JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
Advertisements
muqal1

Qeybtii Labaad 130 Dariiqo Oo Carruurta Lagu Barbaariyo Si Aay Ugu Koraan Diin Iyo Kalgaceyl Buuxo..

Published: January 12, 2015, 9:24 am | Updated: January 12, 2015 9:24 am

Isku day inaad carruurtaada kula dhaqanto qodobadaan lagama maarmaanka ah ee ku xusan dhanka hoose

21. Markasta oo ilmahaagu korodhsado xifdiga u sii abaal gud wax ka farxiya.

22. Ilmahaaga saacad kasta ha ku khasbin inuu wax xafido waayo wuu daalayaa oo karhayaa xifdiga.

23. Ogow caruurtaadu adigay kugu dayan hadaad cibaadada fududaysato iyaguna way fududaysan.

24. Ilmahaaga ku dhiiri geli sadaqada marmarka qaar bixi sadaqada iyagoo ku arkaya.

25. U dhiib caruurtaada sadaqada si ay iyagu u bixiyaan si ay marka ay waynaadaan u bixiyaan.

26. Hadaad rabto in ilmahaagu kuu sheego runta mar kasta ha baqdin gelin daa ha kuu sheego wuxuu ogyahay.

27. Runta sheeg adigu si ilmahaaguna u sheego runta beentana ka fogow si uu ilmuhuna uga fogaado.

28. Mar mar u sharax fadliga ay leedahay runtu iyo daacadnimadu.

29. Imtixaan ka qaad ilmahaaga amaanadiisa adigoon dareensiin bal eeg inuu amaanada ilaashado.

30. Ilmahaaga bar sabirka iyo dulqaadka sida soonta iyo inuu u dulqaato cidii ka gardaran.

31. Cadaalad u same caruurtaada dhexdeeda oo qaarna wax ha siin qaarna ha qadin.

32. Ilmahaaga bar inuu sameeyo inuu bixiyo wax isaguba ubaahan yahay , waa calaamadaha wanaagsan ugana sheekee qisaska iisaarka dadkii wanaagsanaa,

33. Marka uu sameeyo ilmahaagu wax fiican ku amaan una abaal gud, una sheeg wixii wanaagsan ee uu sameeyo in ilaahay si fiican uga abaal marin doono.

34. Ilmahaaga ha ku ad adkaan taasi waxay kelifaysaa inuu kuu sheego been dareemana fulaynimo iyo baqdin uu kaa qaado.

35. Jeclaysii ilmahaaga sifaadka kibir la’aanta tawaduca , debecsanaanta iyo faraxsanaanta.

36. Ka dhaadhici ilmahaaga in taqwadu tahay waxa lagu kala sareeyo, maaha waxa lagu kala sareeyaa maalka, qabiilka, iyo quruxda.

37. Ogaysii ilmahaaga in dulmiga uu xun yahay,kibirkuna uu haligo cidii samaysa, khiyaanaduna qofka halikto.

38. Bar ilmahaaga faraqa u dhexeeya taqwada iyo caasinimada iyo dulmiga iyo cadaalada iyo khayrka iyo sharka, geesinimada iyo fulaynimada, xishoodka iyo khajilaada.

39. Ku tababar ilmahaaga sikhinimada iyo deeqsinimada bar inuu bixiyo wixii uu hayo wax ka mida ama cilmi ha ahaato ama maal ha ahaatee.

40. Weligaa balan haka bixin , khaasatan balanka aad la gasho ilmahaaga, taasi waxay baraysaa ilmahaaga inuu ilaashado balanka aadna ugu adkaada balamaha.

RIIX HALKAAN OO SII AKHRISO WARARKII UGU DANBEEYAY IYO WAXYAABO KU CAJAB GELIYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>