JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.

Muxuu La Kulmay Maalintuu Nabi Suleymaan CS Aaday Aroos Qaraabada Ah..


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nabi Suleeymaan CS, aaday Aroos Qaraabada ah, si uu u soo Booqdo isagoo jidka sii socda ayaa waxa ka Horyimid Malakul Mowt, wuxuuna weydiiyey Halka uu u socdo, Nabi Sulaymaan CS, wuxuu jawaabay waxaan u socdaa Aroos Qaraabada ah. Markaas ayuu Malagii yiri:- Ma waxaad u socotaa Arooska aan Nafta ka soo jaraayo ?.

Nabi Sulaymaan CS, wuxuu Qalbiga iska yiri:- Ma meel laga Faraxasanaa oo Murugo isku Beddeleysa ayaad aadeysaa?.
Durbadiiba wuxuu Go’aansaday inuu isaga laabto Gurigiisa, wuuna ku laabtay.

Subaxdii markuu Waagu Baryey ayuu Reerkii Booqday Nabi Sulaymaan CS, wuxuuna la kulmay Aabaha Wiilka Arooska ah, wuxuuna Aabihii weydiiyay Nabi Sulaymaan sababta uu Xalay u imaan waayey Arooska.

Intuusan ka jawaabin ayaa waxaa u yimid Malakul Mowt, wuxuuna weydiiyay wixii dhacay, wuxuuna Malakul Mowtkii ku jawaabay:- ilaahey SW, ayaa i Amray inaan soo laabto, taasna waxaa Sabab u ahaa in Islaan Maskiin ah oo Reerka Duleedkeeda joogtay uu Wiilka Arooska ah Aabihii uu si Wanaaagsan u Sooryeeyay oo ka Farxiyey, isla markaana ay Islaantii ilaahey uga Bariday in Arooska ilaahey Cimiri Dheer iyo Nabadqab yeelo, taasoo ilaaheyna u Aqbalay Ducadii Islaanta Miskiinta aheyd, Reerkiina ka Badbaadiyay Masiibadii ku soo socotay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW KHEERKA NA WAAFAJI).
W.Q:- Macoow Ustaad.

Update


SHARE-GAREEY QORAALKAAN





()

HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

KUSOO BIIR BOGGEENA FACEBOOKA