JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
muqal1

Barnaamijka Tallooyinka Isbuuca Waxaan Doonayaa Inaan Ninkeyga Furiin Ka Dalbado Sababtoo Ah..

Published: March 3, 2013, 11:29 am | Updated: March 3, 2013 11:29 am

Hadaba Barnaamijkeena Tallooyinka Isbuuca Maanta waxaan idiin kugu soo gudbineynaa Ila tali ay inoo soo dirtay gabar ka mid ah akhristayaaha shabakada kobciye.com qisada sidaan ayey u qorneyd markii ay ina soo gaartay:

Aniga waxaan ahay marwo la qabo ku dhawaad muddo 1 sano ah run ahaantii markii aan guursanayay seygeyga ma aheyn dareen rasmi ah iyo jaceyl aniga iga soo go’ay balse waxaan ku raacay waalidkey oo igula taliyay awgeed.

Waxaa noqday Marwo u guri gashay nin aanan dabcigiisa iyo dhaqankiisa waxba kala socon waxaana isku dayay inaan nolol cusub oo farxad leh taasoo aan dhamaan la bilaabo bilooyinkii hore sida reer walboo isku cusub caadada u ahba waxa uu ii muujiyay xanaano iyo xiiso gooni ah.

Dhanka kale mudo haatan la joogo 4 bilood, ninkii wuxuu lasoo baxaydabeecad aad u xanuun badan oo qof kastoo dumar ah aysan u dulqaadan karin isla markaana qalbigeeda dhaawacaya.

Hada dhibka jira ayaana ah in uusan sidii hore ii daneyneyn wax xanaano iyo kal gacal ahna uusan ii muujineyn, balse hadii aan taas u dulqaadan lahaa, waxaaba kasii daran oo waran wadnaha iiga taagan igu noqday markii aan dhowr jeer la kulmay isagoo naago dhowr ah la sheekeysanaya si qarsooodi ah,

Mararka qaar telka uu la dhuunto iyo sidoo kale Facebook-giisa oo aan wax badan kasoo ogaaday ayaa ii cadeynaya in uu xiriir kale si hoose u maleegayo, taasina waxey igu dhalisay in dulqaadku iga guuro.

Haatan waxaan rabaa inaan furiin dalbado, maxaa yeelay marnaba kuma qanacsani noloshaan iyo ciriirigaan uu i geliyay, iyo sidoo kale walbahaarka iga heysta in uu naag kale iga dulkeeno.

Balse sidoo kale kuma dhiiran karo in aan i fur dhaho nin waalidkey igu dareen.

Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan dareemayaa dhib iyo walbahaar.

Maxaan sameeeyaa?

Halkeen talo kaga hagaagaa?

Talladaada dhanka hoose ugu reeb…

Comments are closed.


KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA

Fatal error: Call to undefined function get_field() in /home/kobciye/public_html/wp-content/themes/kobciyedailytheme/right_panel_single.php on line 51