Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..

Published: April 6, 2014, 12:00 am | Updated: April 5, 2014 8:24 pm

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta afaraad.

Waxay inoogu qabyo qoraal aheed faarax oo is daba dhigey ilaa iyo 3 qodob ee lama huraan u ah inuu midkood ku dhaqaaqo, hadaba waxaan sugnaa waa halka uu anba qaadi doono xal u raadinta arintiisa.

La Soco Qeybtii 4aad Ee Sheekada: Faarax waxuu qaadaa dhigo oo midba qeyb ka feedo 3daxdii qodob ugu danbeytii waxuu qaatay qodobkii koowaad ee qeexayey adeer inuu kala tashado arimaha guurkiisa.

Dhowr maalin ka dib waxuu u tagey adeer asagoo u sharaxaaya arinta ugubka ah ee uu ka doonaayo is wareysi kooban ka dib adeer Cilmi waxa uu codsaday in ka hor inta aan arinta faraha lala galin maalin la casuumo Nadar loona sameeyo marti qaad is barasho guud ah ee ka dhax bilaabata qoyska dhamaantood.

Faarax oo hadalkaasi u arkey naruuro iyo naq uu haatan uu dhax dagay ayaa u jawaabey adeerkii asagoo u mahad celinaya ugu danbeeyntiina waxaa lagu balamay maalin hebla in la casuumi doono nadar hadii Allaha awooda sare leh ogolaado, sidaas ayaana lagu kale faataxeystay oo lagu wada balamay.

Waxay saacadu gar guurato oo hadba gabi dhacleeyso waxaa la gaarey maalintii balanta nadar oo aay ka daba dhaceyso ayaa soo xaadirtay ishii qabataahina aay la dhacayso, balse aragtida koowaad ee nadar iyo adeer cilmi waxaa ka beermey damac iyo in nadar aysan xaq u laheyn nolol la wadaago qof faarax oo kale ah, aan ku sii bayaanshee quruxda iyo aqoonsiga reerkeeda oo magac iyo miisaan ku lahaa magaalada adeer cilmi wuu ka laxa jecleystay wiilkii uu adeerka u ahaa asagoo naftiisa la doonay inuu helo nadar.

Yaab iyo amakaak: ma jirin cid dareenta laakin qalbiga adeer baa sidaa ku taamayey, waxaa bilaawday qado wada cunitaankii,isbarashadii iyo waliba soo dhaweyntii baaxada wayneed ee loogu tala galay nadar ugu danbeeyntiina waxaa lagu sagootiyey gaari cad oo lagu geeyey gurigeedi waana biloow wanaagsan.

Markii fiidkii la isku soo guryo noqdey adeer cilmi waxa uu shir albaabada u xiran yahiin la yeeshey faarax asagoo ku bilaabay canaan iyo hantadaad, erayada uu adeegsanaayey waxaa ka mid ah inuusan aqoonba dadka lagu taamo ama nolol lala wadaago asagoo dhahaaya war ma taqaana gabadhaan reerka aay ka soo jeedo, naftaada ha haligin adeer ‘Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Diiwaanka SHeekada. !!

Faarax oo yaaban aadna u niya jabay ayaa meesha ku adeecay hadalkii adeerkiisa waxuuna ku yidhi haye adeer waad iiga waaya aragasan tahay arimahaan waxaan ku qasbanahay inaad yeelo warkaada inta aanan ku dhicin boholaha aad carabka ku dhufatay, in kastoo faarax afka uun ka lahaa kalmahadaas aan xusney.

Habeenkaasi faarax waxay u aheed meertada ugu xun ee ebed dhax mushaaxo, mar kale maskaxdiisu way majiidhaa ayadoo muhato sideed ka yeeshaa arimahaan, sababta oo ah hadalkii adeer waa mid uusan ka tagi karin jaceylkii nadarna waa mid uusan hilmaami karin, waxuu sahminayaa sideey xaalku noqonayaa.

Maalinba maalinta ka danbeeysa rajadii faarax ee helitaanka nadar god dheer bey ku sii dhaceysaa oo waxuu si kal iyo laab ay u aaminey adeerkiisa Cilmi oo marnaba uusan ka filanayn qanaayo intaas la ek.

Nadar waxa aay dareentaa culees iyo in faarax hakad galay,wa aay isku daydaa inay ogaato kana sal garto dhibaatada jirta laakin uma suura galin oo faarax arintiisi uurka ayuu ku qufushay afkiisana iska xirtay.

Waxaa idlaanayo farxadii waxaana sii hana qaadayo ciladii dhaxdooda ka jirtay, faarax ugu danbeytii waxa uu qaatay go,aan cad oo dhahaaya iska iloow nadar iyo nolosheeda, ku ekoow shaqadaada iyo ujeedkii dheeraa ee aad halkaan u timid, hala jara boodeysan gayaan aadan la fac ahayn ogsoonoow in aad la nooshahay adeerkaada, markii la rabana laguu celin karo halkii lagaa keeney ee baadiyaha/Miyiga.

Faarax habeen habeenada ka mid ah waxuu seegey huradadii waxaana korkiisa ka dilaacay waaga waxuu dareemey inuusan intaan ka badan mashquul gali karin naftiisa asagoo go,aan qaatay ahaa wac/u yeer nadar runtana farqaha ugu shub, sideey doonta ha u fakarto xumaan iyo samaan mideey doonta haku siiso.

Abaar 4tii/10kii subaxnimo waqtigii dalkeena hooyo ee soomaaliya ayuu wacay waxuuna ku yiri Nadar qaali waxaan doonayaa inaan kula kulmo si deg deg ah waxaa soo kordhay arin inaan ka wada hadalno ayaa daruuri ah, nadar oo qudheedu naxsan ayaa ku tiri waayahay aboowe waa inoo meel hebla hadaba.

Ugu daneybtiiina waa la isi soo hor fariistay faarax oo wajigiisu doorsan yahay ayaa ku yidhi Nadar. !!!

Qeybtii 4aad ee sheekada intaas ayaan uga hari doonaa isbuucaan inta aan isbuuca xiga kulmi doono waa saaxiibkiin ‘WaaSuge’ Oo idin wada leh saaxiibada dhamaan sidaas iyo nabad galyo, ASC WR WB. !!

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

Shimali02@hotmail.Com

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>