Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..


Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Lixaad.

Waxa aay inoo mareysay ‘Faarax,Nadar Iyo Adeer Cilmi’ Oo kale jiho ah’ Waagii ayaa soo bikaacay si caafimaad qab ah, dadkuna waxa ay ahaayeen kuwa u kale dareera goobaha, waxbarashada, shaqada iyo waliba qaar jooga xaafada ee aan maalintaa wax dan ahi ka dhacin iyo guud ahaanba gayiga.

Nadar oo wali yaab ku danbeeya waxa aay u wacatay saaxiibteed ‘Ilhaan’ si aay ugala tashato arimahaan ugubka iyo oodinta iskugu jira ee so kordhay.

Ilhaan ayaa nabad timid waxaan bilaabatay falanqaynta arimahii xasaasiga ahaa iyo kaalinta ugu muhiimsan ee ilhaan ka qaadan karto iyo inay kusoo biiriso waayo aragnimadeeda aduun ee ku saabsan amuurahan haasaawe. Hagaag ilhaan kolkii aay daalacatay waxii dhacay, fakarkeedu waxuu tusey meel aan looga fadhin iyo fiid ka duwan dulucda u ah muhiimka nadar.

Waxay ka hogo tusaaleysay in faarax uu si bareer ah ugu tala galay waxii dhacay ayadoo ku tiri maalin maalmaha ka mid ah ayuu ka shalayn doona dhibaatada uu kuu geeystay saaxiib dulqaado una sabar waa xaal aduunye.

Gaba gabadii hadalkeeda Ilhaan waxa aay si dar daaran ah carabka ugu dhufutay saaxiib, ha is dhiibin ee dhaxda u xiro sidii aad uga cad goosan laheed faarax, yuusan kaa dareemin in aawadii aad u tahay madluun iyo wax la mid ah, taasina waxay wado u furi doontaa qof kasta ee nadar usoo qalab qaata isla markaana ula yimaad araajida haasaawe amaba jaceylka.

Nadar way aqbashay hadalka iyo dardaaranka saaxiibteed ilhaan oo waxa aay la noqotay daruur soo yara hilaacdey isla markaana aay kaga haqab beeli doonto oonka iyo haraadka maalmahaan danbe dul habsaday.

Laakin aqriste sida aad la soco dhamaan eedeemaha loo soo jeediyey faarax oo ka qabaar mooge balse ficil kastsa oo aad sameyso waxuu sameeya macno kaasoo ah mid wax kuu tara amaba adi wax kuu dhima.

Adeer cilmi oo haatan yaqiinsaday in faarax iyo nadar aay kale hareen oo mid walbaahi hareer socdo gooni, waxuu bilaabay talaabooyin dhowr ah oo uga gol lahaa anba qaadka geedigiisa ku wajahan hanashada nadar oo haatan u aheed ahmiyada ugu muhiimsan dhamaanba arimihiisa aduunka.

Adeer cilmi saakay waxa uu dareemayaa fir fircooni iyo farxad isku ogaan jirin, waxuuna isleeyahaya manta wax badan qabso oo ka faa,ideyso waxuu go,aansaday inuu xariirkii ugu horeeyey la sameeyo nadar asagoo wacay.

Ma aaysan aqoonsan mana uusan isku sheegin balse waxuu ula hadlay si macquul ah asagoo u sheegey inuu doonayo la kulankeeda isla markaana uu rabo inoo wax badan kala hadlo, ugu danbeytiina nadar way aqbashay.

Waxaa lagu balamay meel la iskugu yimaado laguna kulmi, balse nadar marka aay indhaha ku dhufatay adeer cilmi way naxday oo isla jareeysay.

Tollow maxaa xigi doonoo, wareerka waqtigaa keenaye balaan war sugno. Isbuucaan intaas ayaan kaga hari doonaa sheekadeenii inta aan kulmi doona isbuuca xiga waa saaxiib ‘WaaSuge’ oo idin wada leh nabaadiino.

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

Shimali02@hotmail.Com


3 Jawaabood : Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..

  1. sheekada waad soo yaraysaa waasuge hadana meel wacan oo dhadhan leh ayaad ku jartaa sidee baan ku dhahnaa suldaan waa sugoooow

  2. Anzal says:

    Ismcil xoga ino so badi shekada ado mahadsn asxbta wd slmdtihin dhamantin idinko isku duban bahda kobciye

  3. Hdii la soo badsho sheekada sidey dhadhan ku lahaaneeeeeeeeeeeeeeee waasugoow sheekada dhadhan inoogu yeel bro thnx asxabta kobciye.com iyo akhrastiyaasha sharafta leh dhamantin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA