JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Q7aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…


Sheekadaan xiisaha badan hadii aay ku dhaaftay qeybaheedii hore halkaan ka akhriso.

Q1aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Q2aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Q3xaad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Q4aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Q5aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Q6aad Sheekadii Xiisaha Badneyd Ee “Wehesho Taan Is Iri Miyaa Waranka Igu Hubsatay”…

Billoowga Qeybta Todobaad.

Qadro ayaa uugu jawaabtay gacaliyaheeda sida tan

Ka: Naf kuu xiiso qabto

Macaane aad aan kuu salaamay walibane aad oo ween ayaan uugu faraxansanahay in aan aqriyo warqad aad adiga soo dirtay walibane muhiimad aad u weyn xanbaarsaneyd

Gacaliye waan ku faraxsanahay in aan lamaanahaaa noqdo o aan nafsadaada ku biiro oo aan farxada mustaqbalkeena danbe aan hormarino

Macaane aniga wax aan kaa diidayo ama aan kaa diidi karo ma jiraan balse maadaama aay guur tahay hadane waqtiga aad rabto oo aad u gaaban yahay waxaan jeclahay in aan marka hore labo isbuuc aan ka soo fikiro oo aan dhan walbo ka fiirsho.

Qalad ha ii fahmin balse guurkeeyga ugu horeeyo waxaan jeclahay in aan marka hore si fican aan ooga fiirsad ma jecli in uu dhalanteed iyo murug u ku dhamaado  qeyr badan aan kuu dhaafay jaaw ka dheh ninkeeyga mustaqbalka.

Qadro ayaamarkii aay warqada dirtray goaansatay in xaalka jiro aay gacaliyaheeda Kaml u sheegto o aay la tashato  islama markiba waxey warqad SMS ah u dirtay Kamal ayada oo ku dhahday sida tan .

Gacaliye arin aan rabaa in aan kala tashado barito ayaan isgoyska KPP kuugu imanaa dhabarka danbe ee isbitalka ilkaha.

Qadro ayaa marka aay gacaliyaheeda aragtay hadalka iyo arinta soo zaaidayba sida saxda ah uugu sheegtay ayada oo aan waxba ka qarini ,,,

Maadaama uu Kamal reero jaad(muqayil) ahaa isla markiiba wuxuu goaansaday in uu qarashaka arooska ka qaado oo uu afka u dhigto durbaba wuxuu goansaday in uu suaalo muhiim ahaa qiyaanadiis in uu weeydiyo asiga oo ku bilaaway

Kamal:adiga ahaantaada yaad dooneysa in aad marwo u noqoto aniga mise aniga adiga oo qalbiga waxa uu doonaayo ka hadlaayo

Qadro: Aniga ruuxa kaliya ee aan doonayo ama aan jeclahay waadiga gacaliye

Kamal: Adiga maxaa asiga uugu jawaabtay marka maadaama uu codsi muhiim ah kuusoo bandhigta

Qadro: Gacaliye aniga waxaan ku dhahay labo isbuuc iga war sug si aan adiga kuula tashado macaane

Kamal: haye! hada maxaad jeceshahay ii sheegbo ama oo goaan ah aad gaartay

Qadro: gacaliye wilkas waa daacad hadii aan dhahan guur ma rabi, waxaan u maleynaa in uu xanaaqi doono oo uu mardanbe isoo raadin doonin

Kamal: Raadiskiisa maxa muhimad ah oo kuugu jiro ?

Qadr: ma ogid miyaa qarashka aad bishii isticmasho in uu asiga soo dhiibo taas aa joogsaneyso aboowe

Kamal ayaa mudo halsaac ku dhaw fiirinaayay hadba wada ugu fudud oo uu ka soo mari karo qadka si uu qarashka ninkaas afka uugu dhigto

dhanka kale kamaal waxaa jirtay in gabar adeerkiis dhalay oo Dubai joogtay la rabay in lagu daro balse asiga arimahaas oo dhan qadro ma ooga sheekeynin

kamal gabarta la rabay in lagu daro asigaba aad oo u daneeynaayay in uu gabartaasi guursado balse waxa kaliya ee ka hortaagay ayaa aheyd

In gabartaasi diiday in aay imaado magalada muqdisho oo aay xiligaas dagaalo adag ka socdeen , kamal ayaa isla markiiba goaansaday in uu xoogaa lacag ah gabartaane ka qaado oo uu sidaas dubai ku tago oo uu qofka uu doonaayay sidaasi kula aqal galyo

Kamal wuxuu dareemay in aay tani fursad qaali ah oo soo martay aay tahay uuna goaansaday in uuna fursadaani iska burburinin

wuxuu goansaday in uu is jilciyo dareensiiyo jaceyl aad u baxad weyn oo uu qado u qabyo si aayna ninkan cusub u raacin

Kamal: macaanto waxaa wanaagsan in qofka uu qalbigaada doonaayo aad raacdo oo aad lamaane u noqoto balse aniga qofka kaliya ee aan dunidaan baaxada weyn ka doortay waa adiga ,, qofka kaliya ee waxa aan jeclahay iyo waxa aan necbahay dareemi karto waa adiga ee aduunkan ha igu cidleenin ,

Qadro: gacaliye adunka waxaa ugu xun in qof bali aadam ah qalbigiisa la dhaawaco balse aniga taasi makuu quuro waana igu tashan kartaa hadi aan dadaalnone waan hormarin karnaa nolosheena waana la gaarayaa xili aan gacan dadoow ka maarano

Waxaadba moodaa maskaxda aay qadro wadatay in maskax ka weyn ka sareeysa misane aan la dareem karin in aay meesha ka socotay

qadro ma dareensaneyn danaha uu gacaliyaheeda Kamal uu watay
Mudo gaaban ka dib ayu kamaal goaansaday in uu qadro weydiiyo suaal muhiim u aheyd

Kamal: gacaliso maka dhameyn kartaa in uu aroosa Dubai ka dhaco oo aan sidaasi dubai uugu aqal galno

Qadro: haa macaani taasi wax weyn ma ahan oo saacid wax kasto waan kadhameyn karaa  kamaal ayaa caloosha ka qoslay oo dareemay in uu qofka u doonayo oo si fudud uugu tagi doonyo .

maalintaasi sidaas ayaa leeysku macsalaameeyay  marka u gacalsadiisa macsalaameyay ayu goaansaday in uu QEYB JAAD AH horay u gato si uu maskax weyn u dajiyo oo qadro meel u saaryo  marka u saacad qayilayay ayaa sheekadaan ku soo dhacday ..

In uu qadro ka dhameeyo in waalid been ah la baro saacid loona sheego in aay ku faraxsan yihiin arooskooda oo aay waliba uso duceyn doonan,, isla markiiba waxaa diyaarsaday dhowr qof oo asiga inta badan agagaarka Holwadaag jaadka kula cuni jiray.

Sidoo kale waxaa goansaday in qarashka aay Qadro Kamal iyo 4qofood oo waalid jili doono qarashkii aay ku tagi lahaayeen dubai laga qaado.

Dhanka kale wuxuu goaansaday in qarashka arooska lagu dhigi laha uu soo shubo marka aay dubai tagaan oo ay arooska ayaga sii qaban qaabiyaan maalinta uu saacid soo dagtone maalinta ku xigtone uu arooska dhaco

Kamaal habeenkaasi aad ayuu marqaamay walibane asiga oo faraxsan seexday Dhanka kale Saacid ayaa sugi la aa warqada aay gacalisadiisa usoo diri doonto .

Waxaa uu waqtiga socdayba qadro ayaa goaansatay in aay gacaliyaheeda kamaal la kulanto oo aay kala tashato arimaha cusub iyo wixi aay ka yeeli lahaayeen.

Kamaalne wixii uu ku hadli lahaaba waa u diyarsanaayeeno marka uu qadro arkayba asiga oo dagan ayuu ku dhahay.

La soco kobciye.com qeybta kale Jimcada soo socda

W/D Mohamed Abdi Aadan (gattuso)
[email protected]

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

SHARE-GAREEY QORAALKAAN


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA