JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
muqal1

Qeybtii Sadaxaad Ee Dabeecadaha Xun Xun Iyo Xadiisyadii Ka Sugnaaday Rasuulkeena “SCW”.

Published: May 23, 2013, 6:54 pm | Updated: May 23, 2013 6:54 pm

Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu

Bismilaahi Raxmaani Rahiim.

Dabeecadaha xunxun Qaybti3

At-Tirmidi wuxuu ka weriyeey xadiiskan ibn Mascuud oo yiri;Mumiinku ma aha duraa oo wax ma lacnado(habaaro) oo ma aha mid af xun ama xishood daran.

At-Tirmidi wuxuu siiyey darajo ah Xasan,Al-Xaakim wuxuu siiyey darajo ah Saxiix,
Ad-Daaruqadnise wuxuu rajaxay inuu yahay Mawquuf.

Ca’isha A.K.R.Waxay tiri,Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri ”Ha caayina maytida(Dadka dhintay)waayo way la kulmeen wixii ay hor marsadeen

Waxaa weriyeey Al-Bukhaari.

Xudayfa A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri”Dira diraalahu ma geli doono Janno.Saxiix.

Anas A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri qofkii ceshada caradiisa Allah wuu ka celin doonaa cadaabtiisa isaga(Maalinta Qiyaamaha).”Ad-Dabaraani baa kitaabkiisa dhexe ku weriyey,waxaa isna markhaati u ah xadiis Ibn Cumar A.K.R.uu ka weriyeey ibn Abii Dunyaa.

Abuu Bakar As-Saddiiq A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle .S.C.W.Wuxuu yiri”Ma geli doono Jannada dhabcaal(bakhayl)iyo qof caado (dhaqan)xun toonnaa.

Waxa weriyeey At-Tirmidi,oo laba xadiis u qaybshay,Senedkiisuna waxaa ku jira dacfi.

Ibn Cabbaas A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle .S.C.W.Wuxuu yiri qofkii dhegeysta dadka hadalkooda iyagoo aan raalli ka aheyn maar dhalaalsan baa looga shubi doonaa dhagahiisa Maliinta Qiyaamaha.

Waxaa weriyeey Al-Bukhaari.

Anas A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Waxaa liibaanay oo wax san u sugnaadeen qofkii ceebtiisu ay ka mashquuliso ceebaha dadka.”

Al-Bazzar baa ku weriyeey saned Xasan ah.
A-Xadiisku waa xasan.Az-Zayn Al-Ciraaqi wuxuu yiri senedka xadiisku waa xasan.
Waa qofka sida xun ula dhaqma dadka uu ma’uulka ka yahay,sida inuusan siin masruuf fiican ama uu akhlaaqda iyo waxbarashada ka xumeeyo.

Ibn Cumar yiri Rasuulkii Alle .S.C.W.Wuxuu yiri qofkii isweyneeya oo is qaadqaad ku socda Allah oo uu caraysan buu la kulmi doonaa(Maalinta qiyaamaha).

Waxaa weriyeey Al-Xaakim,ragga soo weriyeeyna waa lagu kalsoon yahay.

Sahal bin Sacad A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu Degdegsiinyuhu wuxuu ka yimaadaa xagga sheydaan.’

Waxaa weriyeey At-Tirmidi oo yiri waa xasan.

Caa’isha A.K.R.Waxay tiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri Baaseysi waa qayb dabci xumo ah.

Waxaa weriyeey Axmed,waxaase ku jira senedkiisa dacfi.

Abuu Dardaa A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Kuwaa wax naclada (habaara)ma ahaan doonaan shafeecayaal iyo shuhado toonnaa Maalinta Qiyaamaha.

Waxaa weriyeey Musliim.

B-Xadiiskan wuxuu caddeynaya in kibir (islaweyni)ay tahay xaaran waana dambi weyn oo helis ah oo lagu halaagsamo.At-tirmidi wuxuu soo weriyey in qofka ay ku jirto xitaa wax le’eg saxar ama quraanyo oo kibir ah qalbigiisa,uusan geli dooniin Janno.

C-Xadiisku waa xasan Al-Ciraaqi wuxuu yiri:Waxa weriyeey Axmed,Ad-Dabaraani iyo Al-Xaakim oo ansixiyey,Al-Xaakimna wuxuu ku soo weriyey qaybta Iimaanka isagoo ah xadiiska Ibn Cumar qoraha kitaabkan(Ibn Xajar)wuxuu yiri Ragga soo weriyey waa lagu kalsoon yahay Al-Mundirina wuxuu yiri Ragga soo weriyey waa loo daliilsadaa saxiixa,Al-Haytami,wuxuu yiri ragga soo weriyey waa ragga saxiixa Sh.Al-Baani wuu ansixi-yey xadiiskan wuxuuna sidaas ku sheegay saxiix Al-Jaamic As-Saghiir.

Mucaad bin Jabal A.K.R.Wuxuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri”Qofkii ku dhaleeceeya walaalkiis dambi uu galay ma u dhinto jeer uu isna dambigaas galo.

Waxa weriyeey At-Tirmidi oo siiyey darajo ah Xasan,waxaase ku jira  senedka Xadiiska kala go.”

Bahz bin Xakiim wuxuu aabbihiis ka weriyey awoowgiis A.K.R. Inuu yiri Rasuulkii Alle S.C.W.Wuxuu yiri’waxaa hoog leh qofka ku been sheega hadalkiisa si uu dadka uga qosliyo,hoog buu leeyahay oo hoog buu leeyahay.”

waxaa werisay Ath-Thalaatha senedkiisuna waa Quwwi.

Anas A.K.R.Wuxuu yiri Nabigu S.C.W.Wuxuu yiri Xanta kafaara gudkeedu waa inaad dambi dhaaf u dalbatid qofkii aad xamatay.

Waxa weriyeey Al-Xaarith bin Abii Usaama,senedkiisuna waa liciif.

Caa’isha A.K.R.Waxay tiri Rasuulkii Alle .S.C.W.Wuxuu yiri Dadka wuxuu ugu neceb yahay Alle Qofka muranka badan ee aan jixin jixin(bilaa naxariista ah).

Waxaa weriyeey Musliim.

D-Wuxuu daliil u yahay in xusida waxa xun ay tahay dambi waana dambi in qof walaalka ah aad ku sheegtid wax xun oo aad xamato adigoo ku ceebeynaya dambi uu galay.Inaad dad horti ku ceebaysona waa dambi kale oo fool xun.

E-Xadiisku waa Muqadic,waxaana senedkiisa ku jira Muxammed bin Al -xasan bin Abii Zayd.Abuu Dawuud iyo qayrkiiba waxay yiraahdeen waa beenlow.Sidaas darteed buu Al-Baani u yiri waa been abuur.

F-Xadiisku wa Xasan.At-Tirmidi wuxuu siiyey darajo ah Xasan,wuxuna sidaas ku sheegay Saxiix Al-Jaamic As-Saghir iyo Mishkaat Al-Masaabiix.

G-Xadiisku waa Daciif.As-Suyuudi wuxuu yiri waa saxiix,bin Al-Jowzi wuxuu yiri waa Mowduuc(been abuur)As-Suyuudina inta daba galay hadalkaas buu wuxuu sheegay in Al-Baylhaqi yiri Waa daciif,Al-Ciraaqina uu ku gaabsaday inuu daciifiyey,As-Sakhaawi wuxuu yiri waa daciif lakiin leh axadiis u marag ah Sh.Al-Baani isna wuxuu xukumay inuu yahay Mowduuc,wuxuuna sidaas ku sheegay Daciif Al-Jaamic As-Saghiir iyo Silsilat Al-Axaadiis Ad Daciifah.

Xadiisyadan waxan kaso qoray (BULUUQ AL-MARAAM WAXA QORAY(AL-XAFIID BIN XAJAR AL CASQALAANI.

Xadiiskani intasu inogu dhamaday insha allah waxa ino bilaaban doonnaa kitaabka ka hadlaya (isku boorrinta dhaqanka wanaagsan.

Wixii qaladaad ah eed ku aragtaan waxaay ka ahaaday shaytaan iyo nafteydaa waxan saxaayna waxay ka ahaaday xaga illahay wana ugu mahad naqaya illahay swt.

Wasalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>