Qeybtii Sadaxaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Published: August 15, 2013, 12:00 am | Updated: August 14, 2013 7:16 pm

Sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Labaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Billoowga Qeybta  Sadaxaad.

Wiilkii oo quusi ka muuqato ayaa hooyadii ku noqday, gabadhii mahayo hooyo cid sheegaysana ma arag.Xilligu uu ordayaa, durba laba saacadood baa ka soo wareegtay socdkii dhuumashada ee Cambaro.Islaantii Cambaro hooyadeed qaylo ayey miciin moodday oo jaarkii iyo qaraabadii ayaa muddo yar dabadeed ardaaga soo buux dhaafshay.

Qaar ka tirsan dadkii soo gurmaday ayaa yidhi, aqalkii Xasna ma laga soo fiiriyey,gabadh firfircoon oo islaantu habaryar u tahay baa orod is qaadday oo soo hubisay,waxay soo ogaatay inXasna fiid hore seexatay.Saacaddu gooray tobankii habeennimo tahay ayaa odaygii qoyska, islaantii, innamadii iyo dhammaan qaraabadii ogaadeen in gabadhu aanay magaalada joogin.Wax la goohaba u dambayn qoyskii waxay is dareensiiyeen in gabadhoodii Cambaro ay Buux raacday.

Waagii markuu dillaacay odaygii oo ay ka go’an tahay inantiisa la boojiyey  inuu soo dhacsado ayaa ku kallahay siligga, waxa uu la xidhiidhay qaraabadii kala joogtay Jabuuti, Dawanle iyo Cali Sabiix isagoo war buuxa siiyey sidii ay arrini u dhacday.

Waxa uu xoogga saaray qaraabada Cali Sabiix oo uu ka codsaday in aanay gabadhu halkaa dhaafin, haddii aan tol nahay maanta ii gurmada ayuu hadalka ku soo xidhay.Warkii baa la is wada gaadhsiiyey,xammaasad baa arrintii la geliyey.Go’aanka la gaadhay waa in Cambaro aanay Cali Sabiix dhaafin oo gacanta lagu soo dhigo.

Cambaro waxay socodkii dhibta badnaa ku jirtaba 12kii habeennimo ayuu tareenkii ku soo dhawaaday Dawanle oo ku taal xadka kala qaybiya Jabuuti iyo Itoobiya.

Sidaan kor ku soo sheegay xilligan waa toddobaataneeyadii bilawgoodii, dalka Itoobiya waxa ka arrimin jirey boqorkii Xayle Silaase oo isagu dadka Soomaalida si xun oo gumaysi ah ula dhaqmi jirey, sidaa daraaddeed xuduudaha ay ka tallaabaan dadka Soomaaliyeey si adag baa loo ilaalinjiray.

Dawanle berigaa waxa la keeni jiray askar lagu soo ballamiyey in aanay wax naxariis ah haba yaraatee u gelin dadka ka gudbaya xadka. Askartaa had iyo jeer waxa la soo sooci jiray qaar aan nixin oo wajiyadooda iyo hadalladooda ay ka muuqdaan naxariisdarro. Dhinaca Jabuutina gumaysigii Fransiiska ayaa ka amar ku taaglayn jirey berigaa.Askarta xadka ilaalisa ee Faransiisku waxay ahaayeen kuwa loo yaqaan leejooneer

(Legion etrangere) Waa askar ay dawladda Faransiisku ka qorato dalal shisheeye ah.Waa niman ay naxariistu ka guurtay, ku darsoo weliba waxa ku jira qaar hooyooyinkood iyo aabbayaashood soo dilay.Waa askarta haddii Faransiisku dagaal galayo uu iska horreysiiyo.

Labada geesba waxa ilaaliya waa askartaa aan soo sheegay. Cambaro wax sharciya oo ay xadka ku marto haba yaraatee ma hayso. Allow jid u bixi!

Qummane sidaan kor ku soo sheegay waxa uu ka tirsan yahay koox dhallinyaro ah oo la yidhaa Yaacaay oo jaadka koontarabaanka ah geysa Cali Sabiix. Waa niman dalyaqaana ah oo sida haadka u fuula ugana dega tareenka,hawshooda markaad u kuur shid ayaad ogaanaysaa inay tahay mid noloshu ku dirqiday.

Haddeed waa Dawanle goobta lagu soo dhaw yahay,waa goobta nimanka Yaacaaydu sida haadka intay tareenka uga degaan ay duleedka uga maraan Dawanle si ay uga nabad galaan askarta xadka ilaaliya.Markan Qummane dan uu leeyahay uma socdo,waa Cambaro cidda uu jid marinayaa isagoo weliba qaba dardaarankii ahaa qofna yaanu ogaan Cambaro meel kasta oo ay marayso. Hadduu tareenka sida haadka uga degi lahaa Cambaro waa qof haweena oo ma karto.Farsamo kale ayuu adeegsaday,oo tolow waa mid caynkeeya?

Tareenka waxa jiida oo kexeeya mashiin.Mashiinku waxa uu sameeyaa nakhas. Nakhaskaasi waxa uu raacaa qasabad ka samaysan tuubbo adag, gaadhi walba nakhasku uu sii dhex maraa oo midba midka kale ayuu ku xidhaa. Qasabaddaa oo loo yaqaan Baayoo.

Haddaba Qummane oo farsamadaa tareenku ku shaqeeyo aad u yaqaannay ayaa Baayooga gooyey si uu tareenka dhanba u joojiyo. Way diyaar garoobay isaga iyo Cambaro.

Tareenkii uu istaagey dhulkuna waa madow gurcuda, intaan ilaaladii Faalitoogu soo degin ayuu intuu Cambaro garabka qabtay ka soo dejiyey,waa dalyaqaan guuraha ku baas oo weligiiba dhulkan lug ku mari jirey. Dhinaca bari ayuu abbaaray si ay xoogaa uga fogaadaan wax ilaalo ah oo ka hortimaad. Ciidammada Xabashidu waa sida digaagga oo habeenkii dhufaysyada kama baxaan oo way cabsoon ayuu Cambaro niyadda ugu dhisay. Cabbaar markay socdeen ayey haddana dhinaca woqooyi abbaareen oo Dawanle ayey dhinaca bari ka mareen.

Dhulku waa buuraley waa dhulka loo yaqaan Casajoog. Qoorshaha uu Qummane wado waa inuu lug ku geeyo Cali Sabiix. Dawanle iyo Cali Sabiix socotada caadiga ah saddex saacadood bay ku qaadataa hasayeeshee Cambaro oo ah gabdh aan weligeed socotayn saacado badan bay ku qaadanaysaa. Xadkii bay ka tallaabeen. Galiila oo ay joogaan ciidammadii Faransiiskuna dhinaca bari ayey ka mareen, waxase u muuqday laydhkii tuulada ka baxayey.Allow nabad geli! Cambaro daalkii iyo caatadii ku dhacaysay marna Qummane kama dareemin oo waxa u hillaacayey Jacaylkeedii Buux.

Intii ay socodka ku jireen oo dhan Qummane oo nin bulshaawi ah ayaa sheekooyin xiisale ku maaweelinayey si ay u illawdo jidka rafaadka iyo naxdinta badan

Waxay sii socdaanba xilli ku beegan salaaddii subax ayey Cali- sabiix soo galeen. Weli dadku way hurdaan, dad kooban oo salaadda u socda umbaa waddooyinka maraya, waa milay u wanaagsan oo ay Cambaro ku faraxsan tahay.Aqal uu leeyahay wiil ay isku jilib yihiin

Buux oo Qummane garanayey ayey tageen. Wiilkan magaciisu waa Cali.Way garaaceen, haweenaydii guriga lagu qabay oo salaadda u kacday ayaa ka furtay.Waa la is bariidiyey, islaantu way garatay Qummane gabadhase may garan waxayse u qaadatay inay wiilka qaraabo yihiin.Sidii dhaqanka martidu dhigayey baa loo soo dhaweeyey,durbadiiba biyo ay ku maydhaan baa loo diirshay, shaah iyo loxoox amma biddeeno nimba siduu u yaqaano ayaa loo soo dhigay si ay ugu afuraan.

Ninkan Buux ina adeerkiiya ee Cali toddobada ayuu shaqa tegayaa, kowda duhurnimana uu soo rawaxayaa sidaa daraaddeed Qummane ayaa intuu gooni u la baxay durba warkii oo dhan farta ka saaray.

Buux isagu Jabuuti ayuu joogaa hasayeeshee dhegta ayaa u taagan.Magaalada Cali-sabiix isgaadhsiinteedu way ka wanaagsan tahay tii Hadhagaala.Telefonka laynka toos baa Jabuuti loogala xidhiidhaa.Cali markuu galay xafiiskii shaqada bilawgiiba telefonka ayuu qaatay si uu dhakhso ugu war geliyo Buux.

Waxa uu kala xidhiidhay goobtii shaqada hasayeeshee Buux uu  maqanaa, gurigiisuna telefon ma leh.Sidaa kuma uu dayn Cali oo dedaal badan buu u galay si uu Buux u helo,dad badan oo qaraabo iyo asxaabba leh ayuu la xidhiidhay,nasiibdarro uu waayey.

La Soco Qeybta Sadaxaad Ee Sheekada Maalinta Berri Ah Iyo Kobciye.com Haduu ALLE Idmo..

W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan.

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>