JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Qeybtii Sideedaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..


Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Todobaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Siddeedaad.

Waxa aay inoo joogtey adeer Cilmi oo nadar soo dhaweeyey kuna yidhi erayo mac.

La SoCo Qeybtii 8aad Ee Sheekada: Nadar oo saamaynsan ayaa guriga gashay isla markaana abaartay qolkeedii, waxa si dalan baabi ah iskugu tuurtey sariirta oo dib usoo celisatay xasuus waxii manta dhax marey ayada iyo adeer cilmi una daawasho tagtey, waxay dhax milicsato dibna u eegtaba waxaa usoo maxay fakar ka duwan kii aay horaan aaminsaneed eek u salaysaa xal u raadinta arimahii saaxiibkeedi hore.

Mar kale ayaa rogaal celisay oo hadana tix raacdey hadaladii ugu danbeeyey eek u soo dhaca dhagaheeda iyo erayadii naxariista badnaa ee ka soo burqanaayey adeer cilmi, waxay haatan dhowr talaabo usoo jirsatay guntii sheekada oo ku aheed inuu jiro damac daashaday adeer cilmi ee dusha ka saaran nadar iyo doon doonis uguba.

Waxay dib ugu soo laabatay jawigeedi caadiga ahaa ayadoo markaan ka baaraan dageysa waxa aay ka yeeli doonto xaajadaan cusub iyo marxaladaan curdinka ah, waxay gad gadoonta habi gabi ka eegto way xali waysay, sidii caadada u aheedna waxay mar kale u yeeratay saaxiibteed Ilhaan is bal aay u turxaan baxiso amuurtaan. Ilhaan oo Qatar ku aheed arimahaan haasawaha daraja sare ka haysata ayaa timid oo tiri ii sheek diiwaanka iyo dooda aad manta inoo hayso aan bal dib u baaris sameeyo dabeedna daliisheeda ku siiyo halka iyo docda laga maro arimahaan isdaba joogee.

Erayadaa isku duuban ee darsinka ah waxa aay daawo u noqdeen danahii gaarka aha ee nadar ayadoo durba fudeed dareentay waxayna daaha ka rogtey waxii dhacay iyo dookha cajiibka ah ee haatan soo daaqiley buugii daartii qabyo kaligeed ku aheed. Ilhaan ayaa si degan u dhageeysatay hadalkii Nadar waxayna ka dhuxdey in adeer cilmi damac ku jiro waloow aaysan garan Karin ilaa heerka uu gaarsiisan yahay sidoo kale waxay dhageeda qanciyeyey shaqsiyada cilmi oo lagu xusey nin ganacsada ah isla markaana faarax u shaqeeyo, muhiimada ugu badana waa inuu yahay qof wax haysta.

Ilhaan waxa usoo baxay labo qodob oo kale shaqo ah isla markaan ku qotoma nadar 1:In la sugo codsiga adeer cilmi isla markaan bilaa sharuud lagu aqbalo markuu la yimaado, sababtoo sidaas loo yeelaayana waxay tahay in faarax si wanaagsan looga aar gudan doono, maadaama loo diiwaana galay shaqsi danbi ka galay jaceylki nadar. 2:In lagu dadaalo ka mira dhalka xariirka dhaxdooda ah si bey tiri aayaha nadar u noqdo mid huban isla markaan dhan kasta ka dhisan ugu danbeytiina lagu heshiiyey.

Nadar talada wanaagsan ee saaxiibteed ilhaan way u riyaaqdey hoostana ka xariiqdey ayadoon iska eegin kalsoonida aay ku qabto datreed sidaas ayaana lagu faataxeystay. Baal eegno waxa xigi doono iyo aragtida aqristaha eek u aadan ‘Sax Iyo Qalad’ Talada saaxiib Ilhaan adigoo raacinaya fakarkaada qaaska ah ee siin laheed Nadar.

La soco isbuuca danbe nadar iyo adeer cilmi oo mar kale wada kumi doona iyo ajandaha aay ka munaaqishoon doonaan, halka uu faarax dib uga soo dhax muuqan doono sheekada oo laabdii isbuuc ee ugu danbeeysay ka dhax maqnaa Insha Allah. Intii ka Horeeysana Waa Saaxiibkiin WaaSuge iyo kobciye.com Oo Idin Wada Leh MaCsalaamo. !!

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

[email protected]

Fikradaada Dhiibo Hadad Facebook Isticmaaleysid..

SHARE-GAREEY QORAALKAAN


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA