Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.
Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.
Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Shanaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Todobaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Qeybtii Sideedaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!
Billoowga Qeybtii Sagaalaaad.
Horta fikrada aad iga aaminsantihii ma lihi waa qalad oo waa sax wax welibana sidaad u fahanteen ayey u jiraan, sidaa haba ahaatee waraaqdaan aan gacanteyda ku haayo waxeey cadeyneeysaa arin Yoonis ka nixin doonto gabadheydana ku qasbi doonto in aay iska illoowdo mustaqbalkiisa.
Gabdhaheyga waan idin ku kalsoonahay adinku inaadan xumaan ku dhaqaaqeyn lakin aniga xumaan ayaan ku dhaqaaqay weliba si bareer ah, oo aan hubay in ceebtaan maalin uun aan sidaan usoo dhex istaagi doono hadana kama aan joogi Karin.
Horta gabdhaheygoow waraaqdaan waxey cadeyneeysaa in yoonis uu qabo cudurka Aids-ka waraaqdaan aan gacanteyda ku haayo waxaa iisoo dirtay gabadh aan dooneyn inaan magacaabo ama aan sheego gabadhaasoo iigu soo dirtay qaab email ah.
Markaan arintaas ogaaday ayaan go’aansaday inaan ka taxadaro mustaqbalka gabadheyda, aabahaa iyo yoonis aabihiis waa dad mudo dheer sxb soo ahaaa sidaa awgeed hadii la dhaho wiilkiina gabadheena uma rabno waxey noqoneysaa in sxbtinimo mudo dheer soo jirtay aanu jarno.
Markii aan fikiray waxaan go’aansaday inaan anigu arintaas ka hortago yoonisna aan qanciyo si uu u iloobo gabadheyda cudurada uu ka keenay wadamada qurbahana aay uga badbaado gabadheyda aan jeclahay ee yaasmiin arintaana waxaan u sameeyay jaceyl aan idiin qabo iyo gabadheyda oo aan ka fogeynayay cudur iyo mustaqbalkeeda oo aay ku dhameysato murugo, farxadiina keliya kama fikirin tan aabihiina.
Hadaba gabdhaheygoow warqadaan si degan u eega waxey ku qorantahay luqada Swedish-ka iyo English-ka kadibna si fiican u dhuuxa.
Maama deeqo ayadoon hadalkeedii dhameysan ayaan ka dhex galay ooo an ku iri waa maxay qorshahaan xoogan ee aad lasoo shirtagtay si aad u xaliso arinta aad ku fashilantay anigu waan is hubaa in cudurka aad sheegeysid iyo mid u dhawba aan qabin.
Waxaan halkaan joogaaa mudo 3 bil ku dhaw balse waxaan halkaan kala kulmay taariikh aan nolosheyda ka sheekeyn doono been abuurkaan aad la timidna wuxuu noqon doonaa mid aan cadeeyo.
Maama deeqo ayaa la soo booday oo hada ma waxaad la indho cadahay anigu cudurkaas ma qabo, oo miyaad cadeyn kartaa wakhti xaadirkaan afarteenu inaan is raacno ma aadnaa baaritaan.
Waxaan lasoo booday isla wakhti xaadirkaan cunto maba iga dageyso noo kaxee goobta baaritaanka, weliba anoo si careysan u hadlayo ayaan go’aansaday in aan si fiican usoo kala baxno.
Waxaan soo xirnay gurigii waxaan usoo dhaqaaqnay goob sheeybaar ah anigu waxaan ahaa qof is hubay in uusan qabin wax cudur ah, waxaan tagnay isbitaalkii baaritaanka waxaa leyga qaaday baaritaan buuxo.
30 daqiiqo ayaa jawaabta sugo nala dhahay intaan sugeynay cid cid la hadashay malahan qof walbo dhankiisa ayuu u murugsanyahay.
Dhaqtarkii ayaa noo wacay si aan u galno qolka sheeybaarka oo inoogu kala cadeeyo in aan qabo cudurka Aids-ka iyo in kale balse waxaan dhaqtarkii ka codsaday ka hor intuusan ku dhawaaqin natiijada in uu noo ogolaado aniga iyo ubax iyo yaasmiin iyo deeqo inan qolkiisa soo geli karno kadibna uu inoo sheego.
Wuu naga aqbalay qolkii ayaan soo galnay si aan u wada dhageysano jawaabta dhaqtarka……………………….
La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.
Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.
W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.
Inta Akhrisatay: 16410Kobciye1@gmail.com
Lovewithpromise143@hotmail.com
Ama Skype-keena Oo Ah Kobciye.com
asc wr wb ashidanti marwaliba gabagabada ayaad nagu gaadaa kobciye kkkkkkkkkkkkkkkkk shekwdu meeshay kamacdahay ayaad ka jartaan yes or no maxaad noogu sheegi weyseen insha alaah alahanawada gaarsiiyo qeybta tobanaad thanks kobciye
Shiiiiit xaa malin kasto noogu jartan waxa kala. Fage waxa nosoo badi yaaqeey
Oh,yariiiiiiis,waaaaaye
Kobciye.com waa websiteka ugu xun kuwa somalida ee akhristayaal iska dhaafka so gelitaankisa. Waayo fiirsha waxa uu la so shir tagen ma wax dadka lagu lugooyaa.
Ayooooooooy! Mexe tahay saan kkkkk thanks kaladhawe
Asc, qoraaga mulkiilaha sheekadan
waan u mahadnaqaya sheekadan xiisaha kugu ridaysa oo uu inoo diyaariyo walalkeyna inala jecel wanaaga aniu na aan kamid ahaa aqristayasha sida aadka ah u boholyoobaneyd sheekadan waana la bilowday runtii oo aan marnaba ka harin
hase ahaate waxan maanta ka Qawaa dood
oo ah in la ìfahansiiyo
sheekadu in ay wax la qarinayo ay jiraan iyo
sheekadu in ay iskhilaaftay
bìsmilah
1. Waxaad inoo sheegteyn magacyo mama deeqa farxaan iyo iwm
waxaa inoogu suureysen qisadan cultureka ama dadyowga somalida in ay ka dhax dhacday
wiilkuna uu kayimid magaalada muqdisho
hadana waxad leedahay farxan qurbaha ayuu ka yimid oo waliba wadanka yurubta waa sida hadalka ka muuqato qoraalkana waayaala arka
deeqa waraaqada wiilku aids buu qawaa ay leedahay ee ay daliishaneyso af swedish iyo af english ku qorantahay ayan hayaa ay leedahay
waxaa iga suaala ah
farxan haduu reer muqdisho yahay waraqadaaz ee cafimadka
ee dalkaz yurub maxaa u keenay deeqa
muqdisho ayuu dagnaaye?
mise muqdisho sheybar dad iswedhish ah ayaa joogi jiray oo uu iskaga khaaday miyaa?
waa maxay sheekadaz
wan fahmi la, ahaye
ok ok mise ma islaanta ayaa been abuuraneysa
oo haday been abuuraneyso
oo khaldaysa wiilka
isaga iyo dhoocilaha kaleba maxay ugu qawan waayen beenta
wiilku in uun muqdisho dagnaa oo uusan yurub taginba?
Waxa cuskanayaa
shekada bilowgeeda
Qìsada1 way teelaa
waa laga fiirin karaa
farxan in uu muqdisho dagnaa
nairobi markuu yimidna uu la yaabanaa quruxdeda
Kaalaya maxay tahay waxaa?
Hadana
oo haday deeqo leedahay waan ogaa farxan in uu qawo aids hiv oo waan idin ka hubinayey gabdhaheygiyey
ok suaal?
waa maxay sabta ay u leedahay
xumaanta waan ku dhacay waa run oo wax fool xun ayan sameeyay aiv aids kamey baqaneynin miyaa?
Iyo
dhoociluhu ama wiilka xunba maxaa soo taagay
maxay ugu qabsan waayen beentas oo hal mar qudha la yidhi nageeya dhaqtarka sidii xoolahii iska hor kacaya ?
Waxay waxaa de
oo kaalay
farxanku soo nin weyn ma aha oo gabdhuhu aadami ilaahey miskax siiyay ma aha oo isla noolaan jiray oo naga fahansanaa oo siday wax u dhacayan iyo sheekadan bilowgeydaba hayay ogaa soo ma aha maxaa hiv aids haye hudhuu hudhuu nakaxeeya yidhi oo watay ?
Marka sheekadu waa sheeko is khilaafsan waxaan u arkaa qisadan dad ajanabi ah in ay ka dhex dhacday oo aysan aheyn wuxu dad somali ah
waana qiso runtìi si walboo ahaatee wanaagsan cibro iyo xikmado dhaxal gal ah wadataa
oo laga soo shaqeeyay
waxan rajeenayaa in aan idin la dhameysto
walaalkeynuna kheir allaha ha siiye oo uu inoogu sii wado halkaa
wa salam aleykum wrxm wbr.
Aaaaah maxay tahay saan yaaqey waxkudara shekada xiisa ayey leedahe wad mahadsantihin dhamanti
halka ugu mac markay marayso umbaad kaharaysan thanks kobciye
Walaalayaal waan khaldamay iga raali ahaada waxaan moodi jiray farxaan in uu muqdisho ka socday
sax magaaladisu waa sweden
qisadi 1aad bn dib ugu laabtay
waana ku khaldamay walaalkeyga akhirada rumeysanow qoraalkan wata
cafwan please saamaxa allah
wan fududaadee
post commetigi aan qoray iiga masax walaal waayo waa danbi aad u weyn aan ka fiirsan
cawaaqib xuma lahaan karta
markale cafis
allah wax cafiyee
Wansalamay dhamay bahda kobciye iyo aqristayasha sharafta leh
SAMONE waxa ogtahay malahan ee hada afka somaliga fahmen shekada bilowgeda aqri ee haqabqabsanin WEBKA wexe ku bilabatay jagi dagan iyo asigo jogo waa farxaane xafadaha swedan ee borglan marka muqdisha shege wa maxay arinta Aids-kane weyba socotahe dag daga dhaaf waxa ladhihi lama yaqaane
Bargo.com fadlan mudanayasha iyo marwoyinka wad nugu sogabisen warka
Asc kobciye markey sheekada xararada ledahay ayay kala goysaa
Asc dhaman asxabta kobciye midkala wan filayi in mesha uga fican marki lagara lajeray e bayyyy
Shekada caadi usoo daayo kobciye sidan dadka kadaaya malaha hala soo xiiso ayad isleedihin sidan masibaa
Waaaa igu kala jarteeen masha allah waad mahadsan tihin bahda webka iyo aqristashaba mid kale yarkaaaaaan fudeeedka badan waaa iga yaaabisay sxb sheeekada waxan fila lama soconin mida kale kaliyah sheekada maanta waxaa ka qaldan hal halkaas oo ah in magaca wiilka uu ahaa yoonis from sweden kastay thnks
asc dhamantin walh waa qisho xiso gaar le runti markan akhrinaye xaada ayaa ikacday waxaana umoday marki jawabta lasugaye inan ahaa gobjog
meeeeeel mac aaaa ku jarteen wareeeerkii aaan ka qadaaay quraaac waaa iga dagi la dahay any wy thinks qaraaaaabo
Asc wr wbAqasheey markasto waxey ku go adaaa suaal walbo ka jwba suaasho
Su’aal wiilka magaciisa yoonis sow tuu ahaa goormaa farxaan loo bixiyey
Aydhiska habartaa malaha ku ridday illeyn malaha weligeed wey qaraaban jiraye
Asc wrwb runtii waa sheeko aad uxiiso badan aad baana ula socda uxiiseyaa plze noso badiya sheekada
Waaw shekada ad bay umcntay bls mel xun ay ku goysen shit nobadi wan ku salama kobciye.
Masha Allaah Sheekada Meel Fiican Ayaa Noogu Kala Goyseen
Si Walbe Ahaataba Mahad Sanidiin Bahda Kobciye.com Iyo Qoraaga Sheekada Abwaan Ibra
Dhamaan waan idin salamay rer kobciye waxaan codan laha in aad no soo badisan shegada mahadsanid
War Iyo Dhamaantiis Aniga Aya Idiin Dhameystiaraya Yoonis Cudurka Aya Laga Helay Maadaama Duqda Ey Qabtay Eyna Qarsaneysay Cudurka Dilaaga Ah HIV/Adis
aaaah yaaqey wamaxay xaraaradan leysku jaraayo marwalbo madax xanuunanbo ka qaadnee inkaar qabrada deeqo ah amey ayaduba ku talaashey hee miskiinka aan waxbo ogeyn ok bal aan aragno lakiin noo soo badiya yaqey mahadsanidiin bahda kobciye.
War Iyo Dhamaantiis Aniga Aya Idiin Dhameystiraya Sheekada Yoonis Cudurka Aya Laga Helay Maadaama Duqda Ey Qabtay Eyna Qarsaneysay Cudurka Dilaaga Ah HIV/Adis
somane warka badan waa lagu cajisaye maxa intaanoo qoraal ah sheekada dib maad ugu noqotid adaabo funny kale ahe.
Mohad lucky from johar
ninyahow waa maxay dhaliisha?
fudeedkega badan maxaa ku tusay oo xagee bad igu aragtay?
Yaa ii taqaanaa horta markaad sida kalsoonida leh igula hadleyso…
Wax makuu sheegaa adigaa yaraan ku heysaa
shuqul 2 nin ee kaa waa weyn ha ka hadlin rabigooda ay u taalaaye
Islaanta inkaar weeyi malaha miskiin iyada qaadsisay cudurka allow usahal sxbkay sameone hala daayo fikirkisa oo xora ayuu dhiibtay
Ok haduu yonis qabo Ads habartu iyada kama baqeyso miyaa midhaa iyadaa qabtayoo u gudbisey wiilka Alla markii la yiri jabab la sugaa inagaa isu maleeyey inan sugayo
Fatush waa la khaldamì jiray wana la sixi jiray haye abaayo bi idnilah wax walba aan ficil ahaan u
sameeyayna dad iga dambeeya bey u noqon doontaa tusaale iyo waayo aragnimo wanaagsan iyo khibrad cusub miskaxdoduna ay u kobcin doontaa
Asal somalinder xayakalah sxb
istaqfurullah wlaalha kobiye thanks alot walee masha wax ba ka so cad kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk allow sahal amuraha walee yonis waa ku sugyay habarta hadaysan ayada qiyaneynin oo lalush la sinin dhaqtarka ama ay ayada ku daran illahow naga haay cudur oo dhan aniga iyo umada muslimiinta ahba amiiin yaa rabi
someone hubsiimo hal ba la siistaa ee wax hubso ha hadal badnaane
oh oh oh wa maxay sidan manta ad bad u so gaabiseen shekada
MaYaaaaaaaa Kala foge maka yeleyno meshaas camal malagu gooyo yaaqey thanks bahada kbciye
Asc wr wb dhaman aqristayasha webka kuxidhan shekadu wel fiican ayey kugo,day deeqo hoyo fican eybo iskadhigoosaa gabadheyda aan unaxaaye kulahaa intey tumatay wiilka iyada lee amey kutalaashay cudurka any way wansugeynaa meeshey kubiya shubato thnx kobciye soona badiya qeybta dambe plz
waa idin salaamay reer kobciye iyo waliba asxaabtakaleba walalayaal maxaa noogu badhgoyseen marba kalka xiisaha leh markay marayso ayaad jartaane
ooh shekada meshay khatarka tahay ayad kajartan
asc subxaanalaha aad ban u dareemay culays markaan maqlay sheekada say ugu socoto wiilkan ilahow ka badbaadi ila iyada qabtee cudurkaan wan eegin meshay ku dhamato
aadbaan uga xumahay sheekadaa waa gaabantahay in la yare badiyo baa fiicnayd but not problem kobciye .com waa mahadsantihiin ..sheekadan hadaan usoo laabto cudurka habartan deeqo ah ayaa qabtay cunugana wey dabtay wuuna galay godkaa siday ila tahay waaye……qofka la baxay somone waxaan oranlahaa ha degdegin weligaa sheekadana bilow ilaa dhamaad waan lasconay manaan arkin wax qalad ku jira …how ever dhmaantiin waa mahadsntihiin akhristayaasha iyo suxufiyiintaba
Asc ugu horen waxan ugu mahad naqaya shekadan xisada iyo xamasada badan wa sheko ka shekeyn tedu mudan thy ila ebid <> masha allah wa door xasus iyo xusid mudan waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw lkn waxan ka cudur daraneyna web weyn kobciye mesha ey nogu ekeyen lkn dhib malaha waxaynu la socon dona isbuca xigo hadu allah karaali noqdo
asc wr wb dhamaan aqristayaasha sharafta leh dhamaantiiina waad salaamantihiin wlh sheekadaan qeybta marki la bilaabey meel xun inay ku jarayaan waanbo iska dareemay wlh waa sheeko xiiso badan aad ayaaan u jeclahay waana la socdaa dhabti dhaqtarka waxay ila tahay in uu dhihi doono wiilka aids ayaad qabtaa waayo hooyada laaluush ayee bixisaa waayo waa naag lacag leh wax walbo laaluush ku biixnayso yoonis wuu is huba in uu aids qabin hadii aidis laga sheegana aida ayaa aids qabtay markaas ayee adaga usii gudbisay lakin su’aal lays weydiiyo ayaa eh goormuu yoonis dhatar sweden joogo aadey aidisna laga soo sheegay dhaqtar hadu aadeyna oo laga soo sheegay asaga looma sheegin miyaa walee sheekadu waa jahwareer dhabti wepka waan ka xanaaqsanahay waxyaabo badan aan ku bartay ayaan weli ka la’ahay webka please and please sidaan iska badala caqli gal ma ahan sidaan shekada 10 sadar xita ma dhamo wadna jareysaan dhanka kale aawey xikmooyinkii jaceylka aawey nasashada usbuuc oo jimcihii inoo soo deyn jieteen sheekoyinkii qosolka badana aawey halxiraalihi aad balan qaadeyn in aad jimco walbo soo deysiin qofka ka jawabana aad magaciisa webka kusoo qori doontiin fadlan webka din usoo celiya webka waad ka caajisi rabtiin waadna mahadsantihiin dhamaan
Asc aad bad umahad santahay kalfoge iyo dhaman reer kobciye waa sheeko jahwareersan yaaab badan addunkan waxkasta waa la arki illaahow na xafid asxabta ayaamah yar masugi la adihin waan idin salamaya
Kkkkkkk yaa wax soogaabiyey an kobciye.com ka aheen viiva united
asalaamu alaikum dhamaan hawl wadeena shabakadan kobciye and aqristayaashooda ani waxan markasta idin leenahay wad mahadsan tihiin reer kobciye special ibraahem ali kala foge………….♥♥♥