JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Ma Garaneysaa Furaha Horumarkaaga, Akhriso Shan Qodob Oo Kuu Sahlayo Inaad Nolosha Guul Ka Gaarto..


Hankaaga Waa Furaha Horumarkaaga!.

Qof waliba oo dunida ku nool wuxuu  jecel yahay inuu gaaro guul  ama horumar ay dadku sheegi karaan oo muuqata  oo uu xaqiijiyo hafadkiisa iyo u jeedooyinkiisa balse si aan hadafkeena u hiiksano oo aan taas u gaarno waxa ay inooga baahan tahay in aan la imaano wadadii  saxda ahayd ee an u mari laheyn ka dhabeynta himilada iyo hanaqaltaaga dheer.

Waxa xaqiiq la hubo ah in qof walba inta uu ku hamiyo uu la ekyahay horumarkiisu, Waxaa hore soomaalidu u tiri  “balan habeen kac arooryo ayuu leeyahay” oo ah in qofku qorshaystaa habeenkii waxa uu maalintii qabanaayo,waa inaad yeelataa qorshe,hadaf iyo fulin.

Haddaba waa kee qofka hamiga dheer leh oo marwalba u hanqaltaaga meelo dhaadheer sidii uu ku gaadhi lahaa horumar?Bal qiimee inta uu la egyahay hankaagu?

Mar haddii aad tahay qof hiigsanaaya meel sare oo ay kuu cadahay waxa aad ku taameyso,waxaa lagaaga baahanyahay :

1. Inaad Naftaada ku kalsoontahay sii fiicana u taqaano,oo aad garaneyso waxa ay ku wanaagsantahay qabashadiisa iyo wax yaabaha aysan ku fiicneyn,si aadan ugu qaldoomin  oo aad toos ugu abaarto meesha ay ka soo bixi karto.

2. Dareen xoogan iyo jaceyl horumareed,Inuu qofku leeyahay dareen xoogan oo uu u qabo horumarka ,dareensanyahayna iney wax ka maqanyihiin,oo uu yahay qof u taagan gaadhista waxa ka maqan so qabashadooda,una maraa meel walba oo ay la gasho,oo aad leedahay dareen garasho ,sida meesha ugu dhow ee ay kaa jirto guusha horumarka kadibna aad raadiso wixii kuu suurta galin lahaa iyo sidaad uga midho dhalin lahayd.

3. Inuu qofku leeyahay Dhiiranaansho,inaadan waxba ka baqin ,sida inaad guuldareysato,aadna niyada ka saarta cabsida, tahayna qof aaminsan qadarta,marwalbana u taagan sidii uu waxa uu hiigsanaayo u meel marina lahaa,muujiyana xiiso balaadhan  inuu u haayo,oo leh heybad aad ku soo jiidan karto dadka ,noqdana mid karti badan oo aan ka daalin.

4. Jidka ama waddada, Inuu qofka leeyahay karti uu ku kala dooran karo  jidkii uu u mari lahaa horumarkiisa. Waxa jirta in uu qofku mararka qaar uu ku qasban yahay in uu kala doorto laba jid. Sida asaga oo kala doorta in uu waqtigiisa uga faa’iidaysto  wax barasho, ama inuu waqtigiisa ku dhameysto fadhi ku dirir iyo sheeko aan macno lahayn.taasina waxaa keenaya qofka oo aan lahayn han sare,hiigsaeynina meel sare(waligaa hiigso meel sare).

5. Inaad la saaxiibto dadka kaa aqoonta badan kaa hilimada sareeya,si aad ugu dayato,oo aad ooga kororsato wixii ay ku dheeryihin oo waayo aragnimo ah,iyo aqoonba kana tusaalo qaadato,markasta oo aad la nooshahay ama wax lawaadgto dad hami sare hadaf leh waxaa dhab ah inaad adina noqoneyso iyaga oo kale, balse markasta oo aad la saaxiibto dadka aan fikirin,hami lahayn,dareensaneyn inuu wax ka dhimanyahay iska nool,iska socoda,waxaan caad saarneyn inaad tabtaas oo kale aad noqoneyso,waa inaad noqotaa sida qof tartan ku jira oo kale,ka dheeraataa dadka aan kor u socon ee gadaal u socodka ah,lana xiriirtaa dadka horumarka gaadhay.

Guntii iyo gabagabadii ,waxaan dhihi lahaa,waa inaad naftaada ku cadaadisaasidii ay horay ugu gu socon laheyd mar kasta iyo si kastaba , haka shakinin ,hana ka daalin ,oo haka baqin hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku cel celintiisa,inaad dhahdo waxaas iyo waxaas ayaan jeclahay inaan gaadho, naftaadana ha mahdinin , hubsana  inaadan wali gaarin  meeshii ugu sareysay ugu qiimaha badanayd ama aad hiigsaneysay, mar kasta sii raadi meesha aad joogto meel ka sii sareysa,qofka hanka dheer leh ama xittaa ay ku jirto hilmadu waa kan is miisaama naftiisa meesha ay joogto kana warhaaya meesha ay mareyso,oo fikir wanaagsan iyo dadaal is bada joog ah wada isagoo Rabbi talo saaranaaya.

Ceeb ma aha aqoon la’aantu,laakiinse waxaa ceeb ah inaad gacmaha laabato,oo aadan lahayn qorshe iyo hadaftoona,waxbana aadan isku dayin,Ahow marwalba qof hirraal fog leh.

Wixii sax ah oon qorayna waa mid xagga EEBE ka yimid, wixii khaladna waa mid nafsadayda ka timid waxaana rajaynayaa in dhamaan laga wada faa’idaysan doono inshaAllah.

Wabbillahi Tawfiiq.

Qore: Canab Maxamud Sharif
Taariikh:  August 16 ,2014 –  12, 10,1435
Email: hayin56@hotmail.com

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA