JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Qeybtii Lixdan Iyo Sadaxaad “63” Jaceylkii Aan Macquul Galka Aheyn Iyo Mucjisadii Dahsooneyd..!! “Sheeko Xiiso Badan”.


Billoowga Qeybtii Lixdan Sadaxaad.

Yoonis aabihii baa ku adkeystay iney joogaan, yoonis hadalkaasi wuu ka daadagi waayay oo waxey la noqotay mid uusan marnaba ka filaneyn inuu aabihiis ka maqlo, yoonis oo amakaagsan ayaa inta aabihiis eegay ku yiri aabo adiga makaa dhab baa ama waad igu kaftameysaa, aabihii ayaa ku jawaab celiyay aabo waa iga dhab hawada wadankaan ayaa iiroon ii ogoloow inaan labo bil oo dheeri ah si joogno adoo wax walbo dartey u sameynayo.

Yoonis wuxuu ahaa wiil waalidkiisa baari u ah oo aad u jeceyl wuuna ka aqbalay arinkaasi, maama deeqo oo halkaasi goob jog ka aheyd ayaa iyaduna ku faraxday hadalka yoonis aabihii kasoo yeeray halkii ayaana lagu kala tagay laguna balamay in la joogo.

Yoonis oo dareemayay inuu qof aamin ah u arko ubax oo keliya lagana dareemayo inuu saaxiib ka dhiganayo ayaa ubax u yeeray kuna yiri abayo mcn ticket-kii aan soo jaranay waa inaa joojinaa sidaa awgeed ina keen aan aadno xaafadii islii si aan ticket-ska iskaga joojino maadaama aabahey sidaa ku faraxsanyahay.

Ubax oo jecleyd in yoonis iyo aay baxaan maadaama aay ka baqeysay in dhibaato kale soo wajahdo ayaa tiri haye aboowe na keen haduu aabo ku faraxsan yahay aan ticket-ka iska soo joojineee.

Ubax iyo yoonis waxey baabuur u raaceen xaafada soomaalida ku badan tahay ee Kenya halkaasoo aay kasoo jarteen ticket-kii waxeyna u aaadeen in aay soo joojiyaan ticketka.

Dhanka kale maama deeqo oo aad u faraxsan ayaa waxey soo abaartay qolkii uu ku jiray yoonis aabihii markey  u tagtay ayey aad ugu mahadcelisay joogitaanka aay joogeen aabahana waa mid wax walbo ka dharagsan iney damacsan tahay yoonis.

Durbadiiba yoonis aabihii ayaa ku yiri deeqo waxbo ha ii mahad celin joogitaanka aan joogay wuxuu la macno yahay, in aan doonayo in aan adiga wax badan kula qabto, ee waxaa is weydiin mudan hadii aan wax kula qabanayo shuruudeyda maka bixi doontaaa.

Maama deeqo oo diyaar u ah shuruud kasto oo aay ka maqasho yoonis aabihii ayaa tiri haa wax walbo wan kula qabanayaa.

Yoonis aabihii aya ayiri hadii aad dooneysid wiilkeyga hal mid ayaad ugu guuleysan kartaa oo aan kula garab galayaa, waxaan doonayaa in marka hore aan aniga adiga ku guursado kadibna markii aan sadax bil ku qabo aan wadankaan oo idil iskaga baxo, markii aan wadankaan ka baxo anoo maqana geerideyda oo been la idiin soo sheego kadibna aad adigu sidaa ku noqoto qof madax banaan, anigana ka hor intaan iska dhigin qof dhintay waan ku furayaa waxaana qorayaa warqad dardaaran ah oo aan leeyahay yoonis hadii aan aabahaa ahay maama deeqo guurso ducadeyda ayana kugu ogahay.

Hadhoow warqadaas dardaaranka ah ayaad ku heleysaa yoonis hadaba diyaar ma u tahay arinkaas, maama deeqo oo aan wax hubsan oo diyaar u ah waxwalbo oo aay ku heli karto yoonis ayaa tiri haa diyaar baan u ahay lakin shuruud warqada dardaaranka isla hada iiqor anigana isla hada ayaan wacayaa sheekhii neysku keyn mehrin lahaa galabta ayuuna imaanayaa sheekha.

Yoonis aabihii halkii ayuu waraaqdii ku qoray ayadana aay u wacday sheekhii labadooda isku mehrin lahaa halkii ayaana balan iyo go’aan lagu kala qaatay.

Galabkii markii la gaaray ayaa sheekhii guriga yimid, yaasmiin iyo axmed oo joogayna loo wacay iyo labo marqaati oo kale sheekhiina halkii ayuu howshii meherka ka bilaabay, howshii meherka oo socdo ayaa albaabka waxaa kasoo galay yoonis iyo ubax oo kasoo noqday xaafadii islii durbo waxey indhaha ku dhufteen wax aaysan aamini Karin oo guriga dhexdiisa ka socdo……………………..

La Soco Isbuuca Xigo Iyo Qeybaha Danbe Ee Sheekada..

Xuquuqda Sheekada Weey Dhowrsantahay Kobciye.com Ayey Gaar U Tahay.

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA