JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Shaley Weey Dhimatay, Maanta Waa Xaadir, Berri Lama Dhalin Weli Ee .. “Barnaamijkii Xiisaha Badnaa Kobci Maskaxdaada”


Waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha badnaa ee aad nooga barateen ee KOBCI MASKAXDAADA waa barnaamij aan ugu talo galnay inaan sara ugu qaadno maskaxda dhalinta ku xrian shabakada kobciyemedia.com.

Hadaba maanta ka faaideyso xikmadahaan qaaliga ah ee aanu kuusoo xulnay adigoo jumlo walbaa si fudud ugu faaideysanayo waxaana usoo qornay si fudud si qofkastaaaba uu u fahmi karo haduu EEBE idmo..

Dadku waa saddax:
qaar waa sida quud oo kale waa laga maarmaan marwalba, qaar waa sida daawo oo kale marka jirada jirto un baa loo baahanyahay, qaarna waa sida cudur oo kale marwalba looma baahno, isku day in aad quud unoqato dadka kale adigoo umarayo akhlaaqdaada, aqoontaada, xishootkaaga, fakarkaaga iyo hamigaaga wanaagsan.

Awoodaada qofnimo waxa ey raaceysaa awooda fakarkaa-ga ee ku fakar in aad hormariso qofnimadaada iyo wadan-kaaga , kadib wey ku dayan doonaan dad-ka hareerahaaga jooga.

daraja-da qof-ka halka ee rabto ha gaartee xaq uma laha qof ka in uu noqdo ruux isla weyn, hantida faraha-badan ee qof ka intee rabto hanoqotee xaq uma laha in uu dadka kale gumeysto, sikasta qof ka caan ha u noqdee xaq uma laha in uu yaso dad ka kale.

Muhiim ma aha waxa dhacay, waxaa ka muhiimsan wada aad ku fiirineyso/eegeyso waxa dhacay.

Dunida waa muraayada nafta, marka aan jeclaano nafaftayada ayaan araknaa dunida oo qurux ah.

Qof walba wuxuu leeyahay awoodo u gaar ah ee ma kaga faaideysataa awoodahaa hormarinta Diintaada iyo wadankaaga.??!!

Guul xanuun la’aan ah ma jirto ee sabar ilaa aad ka gaarto ujeedka.

Shaley weey dhimatay, maanta waa xaadir, berri lama dhalin weli, ee kaga faaideyso daqiiqadahaaga haatan jooga cibaado, waxbarasho, iyo wanaag.

Maanta intaa ayaan kusoo koobeynaa intaan isbuuca xigo dib ugu kulmi doono barnaamijkaan xiisaha badan waa bahda kobciye oo idiin leh nabaadiino..

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Hal Jawaab : Shaley Weey Dhimatay, Maanta Waa Xaadir, Berri Lama Dhalin Weli Ee .. “Barnaamijkii Xiisaha Badnaa Kobci Maskaxdaada”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA