JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Shirkadda ugu Caansan Adduunka Xagga Cuntada oo Hillib ay Qashay Laga Helay Jiidh Bani’aadam.


Shirkadda McDonald oo ka mid ah shirkadaha ugu caansan xagga soo saarista cuntada, ayaa hilib ay qashay laga dhex helay mid bani’aadam, kadib markii nin baadhay uu ku dooday in hillibka shirkaddaasi qasho lagu dhex qariyo waxyaabo kale oo hillib bani’aadam ka mid yahay.

Shirkaddan waxa hore loogu eedeeyey in ay hillibkay qasho ku darto dirxi, halka baadhayaal madaxbannaan oo loo dirayna xaqiijiyeen in laga helay hilibka fardaha oo ay ku dartay hillib ay qashay waaxda shirkaddaas oo ku taal magaalada Okhlahoma ee dalka Maraykanka.

Sidoo kale, baadhayaashu waxay sheegeen in baabuur hillibka shirkaddu ku dhoofiso laga dhex helay hilib dad, gaar ahaan hilibka lagu daro cuntooyinka fudud.

“Arrintaas kuma koobna hillib dad oo kaliya, waxa laga helay maydad dhammaan shirkado badan oo Maraykanka laga leeyahay, waana mid dhab ah oo argagaxeeda leh.” Sidaa waxa yidhi sarkaal FBI-da ka tirsan oo la yidhaa Llondy Harrison oo la hadlayey weriyayaasha wargeyska Huzler.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA