JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Daawo 3-Jir Muddo 11 Cisho Ah Kaymaha Siberia Kula Nooleyd Yeey Dad Qaad Ah Oo Nolol Lagu Soo Helay.


Kooxaha gurmadka madaniga ah ee dalka Ruushka ayaa 11-cisho ka dib soo badbaadiyay gabadh yar oo sadex jir ah, oo ku luntay kaymaha Siberia ee dalka Ruushka, taas oo muddada ay anbadka ahayd la noolayd yey-da dad qaadka ah ee mandiqadaas ku nool.

Gabadhan yar oo lagu magacaabo, Karina Chikitova, waxa ay ku luntay kaymaha Jamhuuriyada Sakha ama Yakutia loo yaqaano, kuwaas oo wakhtiga xagaaga ee dhulku kululaado caws faro badani ka baxo, isla markaana ah kuwo markooda hore aad u cufan oo jiq ah.

Waxa mucjiso noqotay in markii la geeyay cusbitaalka la ogaaday in gabadhaas yar caafimaadkeedu aad u wanaagsan yahay, sida wararku sheegayaan, waxa ay gabadhn yari muddada 11-ka cisho ah ee ay lunsanayd,

ku noolayd midhaha qadhaabka ah ee kayntaasi hodanka ku tahay, waxaanay biyaha ka cabi jirtay, dur duro dhex mara kaynta.

Waalidkeed ayaa lagu wargeliyay in cusbitaalka ay ku sii jiri doonto, muddo afar iyo labaatan saacadood ah si loo hubiyo dhamaan qaybaha jidhkeeda oo dhami inay sidii Rabaaniga ahayd u wada shaqaynayaan, kana wada bad qabaan xanuunada saf mareenka ah ee xayawaanada iyo kaymaha barafleyda ah laga qaado.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA