Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.
Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.
Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.
Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Billoowga Qeybtii Sadaxaad.
Deeqo: Walaalo waaan dareemi karaa ineey la yaab kugu noqotay markii lagugu yiri tani waa hooyadeen deeqo, waxba ha yaabin anigoo wax walbo og ayan ku dhacay….
Yoonis: Yaab iima harin waxa aan sameeyayna waa wax maskaxdeyda ka weyn talo wey igu cakirantahay adigana waan arkaaa inaadan wax wal wal ah aadan dareemeyn.
Deeqo: Inanyahow waxaasi ha u bixin anigu aabahaa sawirada uu soo diray ayaan arkay inta aadan soo bixin aad baana kaaga helay, sidaa darted ayaan si aan caadi aheyn kugu soo jiitay kolkii aan airport-ka kaasoo doonayay waana ugu talo galay cidna horay uma aan soo kaxeysan………..
Yoonis: yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaah!!!!!!!!! Waan ugu talo galay aaa,
Deeqo: Haa waxey aheyd ku talo gal inaad aniga jiif ila soo wadaagtana ku talo gal ayey ii aheyd si aan mar kuu hanto, ee hada waxaad ogaataa arintaas hadii lagaa maqlo in aabahaa iyo hooyadaa xaalkooda halis noqon doono.
Yoonis: Oo waayahee, hada xaalada aan ku suganahay iiga tag bal waan qarxi rabaa aniga oo idil..
Deeqo: Hadaba arintaasi si degan ugu soo fikir inaadan cidna u sheegin wixii na dhex maray tan kale waxaan kuu balan qaadayaaa waxyaabo badan oo aad la tacajabi doontid waa hadii aad sameyso wax walbo oo aan doonayo……..
Markee intaasi igu tiri albaabka ayey kasii baxday anigu talaa igu cakiran ciil awgii dhulkaa ila wareeganayo, habeenkii koowaad soo jeed ayuu waaga iigu baryay.
Subixii ayaa albaabka waxaa iga soo galay Yaasmiin oo aheyd gabadhii aan darted u imid Kenya, yaasmiin waxey u ekeyd gabar dhowrsoon oo aad iyo aad u qurux badan, waxaa taasi sii dheereyd in aay ka muuqatay diiinta islaamka weliba si xoogan.
Waxaa cajiib igu noqotay in gabadha intaan oo diiin ah ka muuqato hooyadana hadad aragto sidey isku turukeeyneeyso adaaba yaabayo waayo sheeydaanka wuxuu kuu qurxiyaa wax walbo oo baadil ah kaana jeediyaa wax walbo oo wanaag ah…
Yaasmiin ayaa salaanta islaamka igu salaantay waxeey taagneyd albaabka qolka ley dejiyay soo gal markii aan ku iri waxey igu tiri aniga iyo adiga waan isku doonanahay oo keliya sidaa awgeed qol maku keliyoobi karno si sheeydaan uusan noo sadaxeyn.
Maskaxdeyda aad beey busy iskugu noqotay waayo durbadiiba hooyadeed deeqo ayaa igu soo dhacday waxaan u iri ok mar kale ayaanu sheekeysan doonaa, waxey iigu jawaabtay waa runtaa anigu xiligaan sheekeysi iyo inaan iska kaa eego kuguma imaan ee quraacda inaad imaato ayan kugu soo wacay waayo marti baad noo tahay…
Haye baan iri, in xoogaa ah oo aan isku mashquulsanaa kadib waxaan soo aaday quraacdii, waan fadhiistay booskii quraacda anigoo quraacanayo ayaa mar qura indhaheygu waeey qabteen daaqad la furayo daahana laga leexinayo.
Daaqadii waxaa iiga muuqday deeqo ayadoo igu tiri markaad quraacato waa inaa qolka iigu imaataa hadii kale ogoow waxeey wac u dhacayaan sidaan kuu sheegay.
Nin arin xoogani ku taagantahay quraac kama daadagteee, in cabaar ah markii aan ku dul fikiray ayaan waxaan abaaray halkii aay iiga wacday deeqo.
Qolkii markaan galayba caku waa qol qaas ah oo si macaan badan loo uumiyay, waxey igu tiri qolkaani waa qolka martida, qolkeyga kuma geyn karo, waayo ninkeyga ganacsi dubai ah ayuu ku maqanyahay qolkaasna inaan marti geeyo ma doonayo, adigana maanta waxaan rabaa arin muhiim ah inan kagala hadlo.
Halkaan ku soo dhawoow, deeqo waxey xirantahay dirac sida garan ah weliba muuqaalka quruxdeeda soo saarayo, ruuxii arkaa isma odhanayo qofkaan ayaa hal ubad xattaa dhashay, weey igu soo dhawaatay ayadoo hadba gacanta igu soo laaceyso,,,
Anagoo qolkii ku jirnaa durbo lasoo qaraacay, waa tuma markii aay dhahdayna waaba ubax oo si deg deg ah qolka ugu baahan, waan naxay, oo waxaan dareemay ceeb aad u culus. Welina deeqo iima aaysan sheegin arintii waa muhiim aay igu tiri……….
Tolloow maxaad isleedahay maxaa loo sheegi rabay Yoonis!!!!!
Makula tahay ubax markii aay gudaha usoo gasho qolka shaki uu geli doono la yaabna aay kala kulmi doonto..????
La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.
Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.
W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.
Inta Akhrisatay: 20886Kobciye1@gmail.com
Lovewithpromise143@hotmail.com
Ama Skype-keena Oo Ah Kobciye.com
Masha alaah waa qatar
waa sheeko fanny ah runtii lkn waa nagu kalajarten bahada kobciye fadlan sheekada noso badiyaa waa codsi
War duqdan caadi maahabee ani wxaan umalaynaa wxaa loosheegi rabay yoonis inaa markale farta loogu wåco.
masha allah wlh layaab weeye qisadaani lakin meel fiican ayee kugala jartayn koley ani waxay ila tahay in ay qolka soo gali doonin gabdha asaga loo soo diray shakina ma gali doona waayo iyada waa ruux mustaqiim ah
War Reer kobciye indka waaba idnka yaabee horta sheekooyinkiina waqti maba laiskaga lumin karo waayo marka meel xasassi ah mareesaad jaraysiin see idinka noqotay .aaway sheekooyinkii muddada aan kusoo taxnayan,keyla, waayaha nolosha iyo khaalid yare, iyo weliba nasiiib xume iyo kuwo kale
Walee wax waa ka dhaceen ceeb iyo lama.arag amey ka dhadaa yoonisow cagahaga ayaa wax ku soo doonatay waan arki doonaa natiijada shekadaan maba la sugi karo reer kobciye maalin walba maad noo soo deysaan
Kkkkk.habartan.ayada.ayaa rabto wilka.kkk maxa dhicodona….hadi ubax.aragto.habarta o dirac wadato.
kkkk naag waalan waye tan lkn kobciye waa nagu kala jarteen sheekada maxa noogu sii xayeysiineysiina waxa dhici doono iyo ubax waxa gali doono hada fikir iyo isla shekeysiisi aba galaye kkk wa mahadsan tihiin kobciye
asc ugu horen waad salaman tihiin bahda aqristayasha kobciye.com iyo qorayaasha qayaha iyo qiimaha bdn,masha alaah shekada waa qiso aad ucajiib ah oona xiiso bdn lkn reer kobciye caajiska ayaa kunacay sheko aye ku bilabayan kadibna we kugu jarayan plz hadi shekada inoo dhamestiri karin ha inoo bilaabinaha,
Kkkkk Islaan Waalin dheh Lkn Mala hubaa Shekadan dhab Inay tahay
Asc dhamaan walalaha kuxeran kobciye salaan kadib codsi ayaan wataa codsigaas oo kusocota walalaha rer kobciye walalayaal sheekoyinka inaad wax nokor dhisaan oo Aad wax noogu dartaan saan udhararena shekada Hal ilbiriqsi gudahodba weey dhamatay plz sidaas wax halaga bedelo
Kobciye hadaad rabtaan in aan weebka ku taxnaano iska dhafa bilowga aan dhamaadka lahayn
Asc
Masha allah sheekada meel fiican ay meree sheeko war jecli ayan ka qaadi rabaa waa igu yaratay no soo badsha kobciye mahadsanidiin wax badan………..
Asc mahad oo dhami waxay usugnatay allah swc walal kalafoge allaha ku dhowree waqtiga shegada inoo ilali qaybteda 1malin isniin ayee ahayd tan 2badna talado hadana khamiis marka inaga daya ciyarta hadiikale waa xanaqena cml wanku salamay abwan ken da,da yar macalinkena iyo walalkena mudane ibrahim kalafoge allaha kubarakeyo kuna xifdiyo dhaman akhristayasha reer kobciye duni melwalba kaga sugantihin amana allah asc
K k k shekada cadi ma ahan
beeerka ha ugu dhaco mar labaad dhaaf dulli waaye habarta kkkkkkkkkkkk
saqan ween waaye
Yaaqeey shekada mcnteeda maxaad noogu kalagoysen wa sheko ad u mcn wad mahadsantihin bahda kobciye.com lkn ani waxay ilathay in halkas ay ceb wayn kadhicidonto
Kkkkkkkk walee yoonis dab ololaayo ayuu cagaha lagal ani waxan umaleyna marka lkenay qolka in farta lagu wici rabo markale duq waxaa heshay xariifad so gubatay ah waa salamantihin webka horseedka dhalinta somaliyed kobciye.com & aqrista yasha sharafta leh mahadsanidin
K.k.k.k.k.k.k. Thanks
Asl cimrigaagooraga geldhalalayuukutusa dalabkalaykujirtaa wansugaynaa mushaykubiyo shubato
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Waraaaaa Caaaadi Maaaaaaha Sheeekada Wey Igu Socotay Viiva Kobciye.com
habar walan aa heshay yonis wey ku heysataya hakee uga baxeysaa hayeey waa yabe sheekadan ma dhab baa hortaa subxanallah
salama bahda kobciye & asxabta kutaxanba…….. Yaaaab!!!! shekedu caadimaaha mel khatara nooga jarteena
L0l
Wa qatar
Noso dhamestira bahda kobciye