Thursday, May 23rd, 2013
chat

Qeybtii Lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.

Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Shanaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Billoowga Qeybtii lixaad.

Waan naxay weey I aragtay meel uma dhaqaaqi karo halkii hotelka iridkiisa anoo taagan beey igu timid,

Hadal waxey ga biloowday maxaa kusoo bixiyay banaankaan miyaad kala taqaanaaaa?

Anigu jawaabta aay iga fileysay ma aan siinin waxaan ku iri side halkaan ku timid yaana ku sheegay in aan hotelkaan daganahay.??!!

Waxeey igu jawaabtay adeeg ayaan meel fog kazoo doontay gaarigaas ayaan soo kireystay maadaama hooyo gaarigeeda uusan joogin xaafada oo aay aaday meelo kale.

Inta aay hadalka ii waday ubax waxey eeg eegeysay hareeraha iyo goobta lagu bakin-gareeyo gawaarida hotelka.

Waxaan dareemayay in aay raadineyso baabuurkii hooyadeed waxaan si aan shaki ku jirin u dareemay in aay ina soo daba raaceysay, anigoo fikirayo talo waxaan sameeyo ayey igu tiri war heedhe yoonis waa ku sidee fikir ayaadba gasheee.

Maya abayo kaniini madax xanuun ayaan soo doontay lakin hada waxaan dareemayaa inaan fiicanahay oo waxan ka fikirayay kaniiniga aan soo doontay inaan iska dhaafo iyo in kale.

Allaha ku caafiyo inteey igu tiri ayey gacanta intey iqabatay iisii dhaqaajisay dhankaas iyo hotelka ayadoo isii weeydiineysay qol numberka aan dagay.

Waxaan ku iri adigu adeeg baad meel dheer kazoo doontay adeegaaga doono hotelka aan deganahay waad baratay tel numberkeygana waad haaysataaa oo mar kalaaad igu soo booqan doontaaa ee hada iska bax.

Durbo waxeey xaqiiqsatay inaan anigu hooyadeed ka qarinayo oo meesha joogto waxeey shaki weyn ka qaaday hooyada inaan aniga soo watay gurigaasna ayaga ugu soo tagay sida aan ka dheehan karay wejiga ubax.

Maba ogo si sandulo iyo qasab ku jirtaahi in wax walbo leygaga sameysto anigoo ka cararayo ceeb dhinac kasto saameyso.

Ubax oo xanaaq darted is badashay ayaa igu qasabtay in aay hada soo barato qolka aan deganahay si mar kale aay imaataba si toos ah aay iigu soo booqan karto.

Ubax iyo aniga oo caga jiidayo waxaan usoo dhaqaaaqnay dhankaas iyo qolkii aan daganeyn ubax si kasto oo aan yeelay waxeey ku adkeeysatay qolka in aay gasho.

Anigana waxaan ogahay qolka in aay isku diyaarineysay hooyadeed oo dharkii dhamaa iska siibeysay markaasina isku reebeysay dirac garbaha fiino ka ah dhanka danbena jinyeer ku leh.

Caku meeshaan ceeb weyn ayaa kazoo socotee qol kale oo aan jirin miyaan geeyaa side ayaaan wax ku xaliyaaa talo ayaaa igu cadaatay.

Anigoo fikirayo ayaan lugaheyga ku geeyay qolkii aan ka daganaa hotelka misna gambaleelka ayaan u qaraacnay, inta aaysan albaabka naga furin waaba tan Deeqo oo leh haye gacaliye miyaad soo laabatay, ubax erayadaasi markii aay dhagaheeda kusoo dhaceen waxeey si aad xumaan ugu muuqato ku soo eegtay anigu dhankeyga..

Anigu ma aan hadli Karin ma awoodo inaan dhaho waa leyla socdaa oo danbi oo dhan aniga ayaa qaadayo ubaxna weey xaqiiqsatay in qolka aay ku jirto hooyadeed.

Ubax durbo weey iga soo carartay oo keligeey ayaa qolka leyga furay weliba anigoo si aad ah u argagaxsan, deeqo oo moodo inaan diidayo inteey ila joogto ayaa I tiri macaane hadad idhibsaneysid makaa tagaaa.

Waxaan in cabaar ahba ka aamusnaado deeqo oo aay u maleyso inaan dhibsanayo ama madaxa I xanuunayo  ayaan isku dayay inaan runta u sheego.

Markii aan afka u kala qaada durbo albaabka ayaa lasoo qaraaacay, deeqo oo u maleyneysay in adeeg cunto ah aay noo dalabtay la keenay ayaa u dhaqaaqday dhankaas iyo albaabka si aay u furto.

Balse albaabkii markii aay furtba waxaaba safan askar ka kooban 3 ruux hadii aan sii gadaal eegana askarta waxaa la socdo oo goobta keenay waa ubax aniga waan naxay, waxa soo socdo iyo waxa dhici doono awgoood………………………………

La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.

Inta Akhrisatay: 20310

Nagala Soo Xiriir

Kobciye1@gmail.com

Lovewithpromise143@hotmail.com

Ama Skype-keena Oo Ah Kobciye.com

33 Responses to Qeybtii Lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

  1. ceeb sidan cmal eh waligey maba arkin hada na illahow hana tusin acudu bilaahi taan ceb wey dhaftay

  2. raxiin says:

    asc wr wb cebey tacal murugo wa tano kale iyo mashaqo adune yabka yabkis wlh thnks eny way rer kobciye wan salamaya dhaman aqyarta iga dambeyso asc wr wb

  3. mumtaas yar says:

    asc yaaaaaaa rabiiiiiiiii war rer kobciye see noqoteen maxad u jeceshihiin waxa inad suququrisaaaan mad naga dhaaftan ciyaarta waxba ma keenin maanta e anigaaba naxsanaaaaaaaa maxaa dhici doona ayaan lahaa walhy wa arin aad u fool xun goob cebeed ayaa la jooga ala ku ceebay islaan walan aan xishood aqoonayn waji adagaaa yaaaab bal waxa isbuca danbe naga dhamas tira asxaabta qaaliga ah waan idin salamaya meelkastad ku nooshihiin waxana idiin rajeynya cafimaad waxan idiin dardaarmaya cabsida alah meelkastad ku sugantahiinab asc

  4. mumtaas yar says:

    raxiin waan ka qadanay sxb lkn aniga wanba ka xanaqay rer kobciye manat wax yar bay noo keenen mahan in badan ban sugaynay sheekada e kkkkkkkk alow danbigeena dhaaaaaaaf

  5. Ah kobciye.com maxay dadka u rafaadiyaan. Yaraanbadanaa mar dambe akhri ma is dhahaysid says:

    WCS
    WALEE HABARTU CEEB BAY DHAX TIIMBATAY!!!
    Aan aragno xariifnimadeena. aniga waxa ay ila tahay in ay wax kala furdaamin doonto oo ay laaluush bixin doonto.
    allow noo dambi dhaaf adaa qafuur ah

  6. Warkan Wllh Wa Dabaaaal Nacas Ah Marax Maraxkale Jirin Uf Cunug Caano Kuzoo Koray Dhibkan Ayuu Leeyhay Marax Igadheh Wuuba Igaxanaajiyay In Uu Doqn Ayahay Waxaaba Kuucadeynaya Wiil Dhalin Yar Oo Gabar Loodoonaya Halkaa Ayad Kafahmi Kartaa In Uuyahay Marax Qaabkale Lama Weyn Karo Allow Aanan Baleen Weynin Baleen Sideen Kuweyn Karaa Viiva Kobciye.com

  7. Khadra ahmed says:

    Asc marka hore allah ayey mahado dhan usugnatay marka xiga wan idin salamaya kociye.com iyo akhyarta sharafta leh bacdasalam wlhi wa wax laga colol xumado maxay tahay nagtan ninka leh e inankan yar dabo ardaysa ilahaw na astur akhiro iyo adunba amin bangani hala geeyo ayada un lkn wilka kadaranba ma qofba qof xog ku leh wa falakhayare isma dhafno asaxabey asc

  8. Subxanallah yonisow aday ku talaaaaaaa dhibatadas gacanteyda ka bananka fikir.com wlh wa argagax yonis@jug.com maxa kala heysto

  9. Jubba says:

    K k k k k cashaq xasan banadir arinta ma fahmeysid miya damaclow waye cadi ma ahan hoos ayu kafalanyahay dantisa masugi karo gapar yar ayu sodontay k k k cadi ma ahan kobciye mahadsanidin soo boobsiya qeybta xigto asb dhaman akhyartan webkan

  10. Jubba Salan Sare Lkn Sxbow Marax Waaye Gabarta yarta Ah Miyuu Xalin Waayay Walee Kan Xariif Maaha aniga Hadii Aan Ahaan lahaa Yariista xun Matoor Kaweyn Ayan Saari Lahaa 9 Iyo 0 Ayan Diri Lahaa Kan Muxuu Wax Ka Aqli Badiyaa Reer Mugdi.com Igadheh viiva Kobciye.com

  11. Xayaati says:

    Asc dhamaan inta iga horeysa iyo inta iga dhambeysaaba sidaan la rabay hada ayeey dhacday duqda ceebeysan wiilka allaha ka qabto lkn ubax iyo hooyaded waxba kala heysto hayeeeeeeey

  12. C/ Bare says:

    Kkkkk war duqda&wiilku ha iska baashaalaane tan maxaa daba dhigay.

  13. Asal somalilander says:

    Asc dhamaan asxabta qaaliga ee kuxidhan kobciye.Com Ceebay Tacaal duqdii fashilantay bal waa usbuuca danbe iyo waxa xiga

  14. hanaaa says:

    caku ceeeeb badanaaaaa kobciye noo badiya plz

  15. asc wr wb subxanalaah waa waxan weligey maqlin oo igu cusub yaaaaaaaaaaaaaab:com sxb caashaq wax waliba waxay usocdaan si aan aqligal ahayn lkn ceebtu hadi ay ku qorantahay lamagafo: lkn gabadha hooyaded hadi ay saqajan noqotey maxay udabasocota yaaaaaaaaab;com wada sagajan subxanalaah

  16. AW DHeere says:

    Reerkan oo dhan waa reer wada qalif san duqda iyo gabadheda wey isla qaraabtan Isma gadi Karan lkn cunugan maskinka ah ayaa hada shabaqa kusoo dhacay aLLaha nabad bixiya

  17. dhoolayare says:

    Asc dhamaan bahda kobciye sheekadaan wexee kadhacday wadamada reer galbeedka marka dadka soomaaliyeed sharaftooda yaan meel looga dhicin

  18. Ifrax iman says:

    Asc bahda kobciye waad mahad san tihii dee waxani sheko ma aha waayo waa saqajaanimo oo waa laga wis wisayaa ee bal hal mar dhameeya taaso kale waa lays dhaafiyaaye acuudu bilaahi waxa kasta addunka waa la maqlayaa war islaanta waxa hay waynaa saa yar baac baac ayaay heshay waa miday udhamaatay yarku war qofku doqon sanaa illaahow na astur asxabta dhamaan inta hore iyo inta danbe salaan sare

  19. Neenaa says:

    Yaakhey waa nitugeynaa shakada soobadiya ama waqtiga ka sokamariya intan codsi.com

  20. Hani harun says:

    Asc asxabta wan idin salamay runti walayab adun nin kunolow maxaa aragti kulaban Alow na astur

  21. Cabdalla says:

    K.K.K, Dhaaf hala ceebeeyee duqda wiilka dhibtay duqana marku yimaado haloo sheego haka tashtee duqdaan lkn yariis shekada soo barbaariya n0h markaaslee soo daaya rer kobciye mahdsndn

  22. Mohamed sheikh says:

    Inalilahi wa ina ileyhi rajicun wlh wa arin foolxun e alow hanku kasbin tasokale

  23. Yaasmiin says:

    Asc bahda kobciye.. duqdaas iney fashilmato wanbo rabe luuq luuq marow laazim laamiyuu kudhacaa..hotel ayey latagtay waxey islahed yaan lagufahmin lakin wey fashilmatay waxa kaloo fcn odaga xitaa inlooshego duqda aqlaaq xumaa bisinka

  24. Yaasmiin says:

    Kobciye adinkana shekada wad sooyareydeen plz soobadiya

  25. asc subxanallah allow ceebteena astuur waa eeb tii ugu xumeed allahuma najeynaa plz so badiya sheekada reer kobiye thanks alot

  26. Qowle says:

    Reer Kobciye.com fadlan shacabka taladiisa qaata oo ah sheekada soo badiya waxan yar webka ayay na nacsiineysaa eh.

  27. fodcade says:

    Asc dhaman bahda kobciye salan kadib yonis asiga saqajan kale ah waxan raali an ka ehen ima qaadikarto naag muxuu isku jilcina asiga haduusan wax lawadin maya muu tahnado ceeb tey shegeyso hakento meshey kagasho ayan kagalaa nin rag aya ilahay kadhigay moo iskiiga tago meesha idana oo dhoho kir aniga wexey iilatahay in yonis laftiisa kubada lacayaro maxayelay qof wax uusan ku qanacsanen umadulqadan karo asiga laftisa hami ayakujiro haduusan wax lawadi lehen ubax ayuu laso cod siin lahaa wadnamahadsantihin walalaha gabar iyo wiil by by

  28. caasho cadey says:

    Subxanalaahii ilahay Nagu keeno habar taan oo kale waa yab runtii haye askarta maxaa ay sameey donaan bal

  29. Subxana alaah ala cebeey tacaaal war hedhe inanka is umbaa marax iska dhigay ma aheey ubax inu geyo qolke eey isku diyariney maadam maxishotidi aheed ee deeqa kkk kalexo hala so kululeye markan waxa dhane facshir ayaa ku dhacday kkk lkn ani waxan umaleyna ubax afkeda iney deeq xiro doonto oo yonisne xabsiga laga so dey doonti si eeyna facshir udhicin masha alaah dabacan wan ku dheraday ayan filaya cafwan waa salamantihin hooyga barbaarinta bulshada kobciye.com & aqrista yasha sharafta leh A.S.C isma dhafno bal aanu aragno qeybaha danbe meesha eey ku biyo shubtan insha alaah by

  30. akra says:

    k.k.k.k.k.k.k.k.k deeqo mxa siicml duqda dharke isksibtay kilahaa xakuxigo xabsi ahaaaaa

  31. Akram Yare says:

    war sheekadu macanaa

  32. mucawid says:

    subxaankiyooow tan ceeb waa dhaafteee see loo noolaanaa waa yaab aduune aloow na amaanso

    somalida waxey dhahdaa ceebu wa laba af maroojis kkkkkk\

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Like Dheh Bogeena Facebook

DAAWO MUUQAALO CAJIIB AH