JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
muqal1

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..

Published: April 13, 2014, 12:00 am | Updated: April 12, 2014 7:16 pm

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Shanaad.

Faarax & Nadar Kale Tagoodii Iyo Bilowga Sahankii Adeer Cilmi’ La SoCo Habeen KaSta Oo Axadi Soo GaleySo. Waxa aay qabyo qoraal inoogu aheed faarax oo aad u nadar ku yidhi.

La SoCo Qeybtii 5aad: faarax waxuu si bareer ah nadir ugu sheegey in uu xal u arko laga tagoodo asagoo qofkii dhab u eegaa wajigiisa ka dareemi karay in faarax uu qasab ku dhahaayo hadalkaan afkiisa ka soo baxaayo.

Nadar oo yaab awgii gariireysa ayaa ku tiri ‘Maxaad Ka Wadaa Aboowe’ kale saar kaftanka qaarkiisa waxuu keenaa wax yeelo iyo niyad jab fadlan ha igula kaftamin weedha sidaas u qaraar mar danbe uma dulqaadan karo.

Balse mar kale ayadoo ku yidhi mid la mid ah hadalkii hore asagoo ugu biyo beeraya ‘Dhaar’ muujineeysa in hadalku ka yahay dhab ee uusan ka wadin cayaar iyo wax la hal maala, intaas ka dib waxuu hadal oo dhan ugu soo koobey, waxaan jecelahay inaan hortaada ka tago oo aan indhahaada ka qariyo muqalkeyga ee abaayo cafis iyo caafimaad ifka hibo ku noolow.

Nadar oo aan garan Karin wax aay ku hadasho ee yaab iyo af kala taag ku jirta ayaa iska soo hadaaftey, waxay dhahaysaa markaan ‘Alla Ina Raggow qayaano badanida iyo hadalo la hal maala in aay godob raga ka tirsaneyso.

Dhankaa iyo faarax waxuu habeenkaa la hoyaadey wal wal cabsi qal qal iyo walbahaar aduun, waxaa dhagahiisa miranaya ‘NabSi Lama Dalafsado Asoo Dibadahaa Yaale, Dukaan Lagama IibSado, SidII Shey Markaas Dihane, Waa Laga Danbeeyaa, Intuusan DaaQad Kaa Furane’ “Dhuule”.

Halka Nadar habeenkaasi u aheed ma guuraan howd iyo habaas badan waxa dul heehaabanaysaa sariiirta ayadoo garan la,a bilow iyo dhamaad halka aay arintaan kaga beedho, waa xaal aduunyoo, Xuma laga waayee.

Adeer Cilmi oo markaan yaqiinsaday in faarax halacsaday mariidka iyo meeshii uu la rabay ayaa goor hore oo aroor ah ugu soo galay qolka jiifka waxuuna ku yiri adeer miyaad xanuusaneysaa xalay waad diidey cashadee? Faarax ayaa ku jawaab celiyey maya adeer xoogaa waan iska caajisanahay Insha Allah waan caafimaadi doonaa, sida kale ii waran adiga xaaladada.?

Adeer waa nabad qabaa waxaan is iri armuu Faarax xanuunsan yahay hadi aad roon tahay hada waa Galad EEBE, Haye hee waana sii baxaya adeer.

Dul meerida iyo su,aalaha dahsoon ee adeer Cilmi waydiiyey faarax waxa aay tusaale aan sidaa u turxaan baxsaneen ka yeeshay sidii uu rabay adeer cilmi oo aheed kala taga/go,a faarax iyo nadir, waxuuna haatan ka baaraan dagayaa sida ugu haboon iyo heerka ugu wacan ee uu ku sahan tagi lahaa.

3daxdooduba waa kale fakar caawa midba meel ayuu go,doon ku yahay waxii soo kordha ama xiga la soco Isbuuca danbe intii ka horeysana waa Saaxiibkiin ‘WaaSuge’ Oo Dhamaantiinba idin wada Leh MaCsalaamo’.!!

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

[email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>