JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Qeybtii Labaad Sheeko Jaceyl Oo aad U xiiso Badan “Jaceylkii Qaxootiga ayaa Qaabkaan Ii Galay”..


Axmed Wuxuu maalintii labaad uu diyaar-garoobay Xilli hore, isagoo biyahiina soo dhaansaday, waxaase labadii maalmood ee uu Axmed Biyaha uu soo aroorayay la dhacay Ismahaan uu dooqeedu durbaba ka helay, dhowr jeer oo ay damacday in ay la hadashana waxaa carabka qabtay xishoodkii gabarnimo, iyadoo talameysana Axmed ayaa kasoo dhaqaaqay Tubadii oo muraadkiisii soo dhameystay.

Kusoo dhawaada Q:-2aad Ee sheekada.

Ismahaan ayaa waxaa kusoo kordhay Dareenka Qalbigeeda ku abuurmay, waxeyna kolkii ay ka huleeshay Qasabaddii biyaha oo ay hooygooda gaartay ku dhashay fikir iyo sidii ay ku maareyn laheyd arintan soo food saartay.

Galabtii ilaa iyo fiidkii oo dhan marnaba qalbiga Ismahaan kama faaruqin wiilkan sida fudud ay uga heshay , oo waxey isweydiisay qaabka ugu yaraan u ogaan laheyd dabeecadaha Axmed maadaama ay Naxariis, edeb ,joog iyo jamaalba rabbi isku siiyay Xaafaddoodna uu ku cusubyahay oo aney garaney wax intaa dhaafsiisan, habeenkii oo dhanna ma ladin oo waxaa ka hor muuqanayay humowga Axmed.

Wuxuu xaalka Ismahaan sidaasi ahaadaba Xilli dambe oo habeenkii ah ayey iska gama’day, iyadoo iska fikirsan, sidoo kalena aana aqoon halkii ay arin ka bilaabi laheyd.

Waagii cadaadaba waa mid casharadiisa watee , Ismahaan waxey go’aansatay in ay biyaha reerka kaligeed u aroorto, si ay ugu yaraan usoo aragto muuqa wiilkan maankeeda sida fudud u raacay, islamarkaana ay baadi-goobto jidkii ay ku baran laheyd Axmed maadaama Isbadal ay ku aragtay Saacada kooban Ismahaan Nolosheeda, waxeyna Duhurnimadiiba Aruursatay Caagadihii biyaha waxeyna xilli hore iska xaadirisay Tubadii.

Dhanka kale Axmed si lamid ah sidii shalay ayuu isugu diyaariyay biyo dhaamiska , wuxuuna yimid tubadii oo ay Ismahaan oo kaliya joogto, Caagadahii ayuu dhigtay safka oo waxa uu ahaa Qofka Labaad , halka Ismahaan-na ayaa aheyd Qofka koowaad.

Intii uu Axmed Caagadaha Dhiganayay safka Waxaa isha la raacayay Ismahaan oo marna Maanka ku qaboojisaneysay, marna Uurka ka halcaneysay maadaama Qalbigeeda lagu qadbay jamashada Inankaan, hayeeshee maalintaasi fursad iskuma helin oo waxaa durbaba soo gaaray tubada dhowr qofood oo iyana biya aroor u socday.

Waqti yar kadib waxaa soo dhacay Biyahii , Ismahaan oo aheyd Qofka ugu horeeya ayaa bilowday in ay biyaha dhaamiso , hayeeshee Caagadahii Axmed ayeey ka dhigtay kuwii ugu horeeyay, halka ay ku xigsatay Iyada oo noqotay Qofka Labaad.

Axmed ayaa aad ula dhacay Isxaanka ay gabadhan yar u sameysay , isagoo faraxsan ayuu soo qaatay Biyahii wuxuuna usoo mahad celiyay gabadhan Soo caawisay, durbana uu hooygiisii kusoo laabtay isaga oo biyahiisii wata.

Ismahaan maalintaasi waxey sameysay ismuujin sababi karta soo jiidasho dareen galin ah, laakiin meesha oo aheyd meel buuq badan uma suura gali karin in ay Axmed kula hadasho, waayo wadciga jiray ayaa diidayay, maadaama tubada dad badani tubnaayeen.

Axmed ma dareensana waxa biyaha loogu dhaamiyay, oo isxaan fal qof soomaaliya u gashay ugama duwaneyn, Ismahaan-na waxaa gubaya gantaalaha caashaqa ee uurkeeda danqaya, iyo dhimbilaha jaceylka ugubka ah ee dhuuxa iyo lafaha shiilaya.

Markii ay kusoo laabatay gurigeeda Xiisihii shalay iyo doraad mid ka dhumuc iyo xajmi weyn ayaa lagu digsiiyay , waxaana la saaray wahab iyo walaac, daal xubnaha ah ayaa ku dhacay , qandho xanuunkeeda qaab loo raacana uusan jirin baa lagu soo tuuray, xaalkeeda wuu ka badin waayay inta ay laba xabo oo kiniiniya cuntay isdul geysay firaashka , oo inta is dabooshay horay u huruday.

Xilli maqribka laga gudbay oo cishahana la gaarin ayeey hurdadii kasoo booday, inta ay aayar soo hadaaftay iyadoo sidii qof xanuun ku raagay loodeysa cagaha soo jiid-jiiday waxey usoo baxday banaanka , inta ay caag dibadda guriga yiil wajiga isaga meyrtay ayeey bilowday in ay cadaysato, kadibna waxey gashay qol yar oo reerkoodu TV-ga ku daawadaan, inta halkii iska fadhiisatay ayeey daawasho dhankeeda ka gashay, indhaha uunbaa dhalada jiree qalbigeeda waxaa ku shidan hur , oo waxaa lagu qodbay uu ka fikirayaa Axmed.

Muddo yar kadib waxey usoo baxday banaanka, oo waxa ay soo aaday reer dariskooda ah oo ay joogtay gabar ay saaxiibo yihiin bal si ay ugu sir waranto, talana ay uga soo hesho.

Markii ay soo gashay reerka ay jiiraanka ahaayeen, waxey weydiisay wiil yar oo iridda taagnaa in ay joogto Saamiya iyo In kale, waxa uuna u sheegay in ay dhalada fiirsaneyso oo ay kaligeed qolka ku jirto…………..

LASOCO Q:- 3AAD EE SHEEKADA INSHA ALLAH

QALINKII:- CABDICASIIS AXMED BARROW


Warning: mysql_fetch_array() expects parameter 1 to be resource, boolean given in /home/kobciye/public_html/wp-content/themes/KaLaFogeTemp/single.php on line 440

Warning: implode(): Invalid arguments passed in /home/kobciye/public_html/wp-content/themes/KaLaFogeTemp/single.php on line 444

Update



Warning: mysql_fetch_array() expects parameter 1 to be resource, boolean given in /home/kobciye/public_html/wp-content/themes/KaLaFogeTemp/single.php on line 459

SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA
ADVERTISEMENT