JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Maxaad Ka Taqaanaa Kaalinta Dumarka Dhanka Bulshada Iyo Waxqabadyo Aan Loo Ogeyn Oo Aay Qabtaan.


Kaalinta Dumarka ee Horumarka Bulshada

Ugu horayntii, Ilaah ayaa mahad iska leh, Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato (NNKH).

Intaas ka dib, Ilaahay ummadiisa marka uu abuurayay wuxuu ka kala dhigay rag iyo dumar, labaduna wuxuu ilaah saaray xil aad u wayn, waxeyna qeyb walbana leedahay karti u gaar ah oo an kuwa kale lahayn.

Tusaale ahaan, hooyadu karti waxay u leedahay ilmaha yar iney dhabta ku heyso oo ay u samirto koritaankiisa, ragguse taas awood umalaha.

Laakin dhanka kale, raggu waxay awood u leeyihin iney dhagaxyo iyo howlo ad-adag jabiyaan taasna dumarku awood uma laha.  Alle caabuditaankiisana waaloo wada simanyahay iyo iney koon kaan  aynu joognana wada camiraanna loomana kala soocin.

Waxaan shaki ku jirin, oo laga maarmaan ah, in la ogaadaan ay tahay, in dumarka soomaaliyed door muhim ah ku leeyihiin horumarka bulshada, dhan walbaba ha ahaatee.

Iyadoo inta badan la tilmaamo uun kaalinta raga, dumarku kaalin muhiim ah ayey ku leeyihin  horamarka. Tusaale ahaan, dalkeenu markuu burburay dumarku korintii ilmaha iyo masaariftii reerka inta badan iyaga ayey ku so fakatay oo dusha ka saarnayd walina ay ka saarantahay. Meesha rag badani ay gabeen kaalintii reerka kaga aadanayd.

Hadaba ilbaxnimadan aduunku gaadhay iyo kaalinta weyn ee laga gaadhay aqoonta waxay keentay in la fahmo kartida iyo kaalinta muga weyn ee ay  haweenku ku leeyihiin horumarka bulshada waxaana ogsoonahay marmar badan aqoonta inay ragga kagaba horeeyaan dumarku ama kaga fiicanyihin, sida la tijaabiyay dhanka luqadaha iyo xifdigaba.

Hadaba dumarka Somaliyeed waxaa looga baahanyahay iney qaataan kaalinta ay leeyihin dhankastaba ha ahaatee, oo eynan marnaba dib isu dhigin. Waa iney ka qeyb qaatan siyaasada, waxbarashada, fidinta dacwada islaamka, waxsoosaarka dalka, dhisida akhlaaqda wanaagsan, iyo la dagaalanka qabyaaladda oo manta halkaa ina dhigtay. Waayo raggii dhulka lahaa aya kala dhammaan waayey. Sidaas darteed dhulku waa dhaxal ee dumaroow maxad sugeysaan.

Haddaba markaan sidaas uga so sheekeyney kaalintooda waxaa kuu muuqanaaya dumarku iney yihiin laf dhabarta ummadda soomaaliyeed. Taasoo aad ka arkeyso dhibkasta oo dhaca ineysan ka qeyb qaadanin, waxna ayeyna duminin bal wax bey dhisaan oo ilaahey ba ku abuuray naxariis iyo nabad jaceyl. Ninkastoo wanaagsan o karti leh hooyo fiican ayaa ka dambeysa oo soo barbaarisay, hadaba raggoow dumarkan kuwii hore ma aha ee waa kuwa wax yaqaana, dalkoodana iney u hal gamaan o difaacaan diyaar u ah.

Bal hadaba ila fiiriya oo akhriya o dhuuxa gabeygaan oo uu tiriyey Cabdiqadir Hassan

Dumarkeenu waa dahab cas iyo        :::         nuurka daalacaye

Dun xariira weeyoon lahayn               :::         ceebo daahiraye

Waa deeq ilaahay baxshoo                 :::         noogu daw galaye

Dafiraad mafiicnee habluhu               :::         waa dugsoo kala eh

Daruur curatay roob meel ku da’ay   :::         doogu hanaqaaday

Ayagaa sidii dooxa wabi                     :::         lagu dalxiisaaye

Ayagaa tusmada ay dagaan               :::         lagu dambeeyaaye

Ayagaa isku soo duma xigtada           :::         kala dayowdaaye

Ayagaan colaad laysku dilo                :::         qaadan dabajeexe

Ayagaan dagaalada ahliga                 :::         doorba ku lahayne

Doqonkaan wax garan iyo nin raga    :::         oo lawada doortay

Dambiilaha xumaatada faliyo                        :::         sheekh xafiday diinta

Geesiga arlada daafaciyo                   :::         fulaha oon doodin

Ayagaa dushoodana ku siday              :::         daadah soo yiriye

War daryeela oo yaan hablaha                   :::            dacati loo gaysan

Guntii iyo gunaanadkii, sida ay ragguba fiicnaan iyo xumaan uwada leeyihiin ayay sidoo kale dumarkuna isugu jiraan. Hadaba maqaalkaan wuxuu lahadlayaa dumarka Soomaaliyeed ee wanaaga xanbaarsan oo raba in diintooda iyo dalkoodaba wax ka hagranin.

Sidaas darteed, waxaan usoo jeedinayaa walaalahayga dumarka Soomaaliyeed in kaalintooda ay si qadarin iyo qiimayn ku jirto oo hufan ay ugutaan iyadoo aan ragga Soomaaliyeed oo waalidka, walaalka, ama wiilka u ah dumarka Soomaaliyeed inay garabkooda istaagaan oo u qadariyaan dadaalka wayn ay sameenayaan.

Mahadsanidiin

Qore: Canab Maxamud Sharif

Taariikh: October 13, 2013 – Dhul Qa’dah 8, 1434

Email: hayin56@hotmail.com

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA