Quruxdii Dumarkii hore Soomaaliyeed iyo Quruxda Dumarka Maanta Farqi intee La’eg Baa u Dhaxeya. (Qormo Xiiso Leh)


Manta waxaan jecelahay inaan soo qaato quruxdii dumarkii somaaliyeed ee qarniyo hore, iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha u lahaa iyo caafimadka uu haystay wajigoodu.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan fiitamiino kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta, iyo caanaha, oo dhamaantood jidhka u fiican.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo wakhti qura wax mariya wajigooda, wakhtigaas oo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo, dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.

Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jirka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen wakhtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu wakhtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jirka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka hadii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, si gabadhkastana midabkeedu lafta ka dhalaali jiray, dumarkan ayaa ahaa kuwa aanay ku soo deg degin waxyabaha hada ku soo deg dega dumarka maanta sida : (wrinkles or ageing skin).

Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo ka gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaarin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabo kala duwan: casaan, maariin, mariin dhalaal xiga, iyo madoow!

Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, maalin maalmaha ka mid ayaan  su,aal waydiiyay islaan aad u wayn,  islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad aad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liin dhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxaan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay.

Hadaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinu noocuu noqon doonaa!??

Hadii aan uso jaleeco Hablaha maanta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad moodaa inuu dabar go’ay midabkii soomaliyeed, mariin, madoow. Hadaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee leegna way soo gaadhaysaa jidhkan?

Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta maanta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka maanta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne, and blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intaan  mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin kudhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray!

Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda?

Habloow hadaba , waxa fiican in aynu is waydiino, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya?  Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka masuula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasoo usoo booday dibada wajiga.

Waxaan qabaa hadii  la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama wakhti yar maraya, in aanay dhibaato u timaadeen wajiga!

NB: Hablaha dhalin yarta ah ee wadankii jooga  waxan kala dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walaloo waxa jirta xili jidhkiinu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya, hadii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.

Waxan la marsanayo waxa jirta Da? loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo Se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, Ma ogtihiin inaad jidhkiina ku duulaysaan waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan Unugyada difaaca jidhkiina?

Waxaad moodaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad ka qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi wataa ay ka tagtay dumarkii somaaliyeed.

Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarkeena soomaaliyeed.

 


13 Jawaabood : Quruxdii Dumarkii hore Soomaaliyeed iyo Quruxda Dumarka Maanta Farqi intee La’eg Baa u Dhaxeya. (Qormo Xiiso Leh)

  1. Deeqa Dalka says:

    Asc, wa runtin rer kobciyo qurxda dumarki h0re ee s0malia iyo quraxda dumarka manta farqi weeeeeeyn aya u dhaxeya q0ralna laguma so kobi karo, hadan dumar nahay wlh inan marna ka fikiran aayahena dambe kaliya waxan ka fikarna waxa manta na h0rtagan 0ona ah in lagu tartamo anga ka cad iyo anga ka cad markasan balaayo isku qas’qasnaa aynu marsana waxanbo u heysana qufbo qufku ka cad yahay inu ka qurx0n yahay, war sida ma ahan dumarow dhaqanken an wax ka badlno. S0rry wan ku dherade q0ralka hadan gafyna ha leyga rali n0qdo.

  2. Dayax dahir says:

    Asc bahda kobciye wn idin slmy iyo inta ku xeran webka aniga Waxan amin sanahy farqiweyn ayaa udhaxeyo

  3. Liibaan says:

    Asc cadanta qurux ma.ahan dadka cadaanka ah waad aragteen jirkooda aniga waxaanb aad ujeclahay madabka maarinka ah oo waliba madow xigenka ah soomalidana wey ubadantahay waa nasib daro gabnaheyna in.ey badalan midibkoda quruxda badan

  4. R.baadiye says:

    asc,
    bacdal salaan quruxi maahin midab lasoogatee waa loodhashaa mida labaad hadii inan ragi yiri hacadaato gabari dee dhanka suuqu jiraa laysugu,iman, dhibka cidi maymooga, hada kahor yaa wadan afrikada galbed gaana, yaafili inuu ahaa,waxaa lagadigey khatarta dumarkii sowajahdey,dood dheer kadib dumarkii dooda kamid ahaa yaatiri waan ognahay dhibka iyo cafimad darada iscadeyntu lee dahay ,,balse,,
    yaa kalifey weeye,, inta ragu doonin gabar midab cad haweenkuna waa aywadin,marka ragooow yenan runta kaleexane, ninwaliba mida aan waxmarsan haraadiyo midka lahaasaawayana sharuud hakadhigo inaysan wax ismarin ,midabkii hore yaa sharafta gabar kujiraa ,,,waxaa cajiiba inan maqley rag wax ismariya baajira,baladu mayaree rabi halaga cabsado,oo rabi qaybtiisa kushugri, nabadgalyo

  5. Deeqa Dalka says:

    wcs haaa wlh wey jiran rag ayagana marsada. Teda kale hadad rag tahn haka lex’lexanina runta, ragina qaar waxey jcelyahin inay la socdan ama la saxiban gabdhaha tan ugu qurx0n walibo ayagaa gcntod ugu keena cremoyinka ay isticmalan hadiyad ahaaan. Wali indho ma sarin nin ka waaninayo ama ku cagjuglenayo saxibtis ama gclasadis iney marna u dhawanin arimahan, haye ma been baaa?

  6. Ayaan.v.i.p. says:

    Asc asxabta aniga waxan aminsanahay ineysan qurux waxba tarin wan iscadeye xagen akhiro galaa wayo adun waa labo bire eeinaa kafakaro akhiro adunyana niyada kasar waa malmo qore ee rabi halaga cabsado dumaraw aniga waligey wan ka duceystaa inoo ilahey cad igasaro wax,yabaha leysku cadeyo aqyaarey wanidin salamay dhaman tin asc

  7. Saluuglaay says:

    Walahi waa yaab caqligana wala is dheryahay siden jirkayga nin dartisa maqarka oogaga fiiqaa subxanallah iga tag dheh

  8. Aamino says:

    Asc fikirkega hada ka dhiibto dumarki hore ayaga dumarki hore isku eh muhimada wa dadka hada jogan beena ha shegina adi laftirka hada aragto gabar madow iyo mid cad oo isla socdo tan cad
    a ayey indhaha u roon adna ka helesa abaay madowbe qofkasta ma jeclesanayo gabadha taas aya u kenesa ine is cadeso ninkasta wuxu dhaha naag is cadesa ma rabo lakin run ma aha
    n runta wa naag cad nafta ay u rontahay naag madowna nolasha ani ma dhahayo ha les cadeyo lakin yana la eden gabdhaha wacya gelina inta la sameyn laha raga le ha iska dhafan

  9. C/ Bare says:

    Kaalay gabdhahan wada cad-cad ma ayakaa iska keenay wax cadaan udhashay malahan miyaa

  10. Deeqa Dalka says:

    Wey jiran kuwo cadanka u dhashey blse ya kala sari kara hee kuli way ku wada cad cad yahinee kkk midbki mad0wga wuba lumay sawangan

  11. Liibaan says:

    K.k.k.k.k.k. Sanadkaan madow nin lee kusoo haray gabar madow maba jirto k.k.k.k.

  12. mr kuranaa says:

    Kkkkk amino yarey. Gabar diyana dishay warkedi wad ledahay ee iska yarey. Sidu ala ku sameyayna ku qanac

  13. Dhaqane says:

    War cusub hada gebar cad o dhan qawaaq malaga qabaa alora hadey saas tahay gabar marba hadey cadahay badaasaan kagalaa

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA