Qeybtii Labo Iyo Tobnaad “12″ Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.


Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.

Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Shanaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Todobaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sideedaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sagaalaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Koow Iyo Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Billoowga QeybtiiLabo Iyo Tobnaaad.

Qeybtii Labo Iyo Tobnaad “12″ Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!  “Sheeko Xiiso Badan”.

Hadalkaasi markuu afkeeda kasii dhamaanayay dhulkaa ila wareegtay durbadiiba waxaa igu soo dhacday fikrad aan wax walbo ku kala xaqiiqin karo taasoo aheyd in aan soo baaro maama deeqo waayo afkeeda waxaan ka haayaaa labada sheey oo dunida ugu xanuunka badan ee qof asiibo ceeb iyo cudur in aay aniga iga qaaday taasoo aan maleynayay labadana iney ayadu igu riday.

Deeqo ayaan ku celiyay mahubtaa arintaasi in labadaasi sheey aad aniga igala kulantay ama anigaa adiga kagala kulmay.

Deeqo aad moodoo indhaheeda xinjiro dhiig ah ayaa inta isoo eegtay igu tiri ma weli ayaad iila soo indho cadahay warkaasi miyaadan ku qancin dhaqtarka jawaabta uu kusiiyay maxaa kaloo kuu dhiman inaad ogaato.

Haa awal waan ku qanacsanaaa jawaabta dhaqtarka balse adigu markaad itiri cudurkaan adigaan kaa qaaday ma ogtahay in aan weligeey sheeydaan ii hogaamin dumar mid aan adiga aheyn, sidaa awgeed cudurkaan hadii aan anigu qabo waa qasab in aad adiga oo keliya igu riday.

Sidaasi awgeed waxaan ku qancaa inaan dhaqaaqno oo aan dhaqtar midka ugu sareeyo aadno si aan usoo xaqiijiyo in aad cudurkaan qabtid iyo inkale.

Deeq: Sow ma ogid cudurka aad igu riday dhaqtar kasto aan tago in leyga helayo waayo adiga ayaaba igu riday side leyga waaynayaa dhaqtar uma socdo aniga.

Yoonis: taasi ma suurtoobeyso in aan aniga cudurkaasi kugu riday waxaan ku qancaa in aan dhaqtar midka u sareeyo aan aadno labadaneba dib naloo baaro kadibna la sheego inta bilood aan cuduradaan qabno si loo kala xaqiijiyo qofka ku hormaray cudurka labadeena.

Deeqo: miyaad waalantahay ma waxaa dooneysaa inaad ceeb kale iisoo jiido ma ogtahay maalinta beri ah inuu imaanayo ninkeyga, qoyskeyga waxaad gelisay murugooyin kuwo ugu xanuunka badan, ninkeygu wuxuuu qabaa cudurka dhiikar-ka iyo sokorowga haduu arintaan maqlana dhimasho ayuu u dhawyahay sidaa awgeed inta aay taasi dhicin gabdhaheyga anigaa wax walbo usheegayo adigana na dhaaf oo dib iskaga noqo, gabadhii cudurkan kugu riday koley Sweden wey ku nooshahay ayada la dhameyso mustaqbalkaaga gabadheyda uma qalantidee.

Yoonis: deeqo hadalkaaga u fiirso ninkaaga waad ka fikireysaa balse anigu intaan shakigaan ku noolaan lahaa dhimasho ayaan ka xigaaa ogoow hadii aadan wakhti xaadirkaan dhaqtar ii raacin in wax walbo oo dhab ah ilmahaada iyo ninkaaga maalinta beri ah ka hor sheegi doono cadeymo faro badana aan kaa haaysto.

Deeqo waxeey eeg eegtay geesaha waxey tiri si tartiib ah u hadal ilmaheyna yey na maqlin hadda ayaan dhaqtar kuu raacayaaa si aad wax walbo u xaqiiqsato labadena qofka cudurkaan dilaaga ah ku horeeyay.

Deeqo weey isoo raacday waxey soo qaadatay furaha baabuurkeeda waxaan ku iri anigu diyaar uma ihi inaan baabuurkaaga kula raaco ee taxi baan kireysaneynaa ee ina keen furahaan meel iska dhig.

Si hal haleel ah ayeey furihii sariirteeda ugu dul tuurtay ayadoo xanaaqsana aay soo baxday, waan soo dhaqaaaqnay, ilmaha intey qolalkooda ku jireen ayaan soo kaxeysanay taxi, balse markii aan cabaar soconay ayaan arkay in baabuur kale oo taxi ah dhankii aan u leexanaba uu inaga soo daba leexanayo.

Waxaan dareemay in Ubax Iyo Yaasmiin guriga markaan kazoo baxeynay dareemeen taasina aay sababtay ineey nasoo daba kacaan si aay u ogaadaan runta iyo halka aan usocono, markaan dareemay in aay na daba socdaan ayaan eegay deeqo balse waxaan arkay in indhaha aay ku haaysato garbasaarkeeda oo aaysan u jeedin in nala daba socdo.

Waan aamusay waxaan go’aansaday inaan u sheegin si dhaqtarka marka uu noosiiyo qofka cudurkaan ku horeeyay durbadiiba an ugu bandhigo ubax iyo yaasmiin runtana aan u sheego.

Waxan soconaba daqiiqado kadib waxaan gaarnay Aga Khan Hospital oo ahaa isbitaal aad u weyn kana howl galo Nairobi caalamkana xurumo badan ku leh si aan xaqiiqda u ogaano ayaana isbitaalkaas weyn u aadnay.

Waxaan saf dheer ku jirnaba waxaa nagala qaaday labadeenii tijaabada cudurka oo nagula yiri qadar daqiiqado ah iska suga magaciina markaa maqashaan gudaha soo gala………………………….

La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


19 Jawaabood : Qeybtii Labo Iyo Tobnaad “12″ Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

  1. Ma naxe says:

    Waa ku fiicantahay ilahay qofkii ka xishoon waaya ilahay waa qabtaa Aids u dhinta islaanta dhashay gabdho qaangaar ah ee Hadana sineesanaysa soo maaha Aduun sabab aakhiro ninka usoo baxay guur xalaal ah ee sineesanaya soo maaha Aduun sabab aaqiro walee ilahay ma caafiyo dadka xumaanta cadaysta sheekadani inkastoo ay xuntahay balse wax badan Ayaa Laga faaidayaa. Kobciye waxaan ku faraxsanahay inaan ahay qofkii ugu horeeyay ee aqriya seekada sidoo kale waan idinka mahad celinyaa howsha adag ee dadka aad u haysaa. Kuna dadaal wacyigalinta bulshada iyadoo wanaaga la farahayo xumahana Laga reebayo mar labaad mahadsanidiin.

  2. saadiq yare says:

    asc wr wb asxbta dhmn waad kumahdsntihiin reerr kobciye mashaalllhh meell fiicn ayay mareysaa shekada waxa aan sugnaabo waa qeybaha kale oo inoo harey shekada mhdsnidiinn lkin aawey shekooyin kii kale xayaat iyo 2 dii saboolka eheyd oo walallaha ahaay jwb by by

  3. Najka says:

    Asc wr wb mshllh wt mahadsnthn beelo mel ficn waye allow ada mahad leh

  4. Ahmdahir says:

    War ninka yoonis ahaa miciyo ayu la so baxaye qatari sana

  5. Kkkkk ini waxaa filaa ineey maamo deeqo cudurka laga qaaday oo ayada ku horeysay kkk yoniso duqdan deeqa kkk waa salamantihin dhamaan bahdak kobciyo iyo aqristayasha

  6. Kkkkk ini waxaa filaa ineey maamo deeqo cudurka laga qaaday oo ayada ku horeysay kkk yoniso duqdan deeqa kkk waa salamantihin dhamaan bahdak kobciyo iyo aqristayash

  7. Bulshaawi says:

    Asc wa wb suwax wngsn akhyarta i ga rali ahada akhyarta ay hbenka u tahay duqdan wa walantahay sidas dham wax loma xasido mama deqo ha iso madhin

  8. Sheeko jecel says:

    A.w.w waad salamantihiin haddii aan qiyaaso sheekada labada qof ee yoonis iyo maama deeqo wax cudurka qabo majiraan labadaba

  9. waleyza says:

    salaamulahi caleykun dhaman inta itaqaano iyo inta kalaba runti waxey umuqataa in ay sobaxeyso qiyaanadi taqtarki hore iyo deqo lalushkey bixisay waa sidan hadalka udhigee lawadodaba cudur maqawaan balse ila ogaada meshey ku dhamato

  10. mumtaas yar says:

    asc dhamaan asxaabtayda qaaliga ah salaan ka dib walhi waa ceeb waxan waxanse dhihi karnaa oo kaliya waa meel shaydaan ka shaqaystay dad xalaal haysta oo xaraan ka doorsaday waa mucjiso ilaahyna wuu ku imtixaama xanuuno halis ah cidii an dhowrasanayn qofkastana wuxu goosto ayuu helaa ilahy ha na xifdiyo

  11. asc dhamaan asaxbta an haawad ku saxibnay qisada deeqo iyo yoonis waa mid aan caadi aheen lkiin muhimda waxe tahy inaan ku cibra qadnaa asc all inta iga dan besa

  12. caashocadey says:

    Subxanalaah ilaho nag gorii waxii xun oo dhan thanks kobciye

  13. Kobciye maxaa safaadka afar sadar aa no so qortaan bahasha naga badsha xoga plz thnks any why

  14. Nasirey says:

    A.w.w. Salan kadib iqyarta ani waxay ila tahay mamo deqo ki hore iney laalushtay si ay gabdhaheda ugu bandhigto ninkan inu cudur qabo oo ay ka difacayso si ay baxarki hore oga baxdo wad wada salamantihin iqyarta

  15. Abkoow yare says:

    Subxanalaah wa qiyano la yaan leh lkn waxan fila sideey iga horbo akhyarta qaar u shegay inu dhaqtarki hore ben shegay ilahey ayanse ka baryena inusan so marsin inti muslima tano kali wadna salaman tihin bahda kobciye akhyarta sharafta leh by by

  16. Mahad says:

    Ceeeeeb aduun waxaa kadaran mida aakhiro

  17. Ifrax iman says:

    Asc dhaman reer kobciye iyo asxabta salan sare wlhi waa arin aan caadi ahayn laga yabe inaysan wax cudura jirin ee islantu iyadu iku danbabasayso si ay ceebta uga cararto insha allah waan arki dona lkn aaway shekadi khaalid yare xage ku turten mahad sanidin

  18. Dayax dahir says:

    Wlhi shekadan sheko igu dhacdy ayee isku dhow yihn ilaa hadana ihesata

  19. super cabaas says:

    kkkkk shekadaan cadi ma ahan waba iska dabawareek thanks inta isku mashulisey shekadaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA