JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
muqal1

Qeybtii Koowaad Akhriso Oo Wax Badan Ka Ogoow Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha.

Published: May 5, 2013, 9:00 am | Updated: May 4, 2013 11:32 pm

Sida la wada ogyahayba dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya waxa ay keentay in dad aan yarayn oo Soomaali ahi ay ka cararaan degaanadoodii. In badan oo dadkaas ahi waxa ay hoy ka dhigteen Wadamada Galbeedka.

Guulo badan ayay gaadhay jaaliyadu mudadii yarayd ee ay deganayd Galbeedka, sidaas oo kale carqaldo badan ayay kula kulmeen qurbaha. Maqaalkan waxa aan ku taataaban doonaa qaar ka midda carqaladaha ugu waaweeyn ee hor yaal jaaliyada Soomaaliyeed ee Galbeedka ku nool .

Dhaqamo Cusub

Dadka soomaaliyeed ee yimid galbeedku waxa ay (badiba) ahaayeen dad ku soo dhex koray mujtamac wadaaga diin, luqad iyo dhaqan kaliya (isku mid ah). Wadamada Galbeedkase Soomaalidu waxa ay kula kulmeen mujtamacyo haysta diimo, dhaqamo iyo luqado ka duwan kuwii ay yaqaaneen. Dhaqamadan cusubina waxa ay saamayn ku yeesheen nolasha dadka Soomalida ee soo dagay dhulkan.

Saamayntani waxa ay keentay in jaaliyada dhexdeeda (khaasatan dhaliinyarada) mudooyinkan danbe lagu dhex arko dhaqamo aanay Soomaalidu hore u aqoonin. Dhaqan gadoonkan ku dhacay qaar ka mida jaaliyada khaasatan kuwooda soo koraya waa turunturo wayn oo ka mida turunturooyinka horyaala dadaka Soomaaiyeed ee galbeedka deggan.

Barbaarinta Caruurta

In la soo saaro ubad ku dhaggan dhaqankooda iyo diintooda iyaga oo isla markaa ka faa’idaysanaya fursadaha yaala wadamadan waa shaqo aan fududayn oo u baahan hawl culus. In kasta oo korinta caruurtu ay sideedaba wadamadan dhibteeda iska leedahay, hadana dhibtani waa ay sii labanalaabmaysaa marka ay caruurtu yihiin qaar dhaqankooda iyo diintooduba khilaafsan yihiin inta badan ee bulshada ay la degenyihiin.

Hadii aad u kuur gasho xaalada da yarta Soomaaliyeed ee qurbaha ku korayasa waxa jira dhibaatooyin dhawr ah oo aragtidayda u baahan in lagu baraarugsanaado waxana laga qabto. Dhibaatooyinkaa kuwooda ugu waawayn waxa ka mida:

Jaahilnimada Diinta

Diintu qofka Muslimka ah waxa ay nolashiisa ka ciyaartaa door wayn. Dadka ku dhaqan Wadamada Galbeedka se in kasta oo ay diimo u nasab sheegtaan hadana diintu raad wayn oo la sheegi karo kuma laha noloshooda. Sababaha keenay arintan ( yacnii diintu in aanay raad wayn ku yeelan reer galbeedka) ma aha mawduuca maqaalkan, laakiin waxa ay runtu tahay in jawiga noocan ah ee ka jira Galbeedku uu saamayn wayn ku leeyahay barbaarinta diineed ee ubadka Soomaaliyeed. .

Maalin dhawyd anoo isku dayaya in aan ogaado aqoonta diineed ee ubadka Soomaaliyeed ayaa waxa aan la kulmay ubad Soomaaliyedd oo da’doodu u dhaxayso 8-15. Ubadkaa waxa aan waydiiyay in ay “ASHAHAATAAN”. Intooda Badan iska daa in gartaan macnaheeda ee waxa ku adakayd ku dhawaaqideeda. Arintani ma aha mid gooni ku ah ubadkan aan la kulmay ee waa mid haysata guud ahaanba in badan oo ka mida ubadka Soomaaliyeed ee galbeedka ku dhaqanl Waxa ayna arintanini ka turjumaysaa fahamka ay ubadkeenu u leeyihiin diintooda.

Arin kale oo u baahan in la tilmaamo waxa weeye, hadiia aad u fiirsato Masaajidada iyo Macaamadaha Quraanka lagu barto waxa aad arkaysaa in dada u dhaxaysa (14-18) ay ka maqanyihiin. Waxaad moodaa in ubadka intooda badani marka ay gaadhaan 14 ay ka koraan Quraanka iyo meelaha lagu hayo diinta. Da’dani waa d’da musaqbalka jaaliyada Soomaaliyeed .

Ka maqnaanshaha ay ka maqanyihiin meelaha khayrka lagu hayana waxa ay keeni kartaa in mustaqblaka ay soo baxaan dhaliinyaro magaca ka ah Muslim laakiin aanay jirin waxa ay ka og yihiin Diintooda. Aragtidayda, tani waa caqabad iyana ugu yaraan mudan in lagu baraarugsanaado.

Inta aanan nuqdadan ka bixin waxa haboon in la sheego in ay wali jiraan dhalinyaro aad ugu dhagan dhaqankooda iyo diintooda, laakiin waa ay yaryihiin .

Luqada

Ubadka Soomaalida ee ku koraya wadamadan intooda badani luqadii hooyadood waa ay ka luntay. Tanina waxa ay keentay in uu daciifo xidhiidhkii (communication) ay waalidiintu (oo intooda badani aanay si fiican u aqoonin luqadaha ajnabiga) la lahaayeen ubadkooda (oon aan si fiican aqoon ugu lahayn luqada waalidkooda). Wadan wadamada yurub ah oo aan tagay ayaa waxa aan kula kulmay reer Soomaaliyeed oo haysata 10 caruura.

Reerkaasi waxa aan ka waayay ilmo kaliya oo ubadkoodaa ka mida oo ku hadala luqada waalidkii. Sidaas oo kale waalidka caruurtaasi maysan ahayn qaar si fiican u garanaya luqada ay ku hadlayaan ubadkoodu. Ma aha arintani mid ku kooban reerkan oo kaliya. laakiinse waa mid lagu arkayo meelo badan oo ka mida meelaha ay Soomaalidu dageen. Waxa aan maalin aan sii fogayn akhriyay maqaal uu qoray qoraa Soomaaliyeed. Qoraagu waxa uu ka waramayay dhibaato kala haysata reer Soomaaliyeed iyo ilmo ay dhaleen. Dhibaatada gunteedu waxa ay ahayd is faham la’aan xagga luqada ah oo u dhaxaysa ilmahaa iyo waalidkiis.

Waxa uu qoragaasi sheegay marka iay waalidkaasi rabaan in ay arin muhiima u sheegaan inankooda in ay u yeedhaan qof u kal turjuma.! Sheekadani waa laga yaaba in ay u egtahay waxaan masakaxda gali karin laakiin aragtidayda waa mid dhici karta, waxaanay ka turjumaysa xidhiidhka ay in badan oo waalidka qurbaha joogaa la leeyihiin ubadkooda.

Inta badan ee waalidiinta soo qaxday ma ay ahayn qaar luqado qalaad bartay markii ay wadankii joogeen. Sidaas oo kale marka ay dhulkan yimaadeen intooda badani heer sare kama gaadhin luqadaha wadamdan looga hadlo. Ubadku se markii ay halkan yimaadeen waxa u fududaatay in ay bartaan luqadaha looga hadlo dhulkan, luqadooda afsoomaaligu se waa ay daciiftay amaba waxa aad odhan kartaa qaarkood waxbaba kama garanayaan.

Arintanina aragtidayda waxa ay keenatay in waalidku ubadkiisa aanu si fiican u gaadhsiin karayn waxa u rabo. Luqadu ma aha wax afka looga hadlo uun ee waxaa ay tahay aalad lagu gudbiyo dhaqanka iyo xadaarada ummada. Daciifnimda luqada Soomaaliga ee ubadka Soomaaliyeedna argtidayda waxa ay door wayn ka ciyaartay is faham darada iyo kala fognaanta argtiyeed ee aad ku arki karto qaar ka midaqoysaska Soomaaliyeed ee degan qurbaha..

Gabagabdii

Maqaalkan sida aad arakteenba waxa aan culayska saaray in aan sooo bandhigo qaar ka mida mushkiladaha barbaarinta caruurta ee hortaala jaaliyad Soomaaliyeed. Gabagabdii, waaxaan leenahay ubadka iyo barbaarintiisu waxa ay tahay ahaana doonataana carqaladaha ugu waaweeyn ee hor ooli doona jaaliyada Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool. Waa carqalad uu dareensanyahay waalid kasta iyo qof kasta oo la sheqeeyay ubadka Soomaaliyeed.

Koritaanka caruurtu wadamadeenii ma ahayn carqalad waayo waxa koritooda iska kaashan jiray mujtamaca oo dhan. Hooyada, aabaha, walaalka, walaalsha,maclinka Quraanka, jiiraanka ,iskuulka iyo dhamaanba mujtamaca oo dhami waxa ay ahaayeen qaar door ka qaata korinta iyo tarbiyada ubadka. Halkan waxa doorkii intaas oo dhami uu ku soo dhacay walidkii dhalay ubadka oo aad moodo in badan uu ku cuslaaday xilakani. Maqaalo danbe ayaa hadii Alle yidhaa aan ku soo bandhigi doonaa xalalka mushkiladahan qaarkood.

Kobciye.com Kala Soco Qeybaha Xigo Dhawaan Haduu ALLE Idmo.

Fiiro gaar Ah:

Waxa aan halkan ku qorayaa waa waxa aan kala soo dhexbaxay tajribadaydii 10 kii sano ee aan ku noolaa wadanka Kanada, iyo socdaalo aan ku tagay meelo badan dadka Soomaalidu u soo qaxeen.

Hadii ay jiraan macluumaaad dheeraada ama tajriba tan ka duwan hadaad haysaaan ila soo wadaaga.

W/D Siciid Cali Axmed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>