Qeybtii Koow Iyo Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.


Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.

Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Shanaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Todobaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sideedaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sagaalaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Billoowga Qeybtii Koow Iyo Tobnaaad.

Waxaan soo degay Yaasmiin, Ubax Iyo maama deeqo oo muran xoogani ka dhex taaganyahay, waaan u imid waxaan doonayaa inaan u sheego in maama deeqo cudur i qaadsiisay, markaan hadalkeygii intaa ku bilaabay deeqo af kala taag ayaa kazoo hadhay naxdinta aay naxday aniga ayaa dareemi karay.

Waayo waxey ka naxday in aan caruurteeda hortooda ku qiro in aan ani iyo ayada isku galmoonay, taasoo aay aaminsaneyn in aan u qarin doono ceeb aan anigu nafteydaba ka cabsanayo.

Balse maanta sheekadu waa kama danbeys ceeb iyo naxdin iiga weyn ma jirto cudurka leygu soo sheegay, hadalkeygii yaan sii watay haa wa run cudurkaan waxaa I qaadsiiyay maamo Deeqo.

Ubax iyo yaasmiin oo goob joog ahaa ayaa mid weliba naxdin awgeed dhulka la wareegay waxaan arkay cidii dhameyd oo ku wada dhow in aay naxdin la wada dhintaan, anigu ma dooneyn inaan dhaawaco quluubta hablaha yar yar ee soo kobcaya waa ubax iyo yaasmiine.

Sidaa awgeed ayuu hadalkeygii isku badalay oo aan iri ma ogtahay ubaxeey had aka hor in aad mar aniga iyo deeqo noogu soo gashay qolka fadhiga, balse ubax naxdin awgeed ma hadli Karin hadana waxaan usii raaciyay ma xasuusataa maalin aad iigu imaaneysay farmashiye iridiisa kaasoo ku yaalay hotelkii aan daganaa ee aad inoogu timid aniga iyo hooyadaa.

Farmashiyahaas ayey iiga soo dirsaday saliingo ama cirbad sidaa u taqaano oo aay iisheegtay iney dooneyso ineey wax u isticmaasho, balse cirbadaasi waxey aheyd tii nolosheyda burburisay waxey u adeegsan in  aay igu durto si aan u qaado cudurka HIV/AIDS ka horna aay isiisay kaniini hurdo kaasoo aay igu dartay dareeraha.

Maalintaas ma aan ogeyn in aay cudurkaan igu durtay sida awgeed ayaan maanta dhaqtarku iisoo yiri waxaad qabtaa cudurka dilaaaga ah ee halis ku ah nafsada umadaha aduunka.

Bal ha la ii weeydiiyo deeqo sababta aay cudurkaan iigu tallaaashay ma waxey ii diidantahay inaan arooso gabadheeda, ma taasi ayaa ku kaliftay in aay sida ugu danbeyso ee qalbi loo xanuunjiyo aay u xanuunjisay qalbigeygaa ama arin kalaa jirto adinkaa gabdhaheedii ah ee arintaasi hala ii weeydiiyo.

Indhaha Ubax iyo yaasmiin oo aay ka muuqato xinjiro dhiig ah ayaa u jeestay dhankaasi iyo maamo deeqo, balse deeqo xiligaasi wax jawaab ah ma aaysan bixin inteey yara oroday ayey u dhaqaaqday dhankaasi qolkeedi ayadoo aad moodo in aay ku dhaqaaqi rabto ficil is dil ah.

Ubax iyo yaasmiin ayagoo dhiilo xun ka muuqato ayey midna jikada oohin ula carartay midna qol aay ku ooyso u dhaqaaqday, anigii ayaa halkii kusoo hadhay, cidii oo dhami waxey noqdeen cid dunida wada nacday oo qof weliba jecleysanayo inuu is dilo, anigana waxbo kama duwaneyn oo waayo mustaqbal malihi hooyadeeyna kuma odhan karo cudurkaasi ayaan qaaday oo ayaga waxbo kama duwani inaan isdili xattaa wan ku fikiray.

Anigoo dhinac kale abaarin ayaan waxaan aaday dhankaasi iyo maamo deeqo halkey u dhaqaaqday waan ka daba galay qolkii oo iska balaqnaa, waxaan ku iri deeqo  waxbo ha ooyin anigu caruurta waan ka qariyay inaan isku galmoonay si quluubta caruurtaada aay u qarxin, balse adigoo og inaad qabto cudurkaan maxaad ii qaadsiisay midaas ii sheeg waa midaan doonayo inaan ogaadeee.

Deeqo ayaa ku dhaqaaaqday hadalo aay maskaxdeyda aamini waaysay anigu cudurkaan kuma qaadsiin dabcan adigaa la yimid oo hada waxaan la ooynayo oo aan la silicsanahay ayaa ah waxaan la galmooday qof qabo cudurka dilaaga ah taasina waxey nafteyda gelisay intaan dhiman ceeb iyo cudurkaa dartii inaan isku dilo.

Hadalkaasi markuu afkeeda kasii dhamaanayay dhulkaa ila wareegtay durbadiiba waxaa igu soo dhacday fikrad aan wax walbo ku kala xaqiiqin karo taasoo aheyd……………..

La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


30 Jawaabood : Qeybtii Koow Iyo Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

  1. Dr's nuxur says:

    Asc wr wb mashaallh cawa wxn ahy qufkii ugu horey e aqristo sheegadan isbucan thnks kubciyo

  2. Cvte says:

    Shit. wad nagu yaraysen wa maxay

  3. bangariyo says:

    Asc aqayarta dhamantin+kobciye.com inkasto shekada soyaraysen hadana waa asxan sheeko Drs’nuxur ana kaama haro qofki 2aad ayan noqday ee aqriya shekadan

  4. qalbi holcay says:

    Alla dadkanaaa sheko Maha waxan ee waa masiiibo ama mucjiso mama Deeqo iyo mid aan arkay wey isleyihiiin masiibadan oo kale ayey wadaaa lasoco qeybta danbe w qry Mr kuranaa

  5. Daacad says:

    Cawa Waa naxd¿n

  6. Dj qanciYe says:

    SaLaama aqyaarTA All Thanks kobciYe in kasTo nagu yareY seN sheKada qeybTa kaLe noo soo da dajiYa plZ

  7. asc wr wb masha alaah waa sheeko aad uxiisa badan alahaina wada gaarsiiyo qeybta kale insha alaah

  8. amiin xaaji axmed (father of love) says:

    masha allah meel fican aye mareysa koley halkee bay ku dhaman dontan shekadaan walee waa sheko igu socoto please usbucan gudaheeda mar labad inoo soo daay maahdsanidiin dhaman inta horeysa wan idin salamaya aqristayasha iyo inta iga danbeysabo waxan idin leyahay malin wanagsan

  9. seynab sagal says:

    wow! naxdin wayna malaha shekadan dad muslim eh kuma dhcn ama wa madadalo salan sare akhyarta+kobciye

  10. Qofkii zino xaaraan ah ku dhaca sidan baa u danbayn ilaahow zino iyo shaydaanba naga dhowr bal wiilkaas daya subxaanalaah

  11. waleyza says:

    salamulahi cleykum dhaman walaalaha musliminta ahow wan idin salamay slan kadib runti shekadan waa sheko cajib ah balse dhamad keda waxan umaleyaa cudurka lashegayo inusan jirin oo ey wada o mama deqo marka waa ino qebta xigta

  12. Nasta cadeey says:

    Sh**********t kobciye meel fiican mrkeee ma reeesa leee nagu jreesan qeybta ka la noo soo dada jiya by allll

  13. Yaasmiin says:

    Asc kalafoge wad mahadsantahay sida aad noogu sogudbineso shekadan xiisaha badan lakin plz soobadi wad nugu yareysay mel fican ayad kuhakisay wad salamantihin aqyarta webka kuxidhan

  14. abdulahi sharif says:

    Acc kobciye.com. Salasara kadib shekadhan melfican aya marixaysa waxan filaya in dhmataxay e guush wiilka aya. Iska leh

  15. Asal somalilander says:

    Sheekadan mucjiso iga dheh hada xaalku faraha ayuu ka baxay bal isbuc danbe iyo waxa xiga

  16. abdiladhiif qeys yare says:

    mr.kalafoge shekada hana nacsiin isbuuc ayee qadataa lkn waad yereeseen said meel xiso leh ayaad ku jartiin mar waliba

  17. nasiib says:

    asc waxaa kaacodsanynaa sheekada inaa noobadiso waxan kasugaynaa codsigaya inaa aqbli doonto mahasanid

  18. nasiib says:

    asc ibro plz sheekadan waayartahy waxaana kaacod sanayna inaa noobadiso plz tizgeli codsiyada

  19. xamdi says:

    asc wan idisalaamy dhamn qoraga waxaa ka codsana markale in uusheekadan noobadyo plz

  20. caashocadey says:

    asc mash allah waa sheeko aad iyo aad uu xiiso badan balse wadato naxtiin. Thanks kobciye wax badan. waxaan idiin ka codsanayaa in aad noo soo badiisan sheekada maxaa yelay meel fiican ay noo mareeysaa please soo badshop mahadsanidiin asc

  21. Guux says:

    11 Qeeb oo aan lasocdayba maxaa xigo anigoo leh leeba dhamaaneysay sheekada intaan aqrinaayay koob shaah ah bar aan u kabado aanbo waayay sheekadii waan rabaa shaaxiina waan rabaa oo gacantaanbo ku heystaa xaaska maad igu diri rabtiin maxaa saan dhan taleefanka ugu dhagan tahay gebar maadbo ka shukaan sanoysaa in la i dhoho oo colaad ii abuurtaan maan rabtiin

  22. Waaaaw saxibow soo dadaji bargo, ayaynu nahay yaaakheeee

  23. Ifrax iman says:

    Kkkkkkkk guux waa kaftamaysaye wlhi waa yaab intay ku dhaman donta waa mid naga yaa bisaye mahad sanid kalafoge asxabta salan sare

  24. Dayax dahir says:

    Shekada aad ayee uxiso bdn tahy hanagu kala gonina

  25. Baraawo yonis 3 dhibic ka qaado mesha joogta hakala xishoon iney ayada ku liqsiisay cudurkan dilaaga ahee HIV ilahey haka baxsheee koleyto xafadii dhameed indhaha waxaa ka qubanayo ilin kkkkk lkn waxan ka xumahay gabdhahan ubax iyo yasmiin oo rabi s.w.t uhubey wanaag ooyinta iyo burugada aad ku daarten sory! Maamo deqow duul xunaa tahay duli haku arka rabtaahe> lkn sory! Shakada waa so yareyseyn lkn isbuca danbe iyo yonis wuxuu ku fikiray insha alaaah waa salamantihin dhamaan bah weynta kobciyo & aqrista yaasha sharafta leh

  26. is buuc walba laba xaraf yaad noso qoraysan thank s

  27. Dalmar says:

    Kalafoge ilaahay ha isku kaa so dhaweyo amin dheh.
    Sidii caruur farbarad ah mexe tahay 2 xaraf

  28. umu anas says:

    ascwrwb naagtaas balaayo ku qaatay dheh waxaaba igu daran wiilkas mustaqbalkiisi sidey u haleysay subxanallah waxan u maleyn odygii gabdhaha dhalayna wey ku daaratay asagana midhaa mid kaloow ku daartay acudubilah wale alle ku fadeyxee quf kasto xumaan iyo dhagar la doonto alle umadiisa saan uun baa u danbeeso akhiro intaa la gaarin ,magacaan inad ka badashaan eey ahed shekada oo tirahdaan jacelkii musibada ahaay kan jacelna ma,ahane waa xaasinimo,lakin shkadana waan arkeyna meshay ku biyo shubato ascwrwb

  29. asc war waa arin layaableh mucjiso aduun ahaa,anaa qabee adna qaad miyaaa

  30. Idman cadey says:

    Asc wr wab. Waa sheeko layaab leh lkn aaaway hee qaybaha ka hadhanaaa shekada… Ma’ntaa bad ku ekey sen sheekada?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA