Qeybtii Todobaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!


Sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Labaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Sadaxaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Afaraad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Shanaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Qeybtii Lixaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

Billoowga Qeybta Todobaad.

Wiilkii baa yidhi, waa arrin jirta oo aan indhaha la iska qaban karin.Labadii is jecel waa inay sheegtaan halka laabtoodu rabto.Weli hableheennu jacaylka inay afkooda soo mariyaan way ka xishoodaan,hasa yeeshee waa inay caddaystaan waalidkuna u oggolaado.

Haddii loo diido jacaylkeeda waa inay u badheedhaa oo ay raacdo sida gabadhani yeeshay.Gabadhan hambalyo baan leeyahay,jacaylku ha waaro oo ha jiro.Markaasuu wiilku xasuustay heestii ahayd.

Haddii aan jacayl jirin

Jaar lama ahaadeen

Haddii aan jacayl jirin

Adduunyadu ma joogteen

Oday xagga hore fadhiyey oo buuri canka uga buuxo ayaa buurigii tufay, wuxu yidhi,

Annagu markaan dhallinta ahayn afkayaga gabdh baan jeclahay ma soo marin jirin.Gabadha gaarida ah amma lagu maleeyo fariidnimo iyo karti umbaa loo geed fadhiisanayey.Dhaqankii wanaagsanaa nimanka dabaqalaalka ah ayaa ku galgashay, gabadhaa waan jecelahay markuu afka ku kala waaxayo miyaani xishoonayn?

Gabdhihii baa ka sii daray raggii, wiilkaa waan ka helaa intay duhur cad tidhaa bay iska raacaysaa sida tanoo kale nin hadhow bacad dhigi doona, Ilaahow dhallinta soo hadee!

Cambaro iyo Buux iyagoo foorara oo dhididku qooyey xishood dartii ayaa ereyadaa oo dhammi dhegahooda ku dhacayeen.

Hadal uma bannaana hoostase waxay ka lahaayeen,waddadu dheeraa goormay dhammaan, miyaanay ahayn tii 100km ahayd.

Rakaabkii baska la socday waxay u ahayd dood macaan oo ay jidkii ku gaabiyeen, Cambaro iyo Buuxna ugama duwanayn dad galay god abeeso. Markii Jabuuti loo soo dhawaaday ee Balbala oo biligbiligta agteeda la marayo ayuu Buux dhawaaqay,noo jooji baabuurka,waa la joojiyey.Intii ay baska ka degeyeen iyagaa lawada eegayey,naxdin darteed markay Cambaro gaadhiga ka dageysay way xagalkadaacday, Buux oo dhulka uga horreeyey ayaa gacanta qabtay.Islaantii Afyar Hoorri ayaa hadallo ka soo badba tuurtay,waxay tidhi,

Aabbahaa iyo hooyadaa ka soo baxsataye waa halkuu ku dhigo ninkaa madoobi!Hooyadaana farriin baan u diri doonaa.

Dheg jalaq umay siin kol hadday baskii uga degeen.

Goobtan ay ku dhaadheceen waa taag uu ka dhisan yahay dhisme dheer. Dhismaha dushiisa sare tiriig (laambad) weyn oo sida kubadda u malaasan baa ku rakiban.Tiriiggaasi habeenkii buu shidmaa (siraadmaa)oo biligbilig buu yidhaa,marna uu shidmaa marna uu demaa.Waa iftiin ay soo bidhaansadaan maraakiibta ku soo jeedda dekedda Jabuuti.Waa tiriiggaa waxa xaafaddani kula baxday Balbala.

Balbala waxay aasaasantay sannadkii 1967kii.Waa berigii gumaysiga Faransiisku magaalada ku xeeray siligga korontada leh.Laba irdood oo laga galo oo midi Balbala ku yaal buu u sameeyey.Askarta ilaalisaa waa kuwo afartii biloodba mar la beddelo si aanay dadka isku baran.Cambaro maalintii u horreysay ee ay Balbala timid waxay ku soo beegantay askar cusub oo maalintaa la keenay.

Maalintaa Balbala waxa la isla dhex marayey. Maanta kuwii sambabka u ekaa baa kidinka magaalada jooga. Buux sharci buu leeyahay, Cambarose waraaqo ma leh oo ma geli karto magaalada.

Guri aan ka fogayn biligbiligta oo uu lahaa nin jaadle ah oo ay isku barteen shaqada ayuu Cambaro geeyey oo uu ku ballamiyey, waxa uu yidhi, taniyo berri intaan sharci u raadinayo gabadhaasi halkaa ha ii fadhido daranyadana iiga dhaw.Islaantii odaygu qabay Jabuuti bay raashin u doonatay oo ay ku maqnayd hasayeeshee markay timid ayuu odaygu ka dhaadhiciyey in Cambaro uu qabo nin ay saaxiib yihiin. Reer Balbala berigaa martidu way ku badnayn, dadka magaalada laga soo masaafuriyo iyo kuwa doonaya inay galaanba way marti galin jireen.

Buux magaaladii buu tegay oo fadhi uma yaal, habeennimadiiba dad badan buu la xidhiidhay oo uu waraystay sidii uu ku heli lahaa warqad ay Cambaro ku soo gasho Jabuuti.

Dhinaca kale, warkii baa gaadhay Hadhagaala  in Cambaro ninkii ka kaxaystay Cali Sabiix .Xilligaa dabadeed raacdadii iyo soo qabtaaydii baa hoos u dhacday.Waxa jira dhaqan-Soomaali ah,kol hadday gabadhu u badheedho oo ay raacdo nin loo diiddanaa,waa inaa loo meheriyaa intaan ceeb kale ka iman, sidaa daraaddeed Cambaro aabbeheed xiiso uma qabo in la soo qabto xilligan dabadeed.

Intii Buux sharci-raadinta ku maqnaa waxa gurigii uu Cambaro geeyey habeennimadii yimid nin ka tirsan ragga abboolo (Apollo) la yidhaa. Waa niman caan ka ah Balbala oo dadka doonaya inay magaalada galaan siligga ka gudbiya. Waa rag si qaab daran oo halis badan ku geliya  oo weliba lacag ka qaata dadka. Ninka Cambaro guriga ugu yimid odayga aqalkan leh ayey qaraabo dhaw yihiin.

Markuu soo galayba meel boodh badan leh buu fadhiistay, jaad uu sitay buu durba afka ku guray. Ninkan magaciisa Kaariye ayaa la yidhaa, waa nin gaaban oo xoog leh, wajigiisa dhawr dakhar oo waaweyn baa ka muuqda. Waa nin ilka jajaban sankana nabar hore ku leh. Da’diisu intay tahay marka laba loo qaybiyo meel buu ku dhammaystay xabsi.Islaantii odaygu qabay oo Cambaro dhinaceeda fadhida ayaa la hadashay ninkii, waar Kaariye halkeed ka timid caawa?

Kuye,gabadhani miyaanay u baahnayn in la geeyo magaaladii? Cambaro oo marka horeba suuraddiisa ka yaabbanayd baa tidhi, oo sidee baad ii geyn magaalada?

Ninkii Kaariye oo haliilaya ayaa bilaabay inuu sharraxo qaabka ay isaga iyo saaxiibbadii dadka u dhaafiyaan xadhig xayirka ku meersan magaalada. Wuxu yidhi,

Annagu habeen mooyee dharaar ma shaqayno. Waxa jira goobo aan ka bannaynay xadhig xayirka oo aan dadka ka huluulinno habeenkii oo weliba xilliyada gudcurka ah, sida caawa oo kale. Qofka aan gelinayno magaalada waa inuu ahaado ruux calool adag oo aan biqin. Bogga ayaa xoogaa lagu socdaa iyadoo la iska eegayo siligga korontada leh een sida xirfadaysan u goynay. Intaa marka la dhaafo waxa jira bambooyin dhulka ku aasan oo haddaad taabato qarxaya.

Bambooyinku waa laba nooc, midi markay qaraxdo dadkay dishaa, midda labaad hadday kugu qaraxdo waxa ka soo baxa laydh amma tiriig aad u iftiin badan oo hawada sare u booda dabadeedna sida baarashuudka ayuu aayar soo degaa isagoo goobtaa oo dhan ka dhiga dharaar cad, isla markaana waxa ku haya jiib iyo jaandaaran ordaya.

Annagu abbooloyaasha haddaan nahay dadka aan wadno markay si wanaagsan noo daba galaan ee ay baydhbaydhka iska ilaaliyaan way nabad galaan.

Dumarku markaan dhexda marayno umbay qaylo kaga kacaan oo way na kashifaan.Beryahan dambe dumarka afkaan maro kaga xidhnaa,laba habeen ka hor baan lix gabdhood sidaa ku dhaafiyey.

La Soco Qeybta Lixaad Ee Sheekada Dhawaan Iyo Kobciye.com Haduu ALLE Idmo..

W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan.


4 Jawaabood : Qeybtii Todobaad Sheeko Xiiso Badan La Magac Baxday Jaceylkii Soo Rafaaday..!!!

  1. Kaasim says:

    Asc dhaman inta wapka ku xeran kk manaxa xan muxu ahayay asi aya is qaribay dadka muyu qariba mida kale dumarka alaha ugu talagal dacifnimada

  2. foos says:

    asc
    ani mugoo kaas kuma jiri
    Cambaro kaas haisku racin
    Buux le iska sugo

  3. daacad says:

    Asc asaxabta cambaro weymareysaa haduu jaceylku dhabkayahay jaceylka wax walbo diinta kahor imaneyn walohuraa. = LOVE ALWAYS WIN!!!!!!!!

  4. Ifrax iman says:

    Asc abwanka shekada noso diyariya aad bad umahad santahayn midan qoslin baa helay cambaro haiso marin dhaman asxabta wan idin salamay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA