Qeybtii Sadax Iyo Tobnaad “13″ Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.


Qisadaan sidaad magaceedaba ka dhadhansan kartaan waa qiso jaceylka uu galayo meel aan macquul aheyn, inta aay socoto sheekadaan xiisaha badan waxaad arki doontaan mucjisooyinka jaceylka ee sida dahsoon kusoo if baxo.

Hadaba Akhristoow sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Labaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sadaxaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Afaraad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Shanaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii lixaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Todobaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sideedaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Sagaalaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Koow Iyo Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Qeybtii Labo Iyo Tobnaad Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!!

Billoowga Qeybtii Sadax Iyo Tobnaaad.

Markaan nasiib u yeelanay inaan gudaha hoose ee dhaqtarka aan u gudubno ayaanu waxaan fadhiisanay booska dhibanaha loogu sheego natiijada baaritaankiisa.

Durbadiiba dhaqtarka wuxuu gudo galay sheegitaanka jawaabaha natiijadii nagala qaaday, wuxuu ku hormaray Maama deeqo oo aan filayay in bada inu ka sheegi doono cudurka dilaaga ah ee aan aaminsanaa inan ayada ka qaaday.

Dhaqtarkii ayaa yiri deeqo jawaabtaada waa tanaaa waana Negative wax cudur ah ma qabtid markii aan maqlay intaasi waxey ila noqotay in dunida leyga dhigay quraarad “dhalo” dhexdeeda anigoo ku jiro ciriiri ayaan galay, maamo deeqo hadeysan qabin cudurka waa yaabe yaa igu ritay.

Anigoo maahsan oo dareen haba yaraatee jawaabta u haayn ayaan maqlay dhaqtarkii oo igu daalay siduu iigu yeerayay oo ugu danbeyntii igu soo wareegtay oo I leh maxaa ku daaray cudurkaasi deeqo ma qabto adigana ma qabtid maxey tahay dhididkaan iyo argagaxaaan aan xad laheyn ee kaa muuqdo.

Dhididkii iga da’ayay wuxuu isku badalay dhidid farxadeed indhaheyga waxaa isku soo taagay illin aan xakameyn kari waayay taasoo u taagneyd in eebadii igu taallay leyga siibay.

Anigoo farxad la ilmeynayo ayaa albaabka waxaa kazoo galay Yaasmiin Iyo Ubax oo si wada jir ah u socdo.

Isbitaalkii waxaan kazoo baxnay anagoo wada faraxsan balse waxaad moodaa aniga in aan weli murugsanahay taasoo aheyd galmooshadii an u galdoomay maama deeqo waxaan hubay taasi iney iga xanibi kartay mustaqbalka aan u imaaday ee Yaasmiin.

Waxaan taxi kazoo raacnay isbitaalkii waxaan soo qabanay dhankaasi iyo gurigii balse guriga markii aan tagnay waxaaba xaadir ku ahaaa aabaha yaasmiin iyo ubax kaasoo ahaa seeyga maama deeqo, imaanshihiisa mid farxad geliyay maaheyn.

Markii aan sidaan gudaha guriga usoo galnay wuxuu naga hor keenay guriga oo albaabihiisa oo furan aad ka tagteen waa maxay mudo saacado ahna aniga keligeey ayaa joogay, maxaa sababay deg dega aad guriga cidlo ah ugu tagteeen.

Waxaan dareenay in odayga shaki xoogan uu qabitay maama deeqo oo dabeecadaasi taqaanay ayaa isku dayday ineey been sheegto balse yaasmiin ayaa tiri hooyo waa beenteed hospital ayaan aadnay.

Odaygii ayaaa inta fikiray, hal mar yiri oo dhamaantiin waxaad u egtihiin dad caafimaad qabo waa maxay isbitaalka aad ka imaateen.

Hadana yaasmiin ayaa tiri aabo sidaa maahan isbitaalka waxaan u aadnay in aan soo hubino arin maskaxdeena rogtay taasi o aan ugu danbeyntii kusoo guuleysanay iney been noqotay hadii aay rumoobi laheyd keliya waxaad timid guriga oo cidlo ah waxaad imaan laheyd gurigoo cidlo ah iyo dadkii aad ugu tagtay oo dhamaantood is wada dilay.

Taasi aabaha guriga waxeey ku abuurtay shaki weyn wuxuu lasoo booday waa maxay arintaasi ma deeqo ayaa sameysay arin aadan ku farxina waayo caruurtu waxey isdil ku dhawaan karaan marka hooyadood wax aan macquul gal aheyn aay ku dhaqaaqdo.

Aniga yoonis ahaaan waxaa ii cadaaday in uu aabaha guriga dareemay arinta in aay kasocoto deeqo horayna uu shaki badan uu ka qabay, goobta kama hadli karo, aabaha wuu I ogyahay inaan ahay wiilkii aay aabihiis sxbka ahaayeen ee u yimid in uu la aqal galo gabadhiisa yaasmiin, balse imuusan salaamin imana wareysan Karin shucuurta ka muuqatay awgeed.

Waxaan ula dhaqaaqay dhinac gees ah si aan niyadiisa u dejiyo maadaama horay leygu sheegay inuu qabo cudurada halista ah ee sokorta iyo dhiikar-ka, waxaa hadal ugu bilaabay…………………………………

La soco Isbuuca Soo Socdo Qeybaha Danbe Ee Sheekada Haduu ALLE Ismo.

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.


22 Jawaabood : Qeybtii Sadax Iyo Tobnaad “13″ Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo mucjisadiisii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.

  1. Walaahi sheekada sida aan filayay ayay noqotay marba hadii cudurki la sheegayay uu beenoobay

    inkasto ceebti wali aay taagantahay oo aan la ogeyn meesha aay ku danbeyn doonta odayga haduu maqlo kasii xun waaba waji kale in loo sheegana way u dhawdahay
    marka war jiraaba cakaaruu imaan
    yaab.com walee waa sheeko mucjiso ah

  2. Anas yare says:

    Woow wale waraa ka dhacay. Duqda way fashilantay dufkubax madhahaaaa? Awalba ayadaa docter kii hore lacag inaysisay tiri wiilkan in uu qabo cudurkaas sheeg, beenti ay sheegtayna way soo baxday. Waxaan jclaan lahaa in duqda lafuro, illaa waa duq fasahaad ehe. Wiilkana lagu daro gabdha, dibna ugu laabto carigiisi. Waxaa iswaydin mudan, maxay duqda wiilkan cudur uusan qabin ugu riday? Maxay tahay sababtay ay ugu didayso gabdheeda? Ayada miyaa rabta inlaga zinaysto ayada oo laqabo? Bal waan arki doona sida uu xaalka noqdo. Warjira cakaaruu imaan. Walalaha ismadhaafno nabad galyo

  3. asc wr wb waaaaaaaaaaaaw horey ayaa usaadaaleyey in uusn qabin cudurka balse meesha lacak ay kashaqeyneyso waa sir naageed lagama salgaaro. Maxaa inooxigidoona yaab.com

  4. Ifrax iman says:

    Kkkkkk yaab badan lkn waa filayay inay iyadu lalush bixisay haiso marin dheh islanta walan yoonis isga ceebi uma dhina waxba yuun isku dayin inuu inanta guursado waayo hooyaded buu lasexday miyuu san xishonaynin yaabadan wuuba dhex taganyahay wali muu mesha ka indho qarsado mahadsanid kalafoge asxabta salansare

  5. Shukri says:

    Asc wr wb iga tg dheh wn bayaabay cudurkaan inow been noqonaa maba fileynin

  6. fatush says:

    haaa saas lee iga dheh bal wiilkii yunis ahaa ee deeqo hababiseyba hadii cudurkii halista ahaa been la dhahay naaf baa iga soo boodee thank’s kobciye

  7. Dayax dahir says:

    Rer kobciye shekada aad ayee xiso uledahy hanagu kala go.nina idinko mahadsn halmar wax ficn noo soo dhiga san ugu hagar baxno

  8. Dayax dahir says:

    Alw ani ahan dayax ahan sameyn weyn ayee igu yelatay markan maqlay cudurka dilaga ah maqabtid aad ayan u farxan alxamdu ayan niyada ka dhahy

  9. Kkkkkkkkkkkk masha alaah cish yaa sheeko mahadsanid kobciye.com and aqrista yasha webka ku xiran

  10. Kkkkkkkkkkkk masha alaah cish yaa sheeko mahadsanid kobciye.com and aqrista yasha webka ku

  11. Hani says:

    Duq io dareen,wiil qurbo joog awalba caqligaa ku yaraa,naag hadu meher la.an la seexday

  12. Hani says:

    Duq io dareen,wiil qurbo joog awalba caqligaa ku yaraa diin iska dhaaf,naag hadu meher la.an la seexday,

  13. axmed says:

    sheekada foolxumada intan leeg leh waxan u malaynayaa inaysan somali ahayn walal naga dhaafa filimada reer gaalka eed sheeko noga dhigaysan magacyada dadkeenana kubadalaysaan

  14. ubax says:

    kk maan sh allah waxbaa kadhaycay

  15. mohamed DEEQ says:

    War adinka see rabtiin what U mean qeybaha dambi la soco wey igu socotay yaaqe next time soo badiya plz plz plz

  16. Asc kkkk wlh san u maleynay ayey nqotay bentedi wa laga dapa tagay

  17. waleyza says:

    asc qaraabo kawarama he so idima shegin iney fashilmayan takhtarki hore iyo mama deqo

  18. Mahad says:

    Kkkkk nin sigtay ma noola ayay somalidu ku maah maahdaa madluun ayuu noqoda allow yaa mar kale ku celiya oo dhaca positive baaa tahay waxu maba xishoonayo waxiisana haqabee mala gabadhaaa rajo kaga jirtaa diintee haystaa tolow

  19. neymaar says:

    sheekadan iyo magacedu way isleeyihin runtii waxa dhacaya waa mucjiso qarsoon iyo waxan macquul ahayn

  20. axmed says:

    walaal sheekada noobadiya wakhtigana kudara dameeraa xaabo nagala taagane

  21. Waceyz yare says:

    Nin doobnimo ku dhamaystay cimrigiisa waa kaasaa xumaatadiisa allow ina xafid qurbaha dhibatadaan buu leeyahay with out religion and faith

  22. Woooow waa seeko cajiib ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA