Jaceylkaaga Waxaan Dareemay Kulankeenii Indhaha, Balse Wuxuu Ku Dhex Milmay Kulankeenii…. “Xikmadaha Jaceylka Isbuuca”


Waxeey mahadi oo idil u sugnaatay ALLAAH kaasoo nagu kulmiyay Qodobadii jaceylka ahaa ee isbuuciiba hal mar aad ka daalacataan shabakada kobciye.com.

Maanta hadana waxaan idiin wadnaa jumlooyin gaagaaban oo ka turjumayo macnaha dhabta ah ee jaceylka, hadaba shabakada kobciye.com waxeey talo ahaan kuu siineeysaa inaadan erayadaan u adeegsan qof aadan jecleyn, ama si qayaano ahba..

Weey igu adagtahay inaan maskaxdeyda ka dhaadhiciyo ineey ku nacdo, maxaa yeelay weli waxaa dhaqdhaqaaqayo wadnihii ku jeclaaday, sidaa awgeed intaan qalbigaan leeyahay kuma nici karo xabiibi.

Magacaaga waxaan ku qoray cirka waxaa qariyay daruuraha, hadana waxaan ku qoray dhulka waxaa tirtiray biyaha roobka ugu danbeyntii waxaan ku qoray wadnaheyga hadana waxaa baabi’iyay xinjiraha iyo dhiiga kasoo dareeray qalbigeyga, sidaa awgeed magacaga wuxuu ku dhex milmay xinjiraha wadnaheyga….

Nolol aan jaceyl laheyn waxeey la mid tahay sanad aan laheyn Summer “Xagaa ama wakhtiga kuleylaha”..

Adiga iyo aniga waxaan doonayaa inaan wadaagno wax kastoo aduunyada dusheeda ah, sida aad iila wadaagtay jaceylka ku dhex jiro wadnaheyga..

Ma jeclaan karo qof aan la’aantiis noolaan karo, ee waxaan jeclaadaa qofka aan la’aantiisa noolaan karin, waxaana xaqiiqo ah macaan inaan adigu la’aantaada noolaan karin.

Inaan adigu ku iloobo maahan wax marnaba suurto geli karo, sida aaysanba u suurto galeyn inaan xasuusto qof aan ebidkeey la kulmin….

Jaceylkaaga waxaan dareemay kulankeenii indhaha, balse wuxuu ku dhex milmay kulankeenii qalbiga, wuxuuna dhamaan doonaa marka wadnaheyga dhaqdhaqaaqa joojiyo….

Intaasi ayaan kusoo koobayaa maanta iyo qodobadii jaceylka ahaa ee aan ugu talo galay mucaashiqiinta soomaaliyeed, intaan dib ugu kulmi doono barnaamijkaan xiisaha badan ee aan isbuuciiba mar kusoo qaadano shabakada kobciye.com waxaanu idiin kaga tageynaaa nabaadiino…..

W/D Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”


8 Jawaabood : Jaceylkaaga Waxaan Dareemay Kulankeenii Indhaha, Balse Wuxuu Ku Dhex Milmay Kulankeenii…. “Xikmadaha Jaceylka Isbuuca”

  1. Ismahan qali says:

    Wow wow hadalo mcn iga dheh midkan waxan aya jaceyl ka ah

  2. salaamulaahi caleykum wr wb masha alaah waa qodobo qiiro leh waad ku mahadsn tahay

  3. mahad says:

    masha
    Allah waad mahadasantihiin
    sida wanaagsa oo aad noogu dadaaleesaan

  4. Asc wr wp bacdal salan wa qodobo qiimo badan gabartii lagu dhahaana sidi baraf fariijka laga so bixiyay oo kale u dhalaleyso kobciye mahadsanidiin mida kale ismahaan aad ayaan ugu faraxsanahay is badalkaan cusub ee kugu yimid allaha ku siyadiyo walal

  5. tahriib says:

    wah wah gerarkan aya i cajab geliyay maxan heblayo u tiriyay anigo ka copy yey kobciye.com
    sanadki hore ayan aqrista asxbta thnkz kobciye

  6. Ismahan qali says:

    Asc manka kwrn xld aniga marka hore wan ku shegay raga somaliyed waxbo uma qawo ayan ku dhahay hadal walbo an so qorayay wa mid afka o kaliya lkn qalbiga majiro byee

  7. Wcs wr wp ismahan walal ilaaheey mahadiis wan ku ficanahay alx adna sidokale ayan ku rajeynayaa midakale walal wey ficantahay inadan raga somaliyed wax u qabin waxana kugu duceynaya in allah ku sahlo mid aanan wax ku dhiba ku geysan waligaa farxad iigu nolow walal

  8. Zamti says:

    Wow!. Hadalo mcn iga dheh, wilki lo qoro ereyadan mcn istanbo baraf aya mareysa muxu kala garan weyna wadadi gurigoda lo mari jiray k.k.k.k.k.k. Thnkz. Mr. Kalafoge.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA