JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Geerida Waa Xaq Waana Lama Huraan Balse Ku Dadaal Ineey Kugu Timaado Adigoo Arimahaan Ku Jiro Sida…


(Geeridu xaq weeyaan goor ay noqotaba)

Marka haddii ay geeridu tahey lagama maarmaan waxaad kudadaashaa bal inaay kuugu timaado adigoo kujira arimahaan soo socdo waayo waa rajo iyo saadaal fiican.

Allah ha’inawaafajiyo Fursadahaas(jaanisyadaas). Waxaana kamid ah arimahaan soo socda:

1.Inuu qofku kudhawaaqo Shahaadada (Kalimadu Towxiid) marka uu dhimanayo. Waxaana kusoo aroorey arintaas Xadiith.(Abu Daa’wood, Xadiithka Mucaad)

2.Inuu dhinto isagoo Shahiid ah (kudagaalamaya jidka Allah) oo doonaya inuu Kitaabka Allah sare uqaado.Waxa kusoo aroorey Aayaad iyo Axaadiis farabadan.(Qur’aan.3.169-171)

3.Inuu dhinto qofku isagoo usocda duulaan Allah dartiis ah ama uu dhinto isagoo Xarman(Xaj ama Cumra) . Waxaa kusoo aroorey Axaadiis (Muslim: 1207 iyo Musnad Axmed)

4.In camalkiisa ugu danbeeya uu noqdo Daacada Allah.Sida isaga oo soo tukadey Salad oo ay nafta kabaxda iwm. Axaadiith(Musnad Axmed).

5.Inuu kudhinta isaga oo difaacaya shanta arimood ee ay Shareecada amartey in ladhowro. Kuwaas oo kala ah; Diinta, Nafta, maalka, Nasabka iyo Caqliga.(Abu Daawuud iyo Tarmadi, Xadiithka Saciid Ibnu Zayd)

6. Inaay geerada kutimaado isaga oo kusamraayo kuna ajir –xisaabsanaaya cudarada caloosha midkood sida Daacuunka,. Axaadiith(Bukhaari iyo Axmed)

7.Inaay gabadhu kudhimata foosha(fool-raac). Xadiith. (Axmed 4/201 iyo 5/323)

8.Qofka oo kudhinta biyo,dab ama gabi ama meel kusoo duntey. Xadith. (Tirmidi 1063 iyo Muslim iyo Axmed)

9.Isaga oo dhinta maalin ama habeyn Jumca ah. Xadith.(Ahmed 2/176,Tirmidi 1080 walow uusan sanadkiisa xariirsaneyn)

11.Dhidid farabadan(Caraq) oo kayimaado marka uu dhimanaya. Xadith (Tirmidi 982 iyo Nisaai 4/6)

Walaalayaasha Kobciye.com Ogaada warbixintaan waan uun soo turjumey ee ma’aanan soo xaqiijin sidaas darteed wixii aan kuqaldamo karaali ahaada.

Salaamulahi alaykum

Al-Hassani

SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA