducada eeban kugu soo dadaalaya… Plzz Ilmahaada asiga dartiisne ha u cidleeynin isku day in aad asiga iyo caruurtaada gacanta ku dhigto….

  27. Asc all bahda cida ku xiran wllyda qlig ah wxan ilah uga barya marksto mucjisad heysto in oo ilah ka dajiyo oo ilah usqr dhibkod ilha kahyo wlshyd wxan karba oo anka codsah saldkto o aydukto inay dukto 2 ragco oo suna ah oo ay ilah bryd xili kso wxn dhha ilah ww ka dajiha culsk ilah bir ilah ayaa ayaaku soceln frxdd sabkn badi wxa lag yab in lagugu imtxmo oo wxa tahy marwo jcl inkd rabtn qosked inuu ahd kugi farxd uga tago adunk wlshyd ilah wxankkg bry dhibtd ku heysto inuu farxd wrdo kugu bdlo wlshy ilah waa jcl adunkis muslmnt ah ee slda ilah duko oo bri ilha ujeeso xges wlshy adigoo mahdsn wlshy ilah hag dhigo ninkad kii shlay ku ah wdnamahdsnthy wlshyda qlig ah nsha allh wdka dga cuslka ee sabrka baddi

  28. Qadar says:

    Asc. Salan ka dib shamso walaalo aan tusalo yar ku siiye anigu xaas ayan leyahay 4carur ahna ii heysa aniga oo xaskeyga jecel ayaan hada ka hor isku arkay inaan sarirta ku qancin waayay marka quraan badan iyo samir ay xaskeygu samartay ilaahey mahadii waa iga haray cudurki marka waxa laga yaaba ninkaga qancinta uu ku qancin waayey darted inay cuqdad ku noqotay sidaa darted uu kuu yiri wan ku furaya marka walaley u samar una sheg oo ku qanci inaadan cudurkan ilaahey u kenay aadan ku naceyn uguna samreyso marka waxan rajeynaya ilaahey idinkii in cuqdadu ka baxdo uuna kuu hagago insha allaahu

  29. Ruwayda says:

    Asc abaayo shamso allaha kusiyaadsho imaanka iyo wanaaga aad haysato runti waa arin adag lkn allah ninkada hakufiicneeyo tankale abaayo quraanka lagama dalee quraan saar una sheeg wadadada in ay arintan idin haysato quraan iyo ducaba hasarane tankale abaayo usamir asagane usheeg in aad kuqanac santahay jiradisane ugu samraysid si uusan udareemin in aad dhibsanayso cudurka haya awgiis thanks sis again ur kind information

  30. nuseebah says:

    asc abaayo waan kaa calool xumaaday runtii kor bilisna kaba isma dheera waxaan kugu waaninaa inaad noloshaada wax ka badasho sabarkana kaashato allaah waxa uu jecelyahay kuwa sabraka badan isagan haduu xanuunsan yahay allaah caafimaada ha siiyo amiin waxaan kulula talin lahaa gurigaaga ku shid subax kasta suurtul baqara waliba adiga nafsad ahaan akhri aayada 101 suuratul baqara ku celceli maalinta oo dhan kuna duko walaal.allaah ayaa faraj kuu furi doono,waxaa jira shaydaan ka dhex shaqeeya ninka iyo naagtiisa marka ku dadaal aqrinta suurtul baqarah.

  31. sukeyna says:

    Asc wr wb wan idin salaamay walalahayga muslimiinta ahoow ,waxaan walashey kula talin lahaa in ay samirto why caruur wey haysataa allah u barakeyo caruurta badana janno laguma galo ee kuwaad hayso ku dadaal sidaad allah igu xiri lahayd adigana waa ninkaagii wanaagsanaan jirey cilada ku timid ku sabir ina laahu maca saabiriin,,sabirka iyo salaada kaasho ,mida ah in uu doonayo inuu ku furo waxa laga yaabaa inuu kaa dareemay in aad nin u baahan tahay marka dembi inuu so gaaro ayuu ka baqayaa oo aakhiradiisu u cabsadey baa laga yaabaa laakiin adigu mid samee ukhti soon intii aad kareyso ,salatuleylkan badso ,hana dareensiin ninkaaga wax baahi sariir inaad qabto oo u niyada dhis isagaa u baahan support hana ku calcalin hortiisa tus inuu mar waliba agtaada qaali ku yahay badi ixtiraamka aad u hayso allah ayaa idin caawin doono iinsha,allah.waa walasha ku jecel dar allah midna ogow walaalkaa oo shir kaa waaniyey waa uu ku caayey bay somalidu ku maahmaahdaa waxaan rajeynayaa in magacyadu aysan kuwii dhabta ahaa ahayn why haddu magaciisa ka arko kobciye isagoo ku qoran waa mushkilad kale

  32. mr kuranaa says:

    Asc dhaman bahda kobciye salan kadib gabadhan walashey ah wax bey qarineysaa anagana sidi wadadadi quranka sarayay oona ogeyn mesha laga hayo rashka ayeyno nahay marka walashey hal talo ayaan sinaa wax dhibayo oo hamigisa wax u dhimayo ayaad mudo kula dhaqmeysay asagana kugu dulqadanayay uu rajo ka lahaa mar uun in aad ka deyn donto adna dabecad ka noqday marka cudur hadu jiro una wax ka tabaneyn inta Adan ka fakarin ayuu ka Fakari lahaa. U daawo iyo si kasto uu dawo ku helayo ISO daweyn lahaa marka odagada wuu ku jecelyahay ee adiga ayaa waxyabo badan u asaga jecelyahay ayaad marar badan ka hor timid marka wlshey adiga dib isugu noqo oo sax inti aad is ledahay wey ka iman karan ciladan dawada iyo talada aad radineyso waa mid aad adiga heysato marka wlshey kuma furayo ee wax buu ku Daren sinayaa sababta oo ah hadii Adan dacwo qabin asagana dacwo ma qabi karo eleyn wa qof xanuunsane furina mesha ma iman laheyn wabillaahi towfiiq

  33. farah says:

    anigu labatalan ku sinaya mid wa samir wata ugu horeysa ilahey uxusan qadarin cidna uma yimadan makhluqadka ilahey aburey 2 talabadna quran ku akhri kuna wad mudo

  34. ismaciil says:

    Marka hore waxan ku bilabaya salan la isku salaamo tan ugu qiimaha badan asc wr wb dhaman muslimiinta marka xigta hadaa mawduuca horay u galo gabadha walasheen ah wan ka naxay wlhi qisadeyda sida gabadh naas ila nuugtay cml marka aniga waxan ku soo koobi lahaa warka aduunka ilaaheey baa ka adag ilaheyna waxa uu yiri inna allaha maca asaabiriin ee walaleey habenkii saladu leylka badi inuu ilaahey sidiisi hore iyo si ka fcnba kaga dhigo adigana quranka ilaahey ku baray saar hadaladiisana ha ka xanaaqin ilaaheyna u tala saaro wabilaahi. Tawfiiq

  35. mar hore alle ayaa mahad Isag ayayna u sugnaatay in loo mahad celiyo aan ki bilaawo sheekadan mid la mid ah oo hado ka hor somlia ka dhacday sida aan sheeko ku maqlay waxeyna u dhacday sida nin walaalkeyga rashka loo haayo oo kale illaahna daawo ha siiyo yarkii markuu isku arkay cudarkaan mudo bil ah uusan damcin xaaskiisa waxaa uu la tashaday aabihii oo baadiyo joogo. aabihii ayaana ku yiri ii imaw markuu aabihii u tagay ayuu u sheegay sidey wax u jiraan aabihii waxuu bilaaway daaweynta wiilkiisa waxuuna u sameeyay waxa uuu goowrahaa isbuucii neef ido ah oo weyn subagii ayaa la cansiiyaa hilibkiina waa la siiyaa mudo 3 bilood markii laga joogay ninkii waxaa uu ku soo laabay sidii uu ahaan jiray si aan aheyn oo ka awood weyn waana illaah mahadiis bal waxaan gabadha ku la talin lahaa in ayada iyo ninkeeda sidaas sameeyaan. quraan u raaciso waadna mahad san tihiin by kobciye.com

  36. Mahamed deeq says:

    Ar waa aduun wana imtixaan ee lamaso bandhigo imtixan rabi uu ku imtixanayo weeyan ee samirka badso raali ahanshaha seeygaada badi oo dhibkisa cawa iyo dharar walba ku garab taagnow imtixaan aduunyo waaye arintaane hadii ay ka dhabtahay walasheyey taalo taas ayan kusinaya rabigeed adeecdo hadii aatahay masha allah wax walbanaha allaha weyn ha hagaajiyo caafimaad taam ahna abdirashiid allaha siiyo aamin aamin aamin

  37. Shugri says:

    Asc kobciye and walasheyda qaliga ah wlh arin xanun bdn qofad noloshada u hibeysay o adan ka marmin inu ku dhaho wan ku fura wa arin la murgodo wlh waxan ku dhihi laha abaayo idinko dhan quran isa sara una sheg wadada lana imaw sabar ina laaha maca sabirin

  38. Ahmed yare says:

    Asc wan idin salamay akhyarta aqrisa weola kobciye wll shamso mar ka hore wan ku salamay marka xigta alaha kuu soo jediyo fikirka ninkaaga sida ii muuqata waxaad tahaya gabar si fican u fahasan nolosha waxan kulugu talin lahaa adi in aad sifican u wacdiso oo wax uga dhaa dhicso aadna u shegto in adan ka marmin adna haysan karin caruur aabahood irida ka baxay waxan rajayan in aad ku gulaysan doontid tus wll mn jacaylaad u qabto intuu le egyahay

  39. osman says:

    walal waxaan kugula talin lahaa in aad badiso alla ka cabsiga oo uu illaahay qalbigaaga ku waynaado talabaad waa inaad garataa in ay wax walba illaahay gacantiisa ku jiraan, waa inaad ogaataa in odaygaagan hada uu illaahay isku kiin qoray waxaad ogaataa in uu qalbiyada oo dhan illaahay xukumo intaas ka dib. walal waxad samaysaa ficilada kuu soo dhawayn karaya qofka uu qalbigaagu ka raalida yahay
    1. talooyinka odaygaaga oo aad qaadato tusaale ahaan
    hadii odaygaagu ku yidhaa walal caruurta inoo hay oo guriga joog ana shaqada kale igu daa waa inanad diidin
    2. hadi odaygaagu ku yidhaahdo xabiibti xijaabo waa in aad maqashaa odyagaaga

  40. hibaaq says:

    Walaalshay waaxaan kugula talinayaa
    Qof aad nolol dabiici ah aad isku guursateen hadana waxa yimid waa amar alle adigana samir ayaa lagaaga bahaan yahay mid kale waxa meesha yaalo waa caruur idinka dhexaysa mid kale wax uu kuu leeyahay wiilka ka waran hadaan ku fasxo waxa uu ka cabsanaa inaad adiga aad qalad ka fahanto balse adiga niyada u dhis saygaaga oo ku qanci inaad u samrayso allena ka biri inuu kuu soo celiyo farxadaada iyo tan saygaaga mahasanid sis

  41. uma rayaan says:

    asc abaayo marka hore tan labad aduunka wax walibo waa jiraan xumaan iyo saman wanag iyo farxad abaayo waxa ku dhihi laha ani ahan quraan sar kadib ilah bari salad waliba suno ku darso in qalbiga sida jeceshay ilah ku sahlo ilmo abo laan ma la korin karo ilah ha u xifdiyo ilmaahaaga walasheey wax qery qabo ha kugu badalo asiga qalbigiisa ilah ha ku so jediyo iyo farxadii luntay my dear sister waana ku so duceyenaa

  42. King abdalle says:

    Sln qali ah kadib wax kasta wa qoral rabi calafna hadu so dhamado lama celin karo lkn samir muji u sheg inadan ku faraxsanen furitan oo aad sidisa ku jeceshahay aadna sugeso intu ilahey ka bogsinayo ducadana wa inad badisaa anagana wan kuso ducenena ilahey qerka haku wafajiyo

  43. Marka hore wan idin salmay Akhyarta kobciye. Takle waxan si qadrin leh u salamay abyo Shamso. Salan kabacdi abyo samirka iyo salada ogow. Alle ayaa khayr ku sine. Iyo in ad arinkina culimad kale tashtan Qur’ax isa sartan 2dinub.Takale ogow gacliyahaga dhib ba hayste, sidu shalay kuu daryeli jiray ugu ronow o markasta adigu ha badalin dhaman dabecaduhu kugu yaqanay in ad ka badiso moye. Takale ragu wa sidi curur oo kale wuxu jeclyahay u same sida: noca cunto ee u xiseyo, noca labiska u ku cashaqo markad xirto. Takale hadi anu isagu diyar u ahayn xata isku day in ad tusto rabitankisa adigo isticmalay hababka dumarnimo sida: eray macan adigo dheegdheega u saraya. Ogow in ad darensiyo in adan ahayn xas kaliye e ad saygaga u tahay sidi hoyadi o kale amase saxibdi. Waxa kale oo muhim ah in ad tusto raganimadisa & kalsonida u xagag ka haysto. Abyo wanu daremayna dhibkaga ee Rabi ha ku micino. Aamima Aamin

  44. mohamed DEEQ says:

    oh my allaah wlh so xanuun waaye sidaa ay tahayna alle xagee wax ka yimid eed ma laha walaasheey aduun waa imtixaan ee sabar wlh aad ayaa uga murugooday dhibkaaga madaxa dhan wuu I xanuunay alle ha caafiyo odaygaaga marka uu ku leeyahay aan ku fasaxo kama Aha xumaan ee adiga ayuu dhib kuu diidan yahay waan kuu soo duceynayaa sister adigana alla bari si aad farxadaadi dib u hesho insha alaaaah

  45. Balck man says:

    Asc walal hadi u kujecel yahay ninka waxad ku aqrisa11 lilaf hado kujeclen nina waxa ku aqre 11 qulwale insha allh wa sorujuca

  46. Asc dhaman bahda kobciye iyo akhristayasha qiimaha leh walashay ani waxan ku dhihi lahaa 1 samirka badi san qoralkaga kadhehday waxad tahay qof fican ninkaagana kuma aadan shegin xuman iyo inu kuneceb yahay ilaa inuu ka gaabiyay udub dhaxadki qoyska oo ah daren jinsiyed iyo meshu taranku kadhalan laha taasna kolay arimo dhawra ayaa sababi kara 1.inuu ninkagu kaa wayay waxad horay ugu samayn jirtay ood kagaabisay ha ahaato labiskaga,hadalkaga,eegmadada ama hanaaninta gurigina ta2aad.inuu saygagu hamiba uusan kuuhaynin ama ay jirto qof kale oo jecel lagana yabo inay sixirtay oo darenkisi katagsisay dadku xasadbay ubadan yihine, 3.inay hayso awood darro uuna hawshas uqaban karin ee ubadi cunoyinka raga darenka uxoojiya sida kalunka,basasha cad,hilibka iwm,,4.waxa laga yaaba inuu jiro xanun ka xirxiraya arimaha sarirta marka dhakhtarna waa inuu aada hadu ogol yahay 5.ninjaga lanoqo sxb una shekaysta sidi dad sxbo ah oon sir kala qarsanin ninkaga ufurfurnow hadiyo jeer garana waxa uu diidan yahay baro dabecadihisa 6.waydi sababta ugu wacan inu kuula dhaqmo sida walashi oo daren la an kugu lanol yahay kolay sabab ayaa jirta ugu dambay iyo ugu horaynba hakala daalin aayaadka allah inad ku badiso una shegto culimada ku akhrinaysa quranka siday wax ujiran mida kale adi ku dadal cibadada ilahay allahna bari hadiyo jeer talana saaro salatu layl tuko haben walba 2rakcadod oo salatul istikharo ah tuko laga yaabo inuu kala tagu idinku jiro khayrku mida kale walashay awlaadina hadarensin waxa kadhacaya xafada una sheg inay aabohod umujiyan farxad. Walal mcnto khayr ayay wax walba kugu dhaman donan insha allah niyada khayr usheg familygana waa must inad ogaysiso waxa jira waa intas oy xal kuu helaane

  47. M A DACAR says:

    Asc dhamaan waxaan salaamayaa akhayaar tan oo idil walashay waxaan ku leeyahay walaa mar ka hore waxaa lagaag baahan yahay inaad samirto waayo ninkaaga hadaad usamiro ilahay wuxuu ka dul qaadi dhibtan la soo dalistay 2 waxaad samaynaysaa waa ninaad saartid quraanka oo aad ilahay u baridid in ilahay ka dulqaado xanuunkan aad ku aragtay 3 waxaa dhici carta nila sirxay taana dawadeedo waa quraanka intaasi waa xalka c/rashiid walaal adigana waxaan ku udhan lahaa ha shakiyin isku day adiga oon wax dareenah qabin waa in aad ninkaaga sidii hore aad uahaataa adiga oo iskanaaraya shaydaank oo dhaqaysanay aayadaha waswaaska ma shakiga oo aad ku shubto taleefan oo gashanaya dhagah samee xarakaad ka sariirta adiga oo ninkaaga aan waxdareen ahka qabin am shaki ah hana dareen siin inaad ka dareentay isbadal takale ee daad tidhi gabar kale ayaan uga shakiyay taa kasaar meesha waayo ma aha inaad isku furto laba dhibaato mid ah shaki adiga naftaata aadku rido iyo mid aad uga shakiday ninkaaga oo aad ka dareentay isbadal xaga hamiga ama kalgacal kiisii oo isbadal ku yimid hadal iyo dhanaan walaal ilahay ayaa badala wax walba waxaan ilahay ka baryayaa il oo ku soo celiyo sidii hore ee oo kuu ah adana mid ayaan kuleeyahay wll waa inaad iska dhigtaa qofbaariyo oo u samra ha noqon qofsal fodod xaawada shal fudad baa janiika soo saaray alaaaho agbar

  48. husein says:

    asc walal waxaan kula talin lahaaa in aad ilaahey u bariso in uu cafimaad dagdagsiyo anagane aan u soo duceyno wajibadkii lagu lahaa allah ka dhigo mid si fiican u guto insh allah waa uu cafimadaaa adigane salada markaad dukato u aqri quranka waxa loo soo dajiyey cafimaad insha allah waa uu cafimadaaaaaaaaaaaaaa

  49. Macaane says:

    Marka hore wadsalamantihin marka 2d waxan walasiey kulatalinlaha iney horta samir mujiso tankale waxan filaya ninka in lasixray way dhacday qisadan o kale lkn ninkas waxa sixirtey nagkale o u qabey ila marki dambe lotago wax sheg iyo wax nared marka waxan kulatalinlaha xagada hakasexan hawsho wax walba o ad kulatacalikartid same xita wa utagi karta nagaha wax faliyo quran farabadan halasaro by

  50. Asc walashey shamso salan kadib ukhti ‎‏ ‏‎(‎‏(ان الله مع الصابرين‎ oo micnehedu yahay illahay waxa uu yiri‏ ‏‎ waxan macoda ahay kuwa samra) marka waxa lobahan yahay wax walba oo nolosha kaaga soo gudbonada inad u samirto waxad gaari doonta khayr adun iyo aakhiroba insha allah farxad waad helin

  51. Abris haji says:

    Asc dhaman walashey talo wa tii Rabi illahay haku sahlo umuurahaga badi baryada alle iyo salaatu laylk insha allah waxkasto od jeceshahay wad helidoonta.

  52. Laabsalaax says:

    Asc all walalaha musliminta ah kadib talo ahaan wadaado dacad ah oo eheladaa ah quran ha idinsaaran

  53. Kariim yare. says:

    Asc wll taladada ilahay idhibo o labo rakco suna tuko in ilahay ku wayfajiyo waxad jcshahay ama sidi ku ficn

  54. mohamed says:

    ninku naag kale ayuu haystaa e ha isku dhejin iska fur dhib malahan wad helaysaa cid kaloo kugu guursata carmalnimo

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA