JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Qeybtii Labo Iyo Tobnaad ’12’ ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide Ka QuuSo’ Qiso Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge..


Sheekadaan xiisaha badan ee aad isbuuciiba maalinta axada ah aad ka daalacataan shabakada kobciye.com hadii aay ku dhaaftay qeybteedii hore halkaan ka akhriso.

Qeybtii Koowaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Labaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Sadaxaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Afaraad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Shanaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Lixaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Todobaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii sideedaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii sagaalaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Tobnaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Qeybtii Koow Iyo Tobnaad ‘Adeer Qalanjo Heli MaySide, Haku Lug Go,in: Sheeko Cajiib Ah & Qalinkii WaaSuge’. !!

Billoowga Qeybta Koow Iyo Tobnaad.

Adeer cilmi waxa ka go,an gooni u bixida iyo kale geynta asaga iyo wiilkii uu adeerka u ahaa isla markaana ku noolaa gurigiisa ee faarax ahaa, ugu danbeyntiina waxa uu ku yiri adeer waxaan kuu dirayaa gobol kale oo ka mid ah kuweena soomaaliya, si aad halkaa uga masuul noqoto ganacsigeena.

Faarax oo ahaa askari isla markaana aan diidi Karin amarka adeerkii ayaa qaatay oo ku yiri waayahay adeer, waxaana bilaabatay diyaar gorowgii lagu diri lahaa faarax in kastoo hooyada qoyska ahna marwada adeer cilmi arinkaa ka biyo diidsaneed hadane uma suura gali Karin inay hor istaagto go,aanka deg dega ah ee cilmi gaaray.

Faarax ugu danbeyntii wuu dhaqajiyey, laakin inta uusan baxin ka hor maxa dhacay? Waxa uu wacay qoftiisii hore ee nadar asaga oo doonayey inuu u sheego arintaan ku soo korortay, waxa uu wali yahay maskiin aan ka war qabin isbadalada way ee dhacay isla markaan baxitaankiisa salka ku hayso soo dhawaynta nadar iyo guurisga adeerkii.

Nasiib xumo kama aysan jawaabin wacitaankiisa oo way dafirtay, markii uu ku guul dareystay la hadalkeeda waxa uu u reebey fariin qoraaleed gil gilay maskaxdii nadar.

Waxaa ka mid ah Fariin Qoraaleedkiisa: Abaayo waan baxi rabaa oo waxaa la ii badalay gobol kale waxaad moodaa in aay Qayr inoo tahay badalkaan waayo waxaa furmay albaabo kale oo xirnaa sidaa darteed waxaan jeclaa lahaa inaan iska war qabno, oo aan isla xaalad socodsiino, waayo mar kasta waxaan jecelahay wanaaga.

Faarax fariintaan oo qorey waxaad moodaa inuu ku laran yahay damaco dahsoon ee ka turjumaayo inuu wali jecel yahay nadar, isla markaan uu waayey fursad iyo natiijo wacan oo magaaladan uga dhalan kartay waqtigii la soo dhaafey iyo haatan uu hanqal taagaya in ay muuqato rajo ku haboon ka faa,ideysi waa hadii la doonayo dhaxalgal.

Fariinta uu reebey faarax waxa aay fariisin ku yeelatay nadar oo is waydiinaysa side wax ujiraan sow faarax ma ahayn ninkii shalay cidlada kaaga dhaqaaqay hadan maxu ku keeney hadalkaan dulucda leh iyo erayo kale oo mirnayey maankeeda, waxaa meel fog u bikaacay hilaac muujinayey inuu wali wanaag danbeeyo dhabu ka duwan tahay sida aay u fasiratay, sidaas oo aay tahay nadar kama fakarin waqti gaar ahna ma siin fariintii faarax ee waxa aay ku keedisey qayb ka mid ah teleefoonkeed ka dibna iska raacatay danaheeda iyo diiwaan galinta hamigeedii ku wajahnaa aar gudashada.

Waa qaladkii labaad oo aay ka gashay saaxiibteed waayo uma aaysan bandhigin waxa soo kordhay laga yaabee in haatan aay saaxiibteed siin laheed talo ka wanagsan kuwii hore, balse nadar uma aaysan baahanin oo haatan waxa aay joogtaa isku filnaasho.

Laakin fakar taas ka duwan waxaa qabay qalbiga nadar oo had iyo jeer milicsada fariin qoraaleedkii doonaya inuu aqriyo marar badan isla markaana aan ka daalayn mararka qaar waxuu dareema qashuuc iyo inuu jiro culeys, balse waxaa ka biyo diido nadar oo galiso mashquul kale iyo ha u muhanin faarax ee la fiidso nolosha cusub.

Ka duwan jawigu kii hore, qalbi wax jecel iyo qof doonaya aar gudasho, waxaa sii hareera joogo adeer handaday wiilkiisii iyo jaceyl aan gurin oo wali goobaya qofkiisii.

Dadku waa kala maan manta ee maxaa bari xigi doonaa waa su,aasheena isbuuca.?

Intaa aan dib u kulmi doonana waa saaxiib ‘WaaSuge’ oo idin leh dhadhanka iyo dhabta sheekada haatan ayaa dhaxda looga dhacaye aqristoow haka hurdin adigana.

Sheekadaan Xuquuqdeeda Waxey U Dhowrsantahay Kobciye.com iyo Abwaan Waasuge

Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed’

[email protected]

SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA