Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.
Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.
Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.
Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Billoowga Qeybtii Afaraad.
Anagoo qolkii ku jirnaa durbo lasoo qaraacay, waa tuma markii aay dhahdayna waaba ubax oo si deg deg ah qolka ugu baahan, waan naxay, oo waxaan dareemay ceeb aad u culus. Welina deeqo iima aaysan sheegin arintii waa muhiim aay igu tiri……….
Anigoo argagaxsan ayey deeqo waxey u dhaqaaqday dhankaas iyo albaabka si aay u furto, anigaa qeeyliyay oo u dhahay miyad I ceebeyn rabtaa maya intee tiri, ayey dhar xiratay albaabkiina ka furtay, ubax ayaa soo gashay durba markii aay I aragtay weey yaabtay oo waxey tiri maxaa subaxnimadaan qolkaan kazoo doontay.
Intaan hadalka qaadan ayaa hooyadeed ubax hadalkii iga daftay oo tiri wuxuu doonayaa guriga inuu dhinac kasto ka barto, ubax baa tiri waxaan qolkaan kazoo doonay remout-ka tv-ga oo aan xalay qolkaan ugu tagay.
Durba hooyadii ayaa tiri waa halkee halka aad ugu tagtay aan kuu soo qabteee, ubax ayaa ugu jawaabtay hooyo iska daa ma xasuusto halkaan ugu tagay, ee waaa iska sii baxayaaa.
Ubax ayaa markii aay sii baxeysay tidhi oo waa side hooyo qolka subaxnimadaan sida loo uumiyay waa maxay oo caraf badanaa howl baad u fir-fircoontaheee, waxaan dareemay in ubax shaki galay, waxaana maleynayaa in aay horay u taqaanay dabeecada hooyadeed balse gabdhaheedu aay yihiin kuwo si buuxdo u dhowrsoon.
Shaki kadib ubax waa aay iska dhaqaajisay ayadoo qolka ka gaarin dantii aay laheyd, markii aay baxday ayaan deeqo ku iri maxaad iga dooneeysaa keliya inaad na ceebeeyso miyaad dooneeysaaa.
Hadii aan adiga kula kulmayo marna waxaasi ceeb ilama ahan, ee aan kuu sheego danta ugu weyn aan kaa leeyahay, anigu waxaan doonayaaa ilmaheygu inaad ku dhahdo waxaan la dagayaa sxbkeey oo ku nool xaafada Eastliegh ‘Islii”.
Waayo hadii aad inta ku noolaato aragtida iyo xiisaha aan kuu qabo ayaa yaraanayo inta aan is celin waayo ayaana waxaa dhaceeyso in aan ceeboowno, sidaa awgeed galabta waxaad leedahay waxaan la dagayaa sxbkeey oo xaga ayaan joogayaa maalin dhaaf ayaana idiin soo booqanayaaa.
Balse hotel ayaad dageysaaa oo aan maalin walbo kugu imaanayo kadib 3 bil markii noqoshadaada la gaarana waa xiliga uu ninkeyga imaanayay oo inaa is aragtaan ma rabo .
Waxaan ku iri deeqo wax makuu sheegaa waxaad ku hadleeyso midna kama suurtoobayo anigana waxaan halkaan u imid inaan gabadhaada is aragno wakhti qaaadano, oo aan is fahano kadibna isa soo doonano, balse mucjisadeenaan dahsoon iyo jaceylkaadaan aan macquul galka aheyn marna masuurtoobayo ee deeqaay caga dhigo.
Deeqo ayaa hadalkii qaadatay oo igu tiri hadaba xusuusnoow maanta ubax in aay naga shikisay berina aay arki karto ficilo qaar aan ku sameynayo anoo is celin Karin, ee adiga iga aqbal hotel qaas ah oo aadan ku caajiseyn inta aan kaa maqanahay ayaan kuu kireeynayaaa, hadaad diidana ceebta ina soo gaareyso ayaa ka badan doonto midaasi laabta ku haay…
Muran badan oo naga dhex maray ugu danbeyntii weey iga guuleysatay oo waxee noqotay inaan qaato hadalkeeda, waaan aqbalay galabkii markii la gaaray ayaan deeqo, ubax, iyo yaasmiin oo isla joogo ku iri beri subax waxaan u wareegayaa xaafada saaxiibkeey maalin dhaafna anigaa halkaan u imaan doono.
Wax yar kadib oo dood ah waa leyga aqbalay arinkii aay wadatay Hooyo deeqo, sidii ayaan subixii kusoo baxay deeqana gaarigeedii cadaaa kusoo raacay, balse markii aan soo baxayay ubax ayaa dareemeysay shaki aad u culus…..
Tolloow Ubax miyeey nasoo daba raaci doontaa maadaama beenta aan sheegay aay ka shakisay, halkaasina waxaa iiga billaaban doono jaceylkii aan macquul galka aheyn iyo mucjisadiisii dahsooneyd.
La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.
Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.
W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.
Inta Akhrisatay: 30744Kobciye1@gmail.com
Lovewithpromise143@hotmail.com
Ama Skype-keena Oo Ah Kobciye.com
asc bahda kobciye marka hore waa mahad santihiin marka plz sheekooyinka ha yareenina hana bajinina waqtigii loogu talagay soo daaya plz sheekoooyinkiina aad ayaan u xiiseeyaa
asc wad salamantihin dhaman aqayarta kobciye iyo dhalin yarada kutixan bacda salaam awalan alle ayey mahadi usugnatay naxaris iyo nabadgalyo nabigena suban(csw) korki ha ahato marka kadib shekadan waa cajib lkn tanokale alle aya kabaryena inu nagu itixamin lkn mamadan melxun ayey kagashay wansa arkena meshe caga dhigato insha allah wadna mahad santihin kobciyo dhalinta aqrisata melwalbo odunida jogtan fii amanillah
Asc bahda kobciye waa mahadsantihin sida wangsan aad uga fikirten taxdirka shekada runti ani waxan umaleyna iney ubax da kaceyso maa dama eey shaki weyn ka shakisay habarta dhib bdnaa fooda laga hayaa runti yoonis waa inu yeela wixii la dhahao kk mahadsanidin dhaman
codsi fadlan magaca Deeqo halagu badelo magac kale.
waad mahdsan tihiin dhaman bahda kobciye
alla indh adagaa sodohda maba gabanaysee
bal wamn eegnaa halkay biyo dhigato
ASC Shekadan Caadiba Ma Aha Duqdan Way Waalantay Yarkuna bad buu kujira Allow Umuuraha Sahal Usbuuca danbe Waa Loo Wada Joogi Waxa dhacaba
doqonkaan asagaa shaxaari ah waayo wuxuu awoodaa inuu dag dag dib ugu laabto waayo wax u suurto galaya malaha waxaa fcn inuu ubax runta sheego ama xataa runta ka qariyo lkn uu ku dhaho ubaxay waxan donayaa in aan dib u laabto sababo jira aawgood mana awoodo inan kuu shego marka yaasmiin maguursan karo mana aha sababta aan dib ugu laabanayo mid ayada ku saabsan ee qof aanan shegi karin oo guriga jooga ayaa iga hortaagan waana qof aad uxun marka hadan magacisa iyo waxa uu samay nayo aan kuu shego qaraacan dartiis inuu wadnaha ku istaago waa macquul marka fadlan igu caawi sidan halkaan dib uga noqon lahaa fadlan waxan kaa codsanaa in aysan qofna i ogaan si sir ahna wax ugu shego oo uu kafaa iidaysto shakiga ubax mida kale ubax wax badan ayey dareemaysaa iyo in wiilka uu yahay daacad oo qofka dhibka wada aytahay hooyaded hadi ay ubax ku adkaysana uu dhaho waqtiga ay deqo guriga ka baxdo ii imaaw ana saaxiib lama dagani ee hotel hebel iigu imaaw iyo qolka numberkaas ah cidna yeysan ku ogaan kadib adb arki dona waxkasta iyo dhibka jiro kadib wuu bad baadi lahaa ayada bes ay ceebtu ku dhici lahayd
Asc walalo yala adduunka waa mucjiso ee is dhawra rabi haydin dhawre oo aan taxadarno waxkasta waa la arkaya subxan llah illahow na hanuuni waad mahadsan tihin kobciye iyo dhan akha yarta ku taxan amaan allah
Asc waaaaaw washeeko qaraar wanidinsalamay bahda kobciye melkasta aadkaganoshihiin dunida dafeheeda aan kawar dhoorno ilahayoow ceeb astur nabadey by by
Kk akkkkkkkkkkkkkjkkkkkk ar waa miskiin yoonis
Sodoh du sawta magagtay
Wayaaaaaaaaaaaaaaab.com oo macse ah
Ceebey tacaal! Allow inta dhawrson ha ceebeyn e ceebtooda astur!!! Cajiib La arki doonee sheekadaan meeshey ku idlaato le meel fcn ha noqotokkkkkkk
DaaaaaaaHiiiiiiiiiR
axaan dhihi lahaay waa habar waalan oo miyiiko qabta adduunkii dhanay so dhammayaylaakiin ani hadda ka horaan xasuustaa mid iyadoo kale ah ogabadheeda ninka qaba aqraabata oo gabartu maqaasaar tahay ii camal waye iadana.
HoRta asxaabey miyaanan lees weydiineyn wiilkaan duqda kaliya lasocda een dhalinyarta la haasawin waaaba fashil cade
Hooyadeey caadi ma ahan waaba iga yabisay yoonis ayeba daba dhigatay damac kaliya waye mucjiso inee naceybeso aye rapta yaab waye iyo ama gaag.
K k k k aniga hada ahan laha yoonis waba dili laha kun iyo kow aya kadhigi laha kunka aya kow oga dhigi laha .
kkkkkkkkkk tan waa sodoh la soo inkaaray qandho ku qaadey qaraabkeedaa badnaa aan u maleynaa maadama ninkeeda uu shaqo lee ku maqan yahay kkk
waa arki doona mesha ey shekadanku biyo shubayo
Subxanalaahii hooyo gabar ag soo doontahay oo wii ka guursan lahaa saan leh caadii mahan allah Nagu keeno tan oo kale thanks kobciiye
Woow shekada mel macan ayay ku goday lkn waxn codsanaya kobciye.com kisto nodheereya wa mahad santihin
Asc wr wb salan kadib bahda kobciye.com magabeygu waa ilhaan een waxan haaya qiso aniga igu dhacday waxana rabaa inan idinla wadaago adinka io asxaabta wan jeclahay inan idinla soxiriro wa hada igu cawisan aad ayaad umahad santihin dhamaantiin
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk meel qatar ah ayeey ku ekeyeeninaba cadi ma ahaan thanks walalaha kobciye
Sheekadaan wa sheeko cajib ah misana nagtu maxeyka doneysa wilka tasi wa su aal gabadheda ayaa lasiin raba markas ayadaba isku rabto wilka
War beentu waa xaram shekadaan mada awaalka umada kadaya
kkkkkk yaaab naagtan wiilkan ayey iska arkatay
asc bahda kobciye.com waxan ka cod san lahaa inay sheekadani ad rajisen ad horay noogu so daysan maxa yelay wa sheeko macan thanks