JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Geeraar Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso Badan “Nooli Jaceyl” Iyo Hal Abuurkii Kalafoge.


Waa maanso jaceyl ah oo la magac baxday soona “Nooli Jaceyl” koowsatay maanta oo ah maalinimo axad ah taariikhduna tahay 12-05-2013 waxaa maansadaani curiyay Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge” ka Bogasho Wacan.

Nimcooy waxaad tahay.

Nal ii baxay iyo.

Nuurkii dunidee.

 

Naanuudle  iyo Waxaad tahay.

Barwaaqadii nafteydee.

 

Neecaaw udgooniyo  Waxaad tahay.

Nacfigii qalbigeyga.

 

Nawaal iyo nafiso.

Naadiyo iyo nadiifo.

Najmo iyo nasteexo.

Nadiiro iyo nasro.

Waxaad ku nitaaqisaa.

Quruxdaan kugu naawilay.

 

Nimcooy ruuxii ku eegaa.

Nabarada qarsooniyo.

Nuuxnuuxsiga xanuuneed.

Nabad buu ku ilaawaa.

 

Timahaadan niiqle iyo.

Dhanka hoose u nagaaday.

Dhexdaan nuska iyo taakada ah.

Naasaha soo taagan iyo.

Sanqaroorkaagan naadirka ah.

Waa waxa nabaradiyo.

Aan u nacay dumar kale.

 

Ima seegin nabaradii.

Aad goor hore igu nuday.

 

Nin ku waayaabaa.

Ilmadu haku nagaatee.

Goortaan I naawil ku iri.

Maxaad naruurada iiga jartay.

 

Nuuxsan maayo jeeraan.

Ku nagaado laabtaada.

 

Neecaaw heli maayo jeeraan.

Nimcooy kula dekeeyo.

 

Nolol heli maayo jeeraad.

Naxdinta iga daweeyso.

 

Nafaqo heli maayo jeeraad.

Nafteyda ku nabnaatidee.

 

Niyadu degi meeyso jeeraad.

Nimcooy naafada iga dhowrinee.

 

Nuurka kaa baxayo.

Hadad igu naawisho.

Naag kale eegi maayoo.

Adigaan kugu nabnaanayaa….

 

Nashaad iyo waxaan filayaa.

Nasiibku inuu isaacidee.

 

Nooli inaad ii tahay.

Nudayaasha jirkeygiyo.

Qalbigaad ku naban-tahay…

 

Maansada nuunleyda ah.

Halkaa baan ku naafeynayaaye.

Adiguna nimcooy hooy.

Baaqeygu waa nacab jaceyl iyo.

Ka fagoow nahaabyada baas….

Hal Abuurkii Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”..

SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Geeraar Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso Badan “Nooli Jaceyl” Iyo Hal Abuurkii Kalafoge.

  1. abdi mahamed says:

    Masha Allah
    WA gerar ad
    u macan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA