Qeybtii Sagaalaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..

Published: May 11, 2014, 12:01 am | Updated: May 10, 2014 10:33 pm

Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Todobaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii sideedaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Sagaalaad.

Maalmo kooban ka dib waxaa soo if baxay qabaar aan awood buuxda ku taagnayn oo kazoo yeerey faarax kaas oo ku saleysnaa salaam guud iyo siduu yahay xaalka nadar, maadaama ayaamahaan la kala maqnaa, walaaltinimaduna tahay muhiimada.

Balse nadar oo dhoolaha ka qosleeysa ayaa u macno fahantahay sms/fariintaan mid ku aadan sababo dhowr ah, ayadoo u maquunisey macno aan meesha ku jirin iyo marin habaabin kale, waxayna isku qaanac yeeshey inay dhagaha ka awdato jawaabta.

Faarax oo ilaa iyo mudo sugaayey jawaabta kooban ee ku saabsan caafimaadkeeda balse nasiib daro wuu ku daalay ee ma uusan helin, dabadeedna wuu iska howl galay. Laba kale barisey kale war la, nadar oo usi haysata in aay ku sugtey faarax ayaa mar kale sacab tumatay oo inta wacdey saaxiibteed ku tiri, ma ogtahay inuu kii xumaa ee faarax la dhahi jirey isoo direy fariin qoraaleed, u gogol xaareysaa isu soo laabasho.

Xaqiiqda oo ka fog xiisada aay nadar tilmaamtey waxaa hareereeya been abuur ah in aay raacisay ‘Isu Soo Laabasho’ Aan meesha ku jirin iyo waliba hididiilada ku aadan damac hor leh, halka faarax uu ka yahay dhamaan amuurtaan qabaar mooge aduun.

Maalmahaan lama arko adeer cilmi, tallow maxaa ku dhacay, nadar ayaa fariintaan kooban ugu dirtay qoraal ahaan ayadoo dhahaysa ‘Maalmahaan Laguma Arage’ maxaa ku heley miyaad mashquushey mase waad caajisan tahay iyo hadale kale. Adeer cilmi fariintaasi waxay u noqotay hogol roob ah oo si lama filaan ah usoo curatay, durbadiiba wuu wacay nadar oo u sheegey mala awaal iyo macnaha dhabta ah ee ka danbeeya maqnaashahiisa, waxuuna intaa ugu daray hadan goorma kulana.?

Nadar oo intaas iyo in la mid ah dooneeysay, maadaama ay uga gol leedahay ka aar gudo faarax ayaa si degan oo dareen badan ku tiri, waan doonayaa kulankeena runtii oo aad xiiso baa I hareeyey ee waqtigaad hesho firaaqo isoo sheeg waan ku sugayaa.

Deg degi door ma dasho: nadar fudeedkeeda waxuu hoos u dhigey qiimaha aay u laheed adeer cilmi, waxuu ku yiri waayahay ee maalin hebla ayaan isu imaaneynaa. Sidaas ayaa lagu wada balamay oo lagu kale tagay, ‘Garaad Dumar Ma Kaamilo’. !!

Waxii la joogaba waa la gaarey mudadii balanta waloow adeer cilmi iska iloobey oo markaan ahmiyad badan siinayn laakin waxaan iloobin oo u dhararaya waa nadar waa aay soo wacdey oo ku tiri sow ma ogid bari inaay tahay maalinkii kulankeena.?

Adeer cilmi oo aan hore ha helin jawaabta su,aasha nadar ayaa gadaal ka dhadhan sadey kuna yiri si daalan haa, waa maalin aad noogu way nee is diyaari qaali bari ayaan ku soo wacayaa, hada arimo baan ku dhax jiraahe waa inoo hadhoow qaali.

Hadiiba haatan uu bilaabay mashquul maxaad u fileysaa nolosha nadar iyo hadiiba la guri gaysto, noqol ka mid ah nolosha dhabta ah ee soomaalidu lugahooda ku dontan balse gadaal danbe aay ka shalaayaan, ku baro qalinkeena manta iyo qayb ka mid ah sheekadeena cajiibka ah ee ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ MahadSanid.

Waxaa la gaarey waqtigii iyo goobtii, ma jirin soo dhawayn saa,ida maadama aan sidi hore laysku ahayn waxaa loo kulmey sidii dad mudo is yaqaaney ayadoo is daalan la iskugu dhoola cadeeyey, waxaana furmay faaqidaada sababta loo kulmey ayadoo lagu kale adoomay araajiyada ku saleeysan xariir cusub oo yeelanayaan ;Cilmi & Nadar’.!!

Isbuucaan intaas ayaan ku soo afmeerayaa sheekadeenii xiisaha laheed inta aan dib u kulmi doonana waa saaxiibkiin ‘WaaSuge’ iyo bahda kobciye.com oo idin wada leh, dhadhanka sheekada hadaa dhab loo guda galaye haka seexan, hana sugi waaynin Saaxiib InSha Allah. !!

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

Shimali02@hotmail.Com

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>