JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
muqal1

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Published: March 16, 2014, 12:00 am | Updated: March 15, 2014 8:30 pm

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Labaad.

Waxa aay haraadi inoogu aheed su,aal aheed qaabka faarax u baadi goobi doono nadar ama ku heli karo.

Qeybta 2aad: Qof tuur leh tabtuu u seexanaa asagaa yaqaano bey tiraah soomaaliduye faarax waxa uu dhisey shax ku saleysan caqli oo islahaa waa qaabka aad kula kulmi doonto nadar, wayna u soora gashay oo ugu danbeyntii wuu la kulmey nadar oo maalin cad ayeey fool ka fool iskaga hor yimaadeen waddo cid ah. ! F

aarax iyo nadar kulankood labaad ee kulmaan way is barteen oo dadka iska dhax aqoonsan karaan hadii aay maalin kale wado ku kulmaan oo salaanta islama dhaafi doonaan, in kastoo barashada nadar tahay mid aan dhaafsanayn wiil soomaaliyeed oo walaalkeed ah balse faarax barashadiisu waxa aay ku saleeysan tahay macno buuxa iyo ugaarsi gaar u ahaa eek u wajahnaa soo gacan galinta nadar mudo dhow ama mid dheer.

Dadaala wuu gaaraaye waxii meereeyo hadba dhinac kasoo maro ugu danbeytii gacanta ayuu ku soo dhigey oo wuu ka dhaadhac yeeley jaceylkiisi ugubka ahaa ee goonida u haleelay, waxaana halkaa ka bilaabatay nolol ku saleysan jaceyl oo dhadhan gaar ah u laheed labadooda gaar ahaan faarax uu jaceylku ku badnaa.

Hadba laanta ubaxa leh waxii lagu mashaaxo ee haraad la,i laysula joogo waxaa sii macaaneedey noloshiii waxayna noqdeen dad ka tilmaaman xaafada oo mar waliba is hadal haya ama is gacan haayo oo isla jooga. Hadaba waxaan sadarkaan ku lifaaqayaa qaab dhismeedka iyo bilicda nadar si kooban si aad hadhoow u heshaan una macno fahantaan diiwaanka sheekada markii la heer gaaro amaba aan guda galno baalkeeda.

Nadar waa gabar ugu dheer gabdhaha soomaaliyeed oo qofkii arkaahi isma lahan qof dumar ah oo ka dheer baa jira waxayna leedahay indho lagu sadey dareenka oo qofkii lagu eegaayi ugu yaraan is waydiinayo su,aal jir ahaan waxaad moodaa in laysu dheeli tirey, maariin xigeen bay aheed waxaana lagu xasuustaa bulaashi.

Hadaba nin kastaahi oo arka waxaa hubanti ah inuu iska su,aal waydiin jirey wallow inta badani isku qanci jireen in aaysan noqon karin madax banaan iyo tan labaad oo aheed in aay salka ku haayso nolol qani ah.

Taasi waxa aay suura galineysaa in sida loogu dareen qabo aan loo wada daabaci karin oo la gaabsanaayo. Si kastaba faarax ayaantaan waxa uu habsaan ka noqdaa shaqadii oo maahan ninkii horey loo yaqaaney taasi waxa aay dhabar jab ku tahay adeerkii elmi oo aan jecleysan dabeecadaha cusub ee faarax la yimid waloow uusan wali ka dhamaan dulqaadka hadana wajigiisa waxaad ka dheehan kartaa xanaaq dhibsashada faarax.

Aduunyooy wareegto shalay ninkii la amaanayey maantana waa caajisloow hase yeeshee faarax taasi dhag jalaq uma siinin ee had iyo jeer waxa uu irmaan u yahay jaceylka nabar iyo ka warqabkeeda oo xataa hadii uusan la joogin waa inuu dhowr saac ka dib wacaa oo codkeeda maqlaa ugu yaraan amaba helaa fariinteeda.

Ma saadaalin kareyno sida adeer ka yeeli doono arintaan ku cusub iyo talaabada uu qaadi doono balse waxaa muuqato is eegitaan iyo in su,aalo kooban la iska waydiinayo waxa ku dhacay faarax maalmahaan.

Xaaladu waxa aay sidaas ahaataba waxaa sii hana qaadey jaceylkii lawada sidey ee ka dhaxeeyey lamaanaha waxaana sii batay kulankoodii iyo iska warqabkoodii halka uu sii baahayo dayaca ganacsigii adeer elmi. ?

Ugu danbeyntiina waxaa idlaadey dulqaadkii adeer cilmi oo saakayba waa loo yeerey oo markii uu hurdada kasoo kacayba waxaa lagu yiri ‘Faarax Marka Aad Is Diyaariso Isoo Mar Bal Waan Ku Sugayaa Adeer’. ??

Qeybtii 2aad ee sheekada isbuucaan intaas ayaan ku soo gaba gabeynayaa inta aan dib u kulmeeyno hadii Allaha Awoodo sare idmo waa ismail abdi aden “WaaSuge” oo idin wada leh sidaas iyo nabad galyo’. !!

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>