JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Qeybtii Koow Iyo Tobnaad ’11′ ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..


Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Todobaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii sideedaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii sagaalaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Tobnaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Koow Iyo Tobnaad.

Waxa aay inoo mareysay Nadar oo soo guryo noqotay, ayadoo saaxiibteedna waxba u sheegin.

La soco Qaybtii 11aad Ee Sheekada: Waa goor arooryo ah dadku haatan soo wada kacay badankii cirku waa irmaan wali sooma hoorin oo roobku ma da,aayo balse saadaasha muuqatahi waa filasho roob oo xili kasta ah, dadka odorasa cimilada ayaa qeexaya in aay curan rabo gugii, waqtiga roobka.

Nadar oo daawanaysa muuqalka circa iyo daruuro kale midab ah aadna ula dhacday dhaq dhaqaqa uu samaynayo caadka, ayaa jecleysatay inay u qalin qaadato buuga ayadoo qoreysa jawiga macaan oo aay ku sugan tahay, kuna lareysa qayb ka mid ah qisadeeda ugubka ah iyo rajooyinka dhiman.

Qoraalkeeda oo dhinacyo badan taabanayey waxaa ka mid ahaa, in aay fadhiso tarjiinka ku dhax yaalay gurigooda, ayadoo si caafimaad qab ah oo dareen ku dheehan yahayna u eegeysa cirka ayey tiri waa cimilo noolahu jeclaysto aadna loogu riyaaqo, waa saadaal la wada sugaayo una muhiim ah dhamaan noolaha, waa astaan muujineysa inuu soo hor leeyahay roobkii Guga, ayadoo sii raacisay waan jecelahay marka cimiladu sidaan tahay, waa mid loo xiiso aad u udgoon laga xiiso dhigi Karin.

Intaa marka uu maraayo qoraalkii taleefoon ayaa usoo dhacay waxa soo wacaaya waa adeer cilmi, si hal haleel ah ayeey uga jawaabtay, waxaa bilaawday is wareeysi guud iyo gaar ahaanba waxaa foolka nadar laga dheehan karay sida aay ugu bogeyso hadalka adeer cilmi, ma jiro qof ogaan karay waxa loo sheegayo balse waxaa muuqato in hadalku ahaa mid ku socda dhagaha nadar aadna u macaan.

Muuqa hodanka ah ee EEBE ku manaystay hablaheena soomaaliyeed iyo xishoodka qaniga ah oo hibada loo siiyey, waxaa hareer socdey soo jiidaso gaar ah oo loogu daw galay nadar, waxay si aan baaxad lahay u furtaa dibnaheeda ayadoo dhoolaha cadeynaysa, waxaa ku lartaa gacanteeda oo ay afka saarto ayadoo muujineysa qajilaad, mararka qaar waxaa arkeeysa ciridka qundulka ah iyo bishimaha casaanka ah ee dabiiciga ah ee nadar lagu manaystay, waxaana u idlaaday wacitaankii.

Jawiga nadar oo ahaa mid dhax dhaxaad ah haatan wuu camirmay oo waxuu noqday kaamil qof kasta oo aragtaahina way ka dheehan kartaa wajiga nadar sida uu barwaaqada u yahay saakay, fir fircooni hor leh ayeey dareemeysaa waxayna sii halacsataa qoraalkii u ahaa qabyo qoraaleedka.
Adeer Cilmi waxa uu markaan ku raad joogaa soo gaba gabaynta xiriirka dhaladka ahaa ee kale dhaxeeyey nadar waxuuna aad u danaynayaa waa guurka nadar iyo guri xalaal ah lka wadaageeda, balse sidaa arintu uma fududa waayo faarax waa mid jooga hadaba sidee ugu macquulsan oo arinta loom eel marin karaa, waa su,aasha daalisay maskaxda adeer cilmi maalmahaan jawaabna mahayo.

Waa arin mudan ka fiirsasho badan, balse wax kasto ka filo adeer cilmi waayo intuu sameeyey ayaa inogu filan tusaale waji gabax ah, balse aan eegno halka uu wax marin doono iyo waxa la gudboon. Waxa u soo baxay ilaa iyo dhowr wado ee ku aadan qaabka loo wajihi lahaa xalka faarax looga taqalusi karo, waa mida waxa uu is yidhi arinkaan kala tasho nadar go,aan midaysana ka gaara. ! Waa mida labaade waxa uu yiri u dhaadhici mid ka mid ah gobolada dalka ee uu ku lahaa goobo ganacsi si halkaas uu noloshii cusub uga anba qaado, intana asaga iyo nadar aay wada dagaan.

Mida saxaad waxa uu isku dayaa inuu qilaaf ka dhax beero faarax iyo qoyskiisa waynaa ee ilmaha lahaa, si qilaafkaasi u sababo in faarax uu iskiis iskaga hayaamo una raadsado meel u dhaanta inta.

Qodobadaas iyo kuwa kale ayuu adeer faarax u gartay inuu xal ku jiro ku dhaqaaqey sameyntooda.

Hadaba waxii ka soo baxa oo natiijo ah waxaan ku qaadaa dhigi doonaa qoraalkeena xiga inta aan isbuuca xiga dib u kulmi doonana waa saaxiibkiin ‘WaaSuge’ oo idin wada leh cafis iyo caafimaad.

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

[email protected]

SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA