Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada
Qeybtii Affaraad Sheeko Xiiso Badan Qalbi Jaceyl Galay Maquustaa??!!!
Sidaan horayba idiinkaga balan qaadnay ayaa aheyd in shabakada kobciye.com aay dib kuu xasuusin doonto sheekooyinkii jaceylka ahaa ee somalia lagu daabici jiray waayihii dhawaa ee anu soo gudubnay.
Halkaan Riix Oo Akhriso Qeybtii Koowaad Ee Sheekada.
Halkaan Riix Oo Akhriso Qeybtii labaad Ee Sheekada.
Halkaan Riix Oo Akhriso Qeybtii Sadaxaad Ee Sheekada.
Maantana waa Qeybtii Affaraad QALBI JACEEYL GALAY MA QUUSTAA?!!!.
Waxaan ku noolaa middo aad u badan KM4 oo ah meesha ay ugu badanyihiin dhallinyarada koolada dhuuqdo oo ku nool dhibaato aad u weeyn, wax hooy ah ma heeystaan, waxdaryeel ah ma heeystaan, waxaan daris noqonay Eyaha, Bisadaha, dhaxanta, roobabka mahiigaanka ah xilliga iska socda. Waxaan iskaga dhex jirnay dhibaatooyin aad u badan oo ay inoogu darneeyd dhallinyarada kale oo ika keeyn dileeysa marki ay indhaha nasaaraan.waxaa ka sii weeyn dhaqan xumada aan baranay sida: xatooyada, khiyaanada, fal-falxumada ay sameeynayaan dhallinyarada qaarkood.
Magaalada muqdishu waxeey aheeyd meel aad u dhib badan in lagu nolaado meelahaas oo kale Amni darrida jirta daraadeed dagaalada dusheena ayay ku biloowdaan hadana waa nagu dul dhamaadaan.maalinkastaa mid ayaa naga dhinta wax daryeel ah ma heeysan. Sxbkeey Xassan hooyadiis ayaa maqashay arrinka iyadoo logu sheekeeyn jiray ninki qaraabadiisi ayaa wadatay ayay igula kulantay anigoo dhaawacmay oo ay igu dul dheelayaan ciyaalki kale halki ayay iga qaaday waxaan soo maray markale cisbitaal waxaan galay cisbitaalki aan markii hore leey geeyay, dhaqaatiirtii iyo shaqaalihii cisbitaalka ayaa i aqoonsaday dabadeedna ila yaabay xaalka aan kusuganahay iyo maqaamki aan bulshada kaga jiray, daryeel iyo daweeyn fiican ayaa leey sameeyay waxaan lakulmay dad naxariis badan oo aad ii garanaya marki aan soo naaxay oo drugski jirkeeyga ka baxay ayaan waxaan aqoonsada maamadii dhashay sxbkeey iyo dhaqtarkii idaaweeynayay oo ahaa kii marki hore leey keenay.
Dadaal aad u badan ayay sameeyeen halki ayaan in muddo ah ku jiray oo aan jiifya muddo 6 bilood ah kadib waan kabsaday oo lugtii weey ii fiicnaatay, Xanuunkaas marki ay  u adkeysan waysay Xassan Hooyadiis Caasha ayay igu tiri, waan dareemi karaa dhibaatada ku heysata ee meeshaan iskaga haajir iyadoo i siiyay lacag dhan 800 oo dollarka maraykanka ah.Waxan aaday magaaladda Nairobi ee caasimada dalka kenya, waxan ka helay shaqo Dukaan ah, Nasiib wanaag waxaa 3 bilood kadib Nairobi kula kulmay gabar 23 jir ah, magaceedu yahay Haboon, kana timid Sweden, waan is baranay in muddo ah ayaan wada soconay aniga oo naftu isiin weeysantahay oo aan Dumarki oo dhan u maleeyo sida Fatxi in ay u naxariis daranyihiin ayay ii sheegtay in ay iga  heshay, si fiican ayaan isku baranay xaaladaheeyga oo dhan ayaan uga sheekeyay.
Waxeey aheyed gabar shaqsinimo iyo dadnimo intaba leh waxeey wax ka garaneeysay nolosha insaanka iyo wlaiba dhaqanka somaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan.waxeey aheyd gabar aad loo soo tarbiyeeyay malaha aniga daraadeey Afrika loogu soo diray in ay dhibka iga bixiso, waxan galay nolol kale oo farxad leh haba iska yaraato is aaminaaduye hadana waan isfahamnay gabadhii waxeey I bartay dhamaan ehelkeedi iyo asxaabteedi. Aabaheed oo Kampala joogay bay igu tiri la-hadal oo baro waan iskiin baraye arrinkana aniga ayaa u sheegaye oo waan la-hadlay wuuna iga aqbal ayay i dhaday nasiib wanaag baabihi ayaan la hadlay wuxuuna ii sheegay in gabadhiisu ii baahantahay, waan garan waaayay runtii nasiibka aan yeeshay waan farxay hadana waan murugooday oo waxaanba is dhahay ma inti oo kale ayaad hadana soo mari doontaa muxuu xaalku noqon doonaa?, Waa aduunyee wuxuu kaloo ii shegay in ay gabadhu aad u jeceshay wiilasha ku nool dalkooda sida aniga oo kale wuxuuna ii sheegay inuu isiiyay gabadhiisa, arrinkaas ayaan aad ugu farxay oo raja fiican igu beeray.
Marki gabadhii aan nasiibka u yeshay ayaan ka codsaday in aan dalka somaliya dib ugu soo laabto wallow dalku aad u qasnaa hadana waan ku faraxsanaay in aan dib ugu soo laabto waayo wadankeyga ayaa wax waliba iigaga wanaagsanaay gacalisadeeyda cusub ayaa igula talisay in aan iska joogo Kenya balse waxaan halkaan kaga tagay adeerkeey yara madaxa loogaga jiro oo aan aan ehel dhan ka shinsanaa.
Sabti 22 febarayo sanadii 2009 ayaan ka soo degey Aadan cadde Airport ama international airport wax ehel ah oo isoo dhaweeyo maan laheeyn marka lag reebo adeerka xanuunsan, waxaa leeygu qabtay airportka oo leey sheegay in leeyga shakiyay kadibna xabsiga leey dhaadhaciyay wax aan galabsaday malahan waxaan ahay mawaadin, wadinayadda waxaa ii sii dheer waxan ahay wiil dhallinyaro ah oo noloshiisa inta ugu badan ku soo qaatay qas iyo jahawareer jaceeyl hadda oo aan nasiibkeeygi helayna waxaan ahay maxbuus, inta aan xabsiga ku jiray telefonkeeygi waxaa iga qaaday oo hayay ciidamada garoonka oo iskugu jiray kuwa Somali ah iyo kuwa ajaanib ah.
Xiriira fara badan oo ay ila soo smaeeysay gacalisadeeyda nasiib umaan yeelan in aan ka war helo waxaa loo shagayay oo kaliya in aan ahay maxbuus isla markaana leyga shakiyay, kala shakkintu ceeb kameeysan aheeyn soomaliya gaar ahaan koofurta haba ugu darnaato magaala madaxda muqdishu oo ana ku noolaa una soo aaday in aan aderkeey meesha kawado oo aan daawo laraadsho ama Cusbitaal wax looga qaban karo.Balse waxaad moodaa intallaabo kasta oo aan qaado carqalad iyo dhibaato joogta ah kala kulmo.
10 march sandkii 2009 ayaa leeyga soo daayay xabsiga iyadoon leey sheegin waxa ama sababta aan u xirnaa marka laga reebo uun in leeyga shakiyay, galab ay tahay talaado taariikhduna tahay isla malinta xabsiga leeyga soo daayay ayaan waxaan raadis ugu dhaqaaqay adeerkeeyga qaaliga ahaa oo aan meelna cidi ku ogeeyn maalinkaas iyo habeenkaas oo dhan waan baadi goobayay, marki danbe ayaa waxaa leeygaga sheegay inuu kusugnaa bishi la soo dhaafay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose halkaas uu aad ugu dayacdareeysanaay. Waxaan go’aansaday subaxdii danbe ee arbaxada ayaan waxaan gari ka raacay Isgooyska Baar Ubax anoo ku sii jeeda Degmada Afgooye.
Nasiib wnaaag gaarigi ayaa wuxuu nagula gadoomay inta u dhaxeeysa Xawa Cabdi iyo Calamada halkaas o ay ku dhinteen dad badan sdido kale waxaa dhaawac soo gaaray dad aan anigu kamid ahaa, wallow aan dhaawacmay hadana waxaa midkeeyga iigaga darnaay adeerkeeyga aan ifka ka fiirsanayay oo aan qaraabo iyo ehel ka leeyahya isaga oo qura ayaan raadin iagag baahna, mana ahan ruux miirka qabo oo lahelayo meel lagala xiriiro.Dhaawaceeygu wuxuu ahaa mid aad u sahlan marka loo eego dadka kale ee gariga ila saarnaa.
Halki ayaan gaari kale oo Taksi ah ka qaatay afgooye ayaan gaaray isla galabnimadii waxaan si fudud ku helay adeerkeey oo aan aad uga naxay diifta iyo dhibaatada ka muuqanaysay.
Waxaan soo abaaray xaafadeeydi aan kadegaanay Xaafada Gubta ee Degmada Deyniile oo aan hore uga sii diyaarsaday guri moddo 2 bilood ah ayaan halkaas adeerkeey wada degneeyn nasiib wanaag dhimiskiisa ayaa is bedalay oo dhibaatadi iyo diifti ka muuqaneeysya ayaan kala tacaalay.
Xiriirka Haboon igala dhaxeeyay muusan noqon mid is badalo, khilaaf nama soo dhex galin farxad iyo reeyn reeyn ayaan kuwada soconay inti aan ku sugnaa somaliya iyada ayaa biilkeeyga bixneeysay iyo dhamaanba wax yaabaha aasaasiga u ah nolosheeyda mudo gaaban kadib Nairobi ayay kusoo laabatay waxaana isku afgaranay kuna aqalgalnay, waxaana ku wada damaashaadeeynay muddo 3 bilood ah oo aan nasiib u yeeshay gabar qiima badan ahlu-diin ah noloshana wax ka taqaano magaceeduna noqday mid raago oo noqotay midi taariikhdeeyda dib u soo celisay iyo sumacadii aan bulshada ku dhex lahaa ugana magacdaray hanoon wallow aabaheed uu ula baxay HABOON balse HANAAN WANAAG ayaan u raaciayay.
Nolosha aduunyadu aadbeey u macaan tahay hadii aad hesho cid ku daneeyneesa ama nolosha wax ka taqaano kalsoonid sahal beey ku dhalataa hadii daacadnima jirto, horuumarkastaa ee la gaaro waxaa hormuud u ah wada shaqeeynta iyo isku tanazulida.
Haboon, weey heybad wacneeyd inti ay maqneeydna waxaan kuwada heesin njirnay oo halku dhig inoo ahaa heeskaan caanka ah ee ay wada qadaan Xassan Aadan Samatar iyo Sahro Axmed Jamac magaceeduna yahay CAASHAQA DADIHI WALIGAA HASII DEEYN oo sidaan u qorneeyd:
FARXAAN:
Dawadii nafteeydeey BAL aan kula dardaarmee
Nabadda aan ku leeyahay ku daabaco qalbiga oo
Waliga ahasii deeyn duushaye allow nabadeey
Qorraxduna dallaalnimo
Caashaqana daadihi waligaa jasii deeyn
HABOON:
Darmaanta jeclaayeey BAL aan kula dar-daarmee
Dantu wada jir weeye docdaada yeey ka beeylihin anna teeyda igu daa
Dunidoo barwaaqo ah, dalka nabad ku sii joog
Caashaqana daadihi waligaa ha sii deeyn
FARXAAN:
Dayixii iftiimaay BAL aan kula dar-daarmee
Dumarka adoo kale taa hesha madaaysee dooqaaga ka adkoow
Duushaye allow nabadey
Qorraxduna dallaalnimo
Caashaqana daadihi waligaa hasii deeyn
HABOON:
Deeymada uroonoow BAL aan kula dar-daarmee
Kuwa loogu dowgalay labadii is doortee
Kala dila dadka is jecel
Ayeeyna isku keeyn dirine
Dalka nabad ku sii joog
Caashaqana daadihi waligaa ha sii deeyn
Heeskaan ayaa ah mid aniga shaqsi ahaan iyo gacalkeeyag Haboon aad inoogu weeyn oo aan inta badan waqtiyadeena soo xasuusanaa, waxaa nasiib leh ninki oo sadkiisa helaya ninki u samra aduunyada iyo axwaasheeda weey wareegtaa balse ku tashi ayay kaa rabtaa, weey is badashaa balse samir iyo dulqaad ayaa lagaaga bahanyahay, weey wanaagsanataa lkn in aan shukriso ayaa laga rabaa.
Haboon waxeey ku laabatay dalka Sweden, oo ay halkaas nooga furtay Dacwo aniga iyo adeerkeey, maadaama aan ahay qeeyb kamdi ah nolosheeda, in aan halmeel kuwada noolaanana aan ku heshiinay.Kadibna Wey inoo dacwootay, hadana waxaa ku wada nool nahay Magaaladda caasimadda ah ee stokhlom ee dalkaan Sweden;
Ugu danbeen Fatxi meysan tagin Canada, dhib iyo rafaad badan kadib ninkii weey kala tageen oo wuu ku xumaaday hada waxay degentahay degmada Deyniile oo ah halka ay u qaxeen, iyadoo had iyo jeer soo garaacda teleefankayga.
Aqiristaha kobciye.com inoo xaqsoora ma xaqbaa in ay I xumeeyso Fatxi, xaqse muu leedahay ineey dib ii soo milicsato Soo macnaheedu Mahan wali in ay tahay qurbadoon, Hadaba waalidiinta waa ineysan cudurka dilaaga ee caashaqa ah ku dhabar gooyin Ubad-kooda, iyagoo madaxa u gelinaaya meel aysan ku qanacsaneyn ayaa intaasi kusoo gabagabeeyay Qisadii Murugta laheyd ee ku dhacday.
DHAMMAAD Waxaad Kala Socoteen Kobciye.com
W/Q: Abdirashid Ismacil Xaaji (Qoslaye)
Daawo Video: Caruur Muqdisho Lagu Kufsaday Iyo Dumar Oo Barnaamish Murugo Leh Laga Diyaariyay.
Hadii aad aaminsan-tahay in Muqdisho Dawlad ka jirto Daawo:Caruur Muqdisho lagu kufsaday iyo Dumar oo Barnaamish murugi leh laga diyaariyay,iyadoo Dawladii Culusoow iyo Saacid-Hurdaaye ay waqtiga isaga dhumiyeen Jambalka loo dhigay ee Jubbaland oo la filayo in 3-sanno iyo 4-bilood ee u dhiman uu dhamaan-doono iyagoo aan xalin arimaha Jubbaland.
Waxaana arin murugo ah intii lagu mashquulsanaa Jubbaland in Caruurtii iyo Dumarkii Muqdisho ee Xeryaha Qaxootiga ay ku safnayaan Ciidamo Beeleed dhar tuuto loo geliyay oo Muqdisho ku sugan
Halkaan Hoose Ka Daawo.
Dhambaal Jaceyl Ah Oo Xanuun Badan: 24/May Maalintii Iigu DanbeeySay Oo Aan Is MaQalno: Qalinkii WaaSuge”
24/May/2012 Abaaro 5:00 Galabnimo waa maalin ii leh murugo gaar ah oo waxaan baalka ka galay qiso madow iyo magac danbiyeed waana maalintii la ii aqoonsadey inaan ahay shaqsi aan ku hoboneyn nolosha.
Waxaa hubaal ah inaad maanta oo ah sanad ka dib markii aan kale hayaaney aniga iyo adiga aad iloowsan tahay amaba aadan ku fakarin sanadkii miyaa sidaan u dhaw, waxaa lagaba yaaba in lagaa dhaqey xanuunkii iyo dhibaatadii kaa soo gaarey xariirkeeni dhantaalmey oo aadan soo xasuusa qiso ahaan iyo magaca intaba.
Si kale aan u qeexee waxaa laga yaaba inaad qaadey talaabooyin hormareed oo guul kuu aheed kale tageena waxaana dhaci karta inaad wali iga aaminsan tahay shaqsi ku xumeeyey amaba aanan u qalmin hanaanka nolosha iyo heeryada jaceylka, laakin waxaan issu haysta aniga oo ana is amaaneyn inana ahay shaqsi/Qof ku dhaqaaqey ficil midkii ugu haboonaa iyo go,aan kii saxda ahaa, waan ogaa oo waan hubaa inuu ahaa xanuun iyo xinjiro meel fadhiya laakin waxaan aaminsanaa inu xanuunka maalmo uu ku ekaan doono kadiban aad ka bogsan doonto adigoo gadaal ka ogaan doona sababta dhab ahaan ka danbeeysey inaan ku kaco falkaan.
Sida aad ogsoon tahay qisdaan mid la mid ayaan ku ibo furtay nolosheeyda bilowgeedii aniga oo si wacan oo wanaagsan kaaga sheekeyey dhibkii iyo dhaawacii iga soo gaarey waxaana hubaal ah inaad naftaadu la jirtay qisda aan farxada laheyn ee aan ku curtay, taas adiga oo ogsoonaa hadana taada ayaa iigu xigtay oo la mid ah tii shalay igu dhacdey, wali waxa korkeeyga iyo qalibiga ku yaalo haarahii iga soo gaarey jaceylkii dhicisobey.
“Maxay tahay sababta aan u qaatay go,aanka guracan ee aad igu dhibsatay igu nacdey kuna kale fogaaney”
Sadar muuqda su,aal ka dhan oo walaashey waad ogsoon tahay in labadeena anaan nolol ku wada mushaaxi karin waxaana aheyn dad dhan kasta aan iskuga imaan karin aduunyada ku kale dheer oo ku kale nool 2bo qaaradood, markii aan is xog wareeysanana waxaad la socotaa in qofkeen uusan qofka kale caawin karrin.
Sidaa darteed waxaan qaatay go,aan xun laakin gadaal ka leh intifaac iyo dhaxaltooyo aduun waayo hadii aan runta la maalin beeni raad maleh anaga oo runta isku sheegnaa ayaa ugu wanaagsan inta ficil ah ee dadku sameeyo, laakin soomaalidu runta waxa aay u taqaana ceeb iyo amakaak iyo wax an laga helin dheef aduun.
“Waxaa Laga Yaaba Inaan Xgaada Ka Ahay Danbiile Iyo Qofn Lumiyey KalSoonidii Loo Dhiibtey”
Hadaba sidaas maahan xaalku oo waxaan sameeyey talaabo wanaagsan oo waxaan bad baadiyey in mar kale aan dhax maquurano mawjadu aduun oo murugo leh anagoo aanan haysan wax taageero ah masana ku nool saboolnimo, waxaan islahaa kala raysta oo kale roonaada waayo waxaad ogsooneed inaan dhan kasta ka liidanay oo aanan helin xataa wax garab ah, marka walaal mararka qaar waxaa wanaagsna in kala roonaado.
“Ma Ogi Nolosha Aad Ku Sugan Tahay Haatan, Waayo Waxaa DaaQada Ka Baxay Iska War Qabkii”
Soomaalidu waxa ay caado ka dhigataa qofka hadii laga waayo sidii laga rabay in la hilmaamo ama la tuuro ayadoo xataa la gaarsiiyo inaan laga qaadin salaanta islaamka ah taasina waa sababta aad maanta xataa marka aad iga hor timaado iiga wareeyganeeyso laakin ogsoonoow waxaani waa aduun qofkii shalay noola maanta ma noola waxaana wanaagsan in maalmaha kooban oo aad nooshahay aad ku dhameeysato farxad iyo cafis.
“Waxaan Kuu Rajeynayaa Caafimaad Iyo Cibaado Suuban NoQo Guri Waara Iyo Wehel Joogta Ah”
Mar kasta waxaan kuugu duceeya inaad ka baxdo dhib iyo xanuun waxaana Alle kaaga tuugaa inaadan noloshaada dhax galin mugdi, waxaanan kuugu duceynayaa ubad qeyr qaba iyo zey aanan ku iloobin.
“Fariintaan Dabadeed Waxaan Aaamini Doonaa Inaad Ogoon Doonto XaQiiqda Ina Cafin Doonto”
Hadii aay ku soo gaaro fariintaan walaashey u aqri si niyad sami ah adiga oo isla bar bar dhigaayo hadalka iyo wanaaga qiimaha uu leeyahay waxaana kaa codsanaa hadii habeen aad ku seexatay inaan ahaa qof xun inaad iska iloowdo wax akstoo dhacay adigoo laga bilaabo maanta oo ah maalin farxadeed inaad I cafiso.
“Waligaa HaKa Fiirin Sida Ee Wax U DhaCeena U Fiiri Sidee Baad Uga KabSan Kartaa DhaaWaCa”
Hadi aan shalay ahaa qof xun & hadii aan ahaa qof wanaagsanba wax kasta oo aan ahaaba maanta waan kale tagney waxaan kaa codsana inaad waqti iskaga lumin teydii oo aad u sahan tagto noloshaada iyo sidii aad ugu horseedi laheed aayo wacan iyo aayatiin wanaagsan, waxaan ahaaba waad igu waysay waana kugu waayey”. !!
Aqirste Qisda oo qoraalkeedu dheeraa waaan soo koobney dulucda sheekada iyo macnaheeda buuxana waaa “In laba qof oo xariir ka soo dhaxeyn jirey kala tageen sababta aay ku kala tageena aay aheed inuu horey usocon waayey jaceelkoodii iyo xariirkoodi marka laga eego dalacada nolosha oo aay labadooduba ka maqnaayeen, hadaba go,aanka qofkii keeney oo ku dhaqaaey waxa uu dareemayaa inuu galay godob asago oo haatan ah sanad ka dibna si qoraal ahaan ah ugu gudbiyey qofkii inuu sidaan xal u arkey kuna wacanaa.
Hadaba aqriste markii aad dhameeysato aqrinta qoraalka iyo qisadaan waxaa lagaa sugayaa in aad ka baxiso faalo ku aadan in go,aanka uu qaatay wiilku ahaa mid uu ku saxan yahay iyo hadii uu ahaa mid u ku qaldan yahay, mase wanaagsaan tahay in la is lagooyo sida soomaali badana mar danbe lagu kale tago xumaan”. !!
Waxaan sugnaaba waa jawaabtaada qiimaha badan intii ka horeysana waa ismail abdi aden aden “WaaSuge” oo idin wada leh jimco wanaagsan intaan ku kulmi doono mid la mid ah qisdaana sidaas iyo nabad galayo.
Dhaxalka Qisdaan “Dhibane”
Qalinkii: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”
Shimali02@hotmail.Com
+27710166233
Daawo Video cajiib ah: Tobanka (10) Waxyaabood ee ugu qaalisan dunida
Akhristayaasha sharafta leh ee Kobciye.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa 10 waxyaabood ee ugu qaalisan dunida aynu ku noolnahay…marka aynu saas leenahay waxayna ka hadleynaa qiimaha shayga marka laga eego dhinaca lacagta.
Hoos ka aqri liiska 10-kaasi sheey:
10. Heroin $130/gram
9. Cocaine $215/gram or more
8. LSD $3,000/gram
7. Plutonium $4,000/gram
6. Pinite $9,000/gram
5. Taffeit $20,000/gram
4. Tritium $30,000/gram
3. Diamonds $55,000/gram
2. Californium $27 million/gram
1. Antimatter $62.5 trillion/gram
Halkaan ka daawo video ku saabsan 10-ka sheey ee ugu qaalisan dunida
Madadaalada Isbuuca & Sheekooyinkeenii Qosolka Badnaa Oo Maanta Xiiso Gaar Ah Wato ‘Jimco Wanaagsan”.
Waa mar kale iyo sheekooyinkii ila qosolka ahaa ee aanu ku nasan jirnay maalin weliba oo Jimco ah webka kobciye.com.
Maanta sheekooyinkeena waxaa inoo raacsan sawir yar oo aad ugu turjumayo nolosha heer walbo in lagu faraxsanyahay balse sawirkaas ayaa u taagan mid qosol badan qaabka aay nolosha ugu qanacsanyihiin.
Maanta waxaan idiin wadnaa Sadax sheeko oo aad u qosol badan si aan ugu nasano, isbuucaan waxaan soo akhrisaneynay oo iskugu jiray, sheekooyin jaceyl ah, qisooyin xikmado xambaarsan, arimaha diinta, la yaabka dunida iyo barnaamijyo kale oo xiiso badnaa oo aad kala socoteen shabakada kobciye.com
Hadaba akhriste sheekada aad ka hesho dhanka hoose inoogu reeb….
Sheekada Koowaad.
Hada kahor midaa wuxu lahaa Qasnad oo 20 sano la furin  furaha asi lee wato cid kale ma aragto malin asoo shaqada u socdo uu furihii iloobay markasa naagtiisi aa Qasnada furtay wexee ku aragtay 20 kun $ iyo labo xabo ukun ah marku soo laabtay ee waydiisay maxa waaye labada ukun..
Wuxu dhahay runta hada ku sheego marwalba ku qiyaano ukun aa galin jiray Qasnada.
Naagti aa dhahday 20 sano aa is qabnay 2 jeer bas lee maa i qiyaantay
waayahee lacagtaane ?
Wuxu ku jawaabay: marwalbo uu Box-ka ukunta buuxsamo waxaa geeya suuqa waa soo iibiyaa..!!!!!
Sheekada Labaad
Hada ka hor nin aad u gaaban wuxuu Guursaday naag laf iyo dhirir illaah ku maneestay Habeen kuleel xun jiro ayee guriga banaankiisa dirin dhigteen Habeen barki baa roob soo da’ay, Markaasee 2 caruur ah iyo asigii intee xambaartay qolka geesay.
Iyadoo Banaanka uga soo tagtay Wiiikeedi ugu yaraa Markaasey ku dhahday Ninki war balaayo hele Roobka qolka ka soo gal
Ninki intuu qolka ka soo qeeliyay Kulahaa “Aniga Sadexdi aad soo qaadeysay ayan ku jire ee cunugi yaraanki ayaa ka soo tagtee soo qaad”,…
Sheekada Sadaxaad
Aabe : Ani iyo hooyada yaa jeceshahay ?
Wiil : labadiina waa idin jecelahay
Aabe : ok, hadaa ani Japan aado hooyadaane Paris aado yaa aadi laheed ?
Wiil : Paris aa aadi laha sababto ah wee shidantahay
Aabe : ok, ani hadaa Paris aado hoyada ne Japan aado yaa aadi laheed ?
Wiil : Japan aa aadi lahaaa
Aabe: macnaha laba goorba hooyada lee aadi laheed miyaa !
Wiil : Paris maraa aaday, markale maxaa ka doonaa ….
Sawirka Maanta
Hadaba akhriste madadaalada isbuuca kobciye.com waxaan kusoo koobeynaaa sadaxdaas sheeko aanu ugu talo galnay in maanta oo jimco ah kaga nasano mudadii aanu kusoo dhex jirnay, arimaha jaceylka, qisooyinkii dhacay iyo weliba layaabka aduunka.
Hadaba sheekada aad ka heshay ama kugu qosolka badneyd dhanka hoose inooga reeb.
Daawo Sawiro Cajiib Ah Kuwaasoo Iskugu Jiro Farxad Iyo Naxdin Kana Turjumayo Dhacdooyinka Caalamka.
Halkaan ka daawo Sawiro ka turjumaaya Dhacdooyinka Caalamka oo ay idiin diyaarisay Shabakadda Kobciye.com
DAAWO SAWIRADDA:-
Nin Boob Dhac ag Ka Geystay Hoolkii uu ku Dhigtay Xafladdii Arooskiisa.
Nin u dhashay Ingiriiska, ayaa xaday hool uu xafladdii arooskiisa ku qabsaday, kadib markii isaga iyo saddex ay saaxiib yihiin oo hubaysan dib ugu noqdeen hoolkii caruuskiisu ku qabsoomay, dabadeedna ka qaateen lacag badan, khamri iyo kombuyuutarro hoolka dhex yaallay.
Mr. Christopher Richard oo gabadhiisu uurkii ugu horreeyey u leedahay, ayaa haatan xabsi ugu jira dhaca uu sameeyey habeenkii arooskiisa ee uu ku haboobay hantida hoolkii uu ku aqalgalay.
Ninkan iyo saaxiibaddii waxay sidoo kale hudheelka uu ku aroostay markii ay dhacayeen u geysteen khasaar baaxaddiisa lagu qiyaasay 20,000 lacagta Ingiriiska ah, iyagoo jajabiyey albaabooyin kala duwan iyo gidaarrada hoolka arooskiisu wax yar ka hor ka dhacay.
Xisaabiyaha hudheelka la dhacay Mr. Catherine Murhphy, ayaa qiimaha hoolka lagu kireeyo kala badh ka daayey ninkan dhaca ula badheedhay, kadib markii isaga iyo xaaskiisu ku andacoodeen in aanay wax lacag ah haysan. Sidoo kale, waxa bilaash looga dhigay cuntada 90 qof oo martida xafladda arooskiisa ka qaybgalay ka mid ah.
Mr. Richard ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii kamarada amniga ee loo yaqaan CCTV qabteen isagoo boobaya hoolkii arooskiisu ka dhacay, dabadeedna sawirradiisa lagu daabacay wargeys maxalli ah oo ka soo baxa dalka Ingiriiska.
Xaaska ninkan oo la yidhaa Miss Murphy, da’deeduna tahay 34 jir ah, ayaa hoolka lagu aroosay ee ninkeedu dhacay ku kiraysatay lacag gaadhaysa 175,000 gini, waxaanay caddaysay inay aad uga xumaatay falka saygeedu ku kacay, iyadoo dhawr jeer isku dayday inay is-disho.
Waxaan dareemayaa xishood ah inaan iyaga aaminay. Xafladddu waxay ahayd mid aad u qaali ah oo quluubta dadka soo jiidatay, farxad bayna ii ahayd, balse markii aan arrinkaas maqlay waxay igu noqotay niyad-jab, naftaydana inaan gooyo ayaan ku fikiray, ayey tidhi haweenayda ninkan oo aad uga xun falka saygeedu ku kacay.
Ibraahim Khadar Siciid
Ogoow Illintu Waa Erayo kasoo Burqada Qalbiga, Carrabkuna Aannu Awoodin Ku Dhawaaqooda…
Iyaba waa yaabe, haweenku marka ay ku ogol yihiin gobsanaa, gaarisanaa, garasho badanaa. Marka kalena mukur, madax adayg, mashquul iyo maneeno badanaa. Sidoo kale, ragguna marka ay ku danaynayaan debecsanaa, deeqsisanaa, dulqaad badanaa, marka kalena dirir badanaa, deel qaaf badanaa, dulmi badanaa!!.
Haddaba, ninkan maanta sariirta dulyaala, ee aannay haadduna feenasho ka helayn, waxaan ogaa isaga oo nool. Haa, nool oo nimco iyo naruuro guudkiisa ka muuqato. Haddii laga tagi waayo beryihii danbe ayuu soo yar waydoobayay, laakiin wuxuu ahaa caato caafimaad qabta oo shaydaanka ka firfircooni badan. Maantana waa kan is dhaqaajin kari la’ ee sidii ilmo yar furaashka dhexda kaga ururay.
Asxaab baannu ahayn dhareer wadaag ah, sidaa darteed kulankayagu ku talo gal la’aan wuxuu ahaan jiray joogto. Inta aannu indhaha iska qaadayno ayuun bay noo ahayd oo waxaannu hore ka gali jirnay adduunyooyin Soomaalida ka dahsoon, sida dunida kalgacalka, fanka, fikirka, falsafadda, haweenka, siiba inta aan la guursan ama la soo furay. Badwayntaa ilaaqtanka ah inta aannu ku jirno waxaannu is waydaarsan jirnay xog ku dhisan xaqiiq iyo khiyaal la isku dhafay oo malabka ka macaan.
“ Ogow, Illintu Waa Erayo kasoo Burqada Qalbiga, Carrabkuna Aannu Awoodin ku Dhawaaqooda, Midda Ragguna Waaba Kasii Qaalisan tahay ta dumarka kun jeer, waayo dhayal kuma timaado…….”
Waliba isaga khiyaalkiisu waa sii xeel-dheeraa oo mararka qaar waxaan arki jiray isaga oo gacan togaalaynaya luuq luuqyo ka soo noqodkoodu adag yihiin. Haddaba, wuxuu ahaaba maanta wuxuu dul yaalaa isaga oo geeri iyo nolol u dhaxeeya sariirtii uu awawgii ka dhaxalay ee jiiq jiiqda badnayd. Waan ogaa goortii la haleelay, mase ogayn goor uu sidan u hagaasay iyo sababteeda dhabta ah, waayo xidhiidhkayagii dhabta ahaa wuxuu yaraaday markii aan galay jeelka xaasnimo Alle hore idiinma galiyee.
Sidaa awgeed, dhawrkii biloodba mar baanu iska soo horbixi jirnay, markaana nabad qabka guud uun baan is waydaarsan jirnay. Waxa laga yaabaa inaad igu canaanato saaxiibka aad sidaa isugu dheeraydeen ee waliba doobka ah maxaad gurigaaga ugu soo casuumi wayday Jimcayaasha? Laakiin, waxaan ku leeyahay guriga waan isaga magacaabanahay ee waxaa ka arrimisa qof aan ashahaate ogolayn.
Maalin baan ku idhi; Niman aannu asxaab ahayn ayaynu casuumi doonaa Jimcaha, ma iga rumaysan haddaan ku idhaa: Habeen idil baan ku qancin kari la’aa sidii ay arrinkaa iiga ogolaan lahayd, kuye; dhabarkaa I xanuunaya, Naa hadduu dhabar ku xanuunayo imaad soo ag jiifsateen ee furaashkaaga dhulka yaal ayaad seexan lahayde maxaad leedahay Ina Calaay? Madax xanuunna wuu ii raacaa oo xumad baa I haysa ee bal i taabo, ayay cod taah yar iyo neef neefsi ku jiro ku sii raacisay, iyada oo jir jir cadka u taalla, xaggaygana isku soo xaglinaysa: Inta aan dhankeedii isu soo rogay, madaxana si naxariis leh u taabtay ayaan anna cod keedii la mid ah ku idhi: Xumad kale ayaa ku haysa ee xaggan u soo durug Saytuun.
Sidii baan hal gaal ku dilnay, oo ay dirqi igaga ogolaatay, annaga oo neef tuurayna dirqi codsigii. Markaa ha moodin haddii aannu xaaslay noqonay inaannu asxaabtii ilownay, ee arrimaha jira ayaa noogu wacan. Iga dhaaf tayda oo markii aan u soo galay saaxiibkay, waydiiyayna sababta cudurkiisa, ilmo ayaa ragax ka soo tidhi oo wuu hadli kari waayay. Ogowna, illintu waa erayo ka soo burqada qalbiga, carrabkuna aannu awoodin ku dhawaaqooda, midda ragguna waaba ka sii qaalisan tahay ta dumarka kun jeer, waayo dhayal kuma timaad.
Haddaba illintu noocyo badane, si aan u ogaado nooceeda dhibco ka mida ayaan shaybaadhkayga galiyay, waxaana shaashadda ku soo qormay weedhahan:
Badda xeeli geedaa,
Xubi igu haleeloo,
Xubnahayga oo idil,
Xanuun baa dhameeyoo,
Xiin baa ka baxayee,
Yartii aan u xiisee,
Xarakada bad-naydiyo,
Xubno toosan laydii,
Xaggee baan ka raadshaa? Haa, Jacayl darran baa haleelay, miyaan garto mar hore.
Dabadeed waxaan la soo baxay, halbeeg cabirka jacaylka oo jeebka iigu jiray, waanan hoos dhigay si aan u ogaado heer-kulka jacaylkiisa. Bismilaahi-Yaasiinka, inta uu u guban gaadhay fiyuusku ayaan hore uga damiyay.
Waxaanan hoos isku idhi: Wallee kan jacaylkii dumarka oo dhan loo qaadayay baa haya, dabadeedna intaan si naxariis leh u eegay ayaan ku idhi: Ma halkii aad barigii hoosta iska jeclaydeen baa? Si quusi ku jirto ayuu ii yidhi: Haa, Alla muxuu halkaa iiga sheekeeyay, masayr baa I qaban jiray goortuu inantaa quruxdeeda, qiimigeeda iyo qoyskeeda iiga sheekaynayo. Hadaladiisii waxaan ka sii xasuustaa : “Waa gaari, haybad iyo hanaan dumarnimo loo dhameeyay, oo habsami u qaadka talaabada markay jagac ka siinayso laafyaha haddii aad …………..” Halkaa marka uu marinayo ayaan ku odhan jiray bes bes saaxiib, illayn haddii kale wuxuu galaafanayay ta yar ee aannu wada soconay, haddana wada joognee.
Dabadeed, waxaan ku idhi: Oo saaxiib ma wax baad isla qaadateen Baxsan? Magaca markii uu maqlay intuu hanqalka la soo kacay, ayuu si niyad ah iigu yidhi: Intii aad guriga lahaydba annaguna waxaanu gudahayaga ku beeraynay iniin jacayl, waxaanu isku qulaaminaynay xurmayn iyo xiise, waxaanuna isku qaadnay kalgacal iyo muxubo aan xad lahayn. Waxay ii ahayd dugsi, dawo, deganaan, waxaan u ahaa farxad, rayn rayn iyo riyaaq.
Waxay ii ahayd wehel, walaal iyo wiilkii indhahayga. Waxay ii ahayd wax walba, sidaa darteed waxaan u qaaday jacayl aan gudhayn, gaagaxayn, gaboobayn, geeriyoonayn. Intaa markuu yidhi; ayuu yara gataata-dhacay oo uu sukhuuray, dabadeed waxaa ii soo baxday in jacayl meesha ku saqiirayo, waxaanse is waydiiyay tolow yaa saqiirinaya jacaylkaa? Ma saaxiibkay, mise gabadha? Oo haddii uu isaga yahay miyuu u calaacali lahaa gabadha? Haa, dad badan baa inta ay qofka marka hore xumeeyaan, marka danbe u calaacala.
Anniga oo waydiimahaa ku jira ayuu soo miiraabay, dabadeed waxaan ku idhi: Saaxiib, maxaa xidhiidhkiina halkaa gaadhay carqaladeeyay oo keenay inaad maanta u calaacasho? Inta aan ogahay canaan danayni keentay. Oo maxay ahayd dantaa keentay? Dabac ku yimid xidhiidhkayaga iyo sidii loo xoojin lahaa. Dabadeedna? Bilan, waa qoonsatay, ka cadhootay, ka xumaatay illaa ay xidida u saartay jacaylkii jiridaystay. Waan gartay, laakiin sida aan filayo canaantu dhankaaga ayay ka timid, haddaba, dantii doontaaba ha keentee si xidhiidhkiinu u sii jiro, ma ka raali galisay? Haa, kun jeer baan ka raali galiyay, adigaase sheegaya.
Maxay tidhi; Go’aan baan gaadhay ah inaan kala hadhno, haddaan go’aan gaadhana waligay kama soo noqdo, sidaa daraadeed, wax danbe ha ii soo dirin” Haa, waxaan is idhi kolay saaxiibkaa wax buu kaa qarinayaa uu gabadha ku sameeyay ee miyaanay qurux badnayn inaad gabadhiina aragto. Dabadeed, inta aan ku idhi, isii sug ayaan kabaha hore ka gashaday oo waxaan isku sii daayay gurigoodii, nasiib wanaag iyada ayaa albaabka iga furtay, waxaanan u sheegay inaan u yar baahanahay.
Inkasta oo aanay ku faraxsanayn, haddana waxay tidhi: Haye maxaad u socotay? Waxaan ku idhi: Ninkii saaxiibkay ahaa waa dhul yaal, sida aan filayana bilo gasiin wacan ma cunin, hurdo hagaagsana ma gam’in, waxaana ugu wacan jacaylkaaga ee sidee bay wax u jiraan oo yaa dhaxdiin soo galay? Inta ay igu soo booday ayay tidhi iyada oo cadhaysan: Saaxiibkaa isaga ayaa saqiiriyay jacaylkii, isaga ayaa wadnahayga dhaawacay. Inta aan dajiyay ayaan ku idhi: Oo muxuu kugu yidhi walaal? Xiisaa ku hayay ee jacayl kuma hayo. Maxay kale? Dabac badan baa iiga kaa muuqda ee ma wax baa is badalay, haddii ay jawaabtu haa tahay, qof iga wanaagsan baad heli. Maxay kale? Sidan uu xidhiidhkeenu yahay marka aan eego runtii waxba ma dhaano dhalinta aan rabnay inaan hormuud u noqono, ee waaban ugu hoosaynaa.
Maxay kale? Inta ay yar xishootay ayay tidhi: Waan ka niyad jabay saaxiibkaa oo go’aan baan ka qaatay, Waligayna lagama yaabo inaan ka noqdo. Inta aan la yaabay, ayaa hoos isku idhi: Miyaanay dumar ahayn waa maxay go’aanka ay ka sheekaynayaa iyo kama noqdadu. Islaantayda aan ogahay, ayaa kun jeer ka baxda ka aannu wada gaadhno, ku ay kaligeed gaadhaba daaye .
Iga dhaafoo, waxaan ku idhi: Horta intan aad sheegtayba waa qalad, laakiin qalad xidhiidh muddo soo taxnaa ku bur-buro maaha, saaxiibkayna wuxuu ii sheegay inuu rabay uun inuu dar dar galiyo xidhiidhkiina, yeelkadiisa’e, ma kaa raali galiyay? Haa, wuu iga raali galiyay, laakiin xidhiidhkaasi soo noqod malaha ee nabad galyo, midda kale waa mashquul badan yahay.
Haa, haddaba, sababahaa ay sheegtay markii aan ku dul istaagay, qaab hadalkeedii fiiriyay, waayo aragnimadaydii haweenkana la kaashaday, waxa ii soo baxday: In baroortu orgiga ka wayn tahay, oo yartu sideeda u go’aansatay in xidhiidhku burburo. Dabadeed inta aan ka cadhooday ayaan ku idhi: Dhex dhexaadin baan kuugu imid, laakiin waxaan ogaaday inaad go’aan hore u gaadhay, sidaa darteed , waxaad keentaa wadnihii saaxiibkay? Keeni maayo, ayay la soo booday.
Walaahi waad keeni baan ku idhi: Intaan indhaha galka uga saaray, dabadeed inta ay yar naxday ayay igu soo tuurtay, markasaan qabtay oo aan eegay. Alla muxuu dal-dalooshamay, maxaa falaadho caashaq ka dhex baxay, maxaa albaabkiisa garaac ku yaal, oo tolow daaqadihiina aaway? Mooyi.
Dabadeed, aniga oo xayraansan ayaan isku sii daayay gurigii saaxiibkay, markii aan qolkiisa hortaagnaa ayaan maqlay hadal guux aad u eg oo gudaha ka baxaya, haddii aan dhegta u raariciyay mise wuxuu ku tasbiixsanayaa:
Cishqi bay dilaayoo, dabnahayga furayoo, Aamuskiiba diidaye, Aaway dahab la moodii, Deginada talaabada, debecsanida hadalka, Daa’in kuba manaystee, Dumar ugu fil-roonayd?
Yaab, anniga oo xaaladahan is burinaya ee aan dhex galay ku asqaysan ayaan u galay saaxiibkay, arrintiina uga dhacay, wadnihiisana ku celiyay dabadeed inta uu soo yar nafisay ayuu igu yidhi: Saaxiib waad u jeeddaa arrinkayga ee maxaad igula talinaysaa? Dabadeed, cabaar baan aamusnaa anniga oo isku gaynaya, kala gownaya wixii aan uga soo joogay dumar iyo tiisan, waxaana ii soo burqatay jawaabtan:
Daayin kuma cadaabee,
Ina Daahirow maqal,
Dabuubtaan ku leeyahay,
Da’yartana bal gaadhsii,
Diricii bar baartaw,
Intaad dunida nooshahay,
Dumar haw calaacalin,
Dabnahaaga haw furin,
Haddii dakhar ku gaadhoo,
Wadnahaa dalooshamay,
Jacaylkuna ku daashaday,
Kuu diiday gama’ii,
Gasiinkiina kaa diray,
Dawo waxaad ka dhigataa,
Dabintood qaniintiyo,
Afkood hadal u diido,
Taa waxa daliil u ah,
Bal docdaada uun eeg,
Intay wiilal doorsheen,
Dakharana ku jiideen,
Bal docdaada uun eeg,
Intay danabyo ciileen,
Doqomana ka yeeleen.
Dadaw anigu yaabaye,
Duulku digasho badanaa,….
Halkaa markaan marinayo ayuu saaxiibkay i qabtay, oo uu I yidhi: Waad mahadsan tahay saaxiib, laakiin dumarka ha isku wada qaadin, ee iyada iyo intii la midka ah ka reeb, dabadeed inta aan yaabay baan idhi: Afkaygoow xaal qaado, isagana tagay ninkan aan miyirka qabin, miyaan qaldanaa?
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Q5aad Sheeko Murtiyeed: Ani Ma Nooli, Yaa Qaatay Kabaheygii Iyo Qalinkii Aamina Musse Wehliye..
Sheeko murtiyeedkaan xiisaha badan hadii aay qeybihii hore ku dhaafeen halkaan ka akhriso.
Qeybtii Hore Ee Sheekadaan Halkaan Riix.
Qeybtii Labaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.
Qeybtii Sadaxaad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.
Qeybtii Afaraad Ee Sheekadaan Riix Halkaan.
Q. 5aad: HOOYO AAN LA QABIN (SINGLE MOTHER)
Raage markii uu dibadda uga soo baxay xafiiskiisiiba wuxuu taleef u diray xaaskiisa Xaadsan, wuxuuna u sheegay in uu soo wacay sarkaal boolis ah oo la yiraahdo DC Scott, Xaadsan oo ewelba ka naxsaneyd xaladda ay ku jiraan, ayaa welwel hor leh ka sii qaaday warka Raage, wuxuuse ugu lab qaboojiyey xaaskiisa in aaneey waxba ka welwelin ooy dhici karto in odaygii la helay.
Wadanku sharci buu leeyahay Raage iyo Xaadsan waa ogyihiin, haddii qofkaagu ama qoskaaga xubin ka tirsani cidduu doono ha ahaadee uu lumo, oo la waayo amaba wax kaleba qabsadaan oo uu gurigii, goobtii shaqada amaba meel kaleba imaan waayo, lana arki waayo waa in aadan sugin wax ka badan 24 saacadood, ku wargelinta booliska in qofkaasi la la’yahay.
Hadaba Raage wuxuu u sheegay xaaskiisa in uu  tagayo saldhiga booliska ee Haringey, oo uu kula ballansan yahay DC Scott-kii soo wacay, sidii buuna ku dhaqaaqay.
Dhanka kale, Rooble Boostaale isaguna  wuxuu gacmo furan ku qaabilay oday Warmooge, oo isagoo ambad ah uu Doobi ugeyey, markuu baraayeyna Doobi wuxuu Rooble ugu sheegay in odaygu uu cidda yahay, in uu yahay reer Kurus-ruuge, iyo in  uu soo ambaday, intaas ka badan Doobi maba sheegi Karin, Rooble Boostaale oo ah nin ilbax ah wadankana wax badan joogay, tol aruuriskana  ku fiican,  reer Kurus-Ruugana nin karmeedkooda ka mid ah, odaygii ayuu soo dhoweyn, cunni siin iyo qar-qaryo tiridba wuu ugu dhaqaaqay, markii uu kullaalay diirkii maqaayadda gudaheeda, dhowr koob oo shaah ah oo weliba uu Rooble anuu cid kale ku aaminin, balse gacantiisa ku kariyey oo shaahii shaaha ahaa ah ee sokortu ku badneyd dhirta kala duwanna lagu carfiyey ee mucamirka ahaana ku sooray, quraac kulul oo tii uu garanayey ahna  siiyey, Beer iyo Canjeero (Laxoox), Warmooge naftii baa ku soo noqotay.
Odaygii markuu intaas isku helay waa kii miyirsaday, in kastoo weli dawaaqaadi ku jirto, hoostana ka welwelsan yahay maadaama anuu u jeedin reerkii iyo gabadhiisii duco-qabtada ahayd ee Xaadsan hadana xogaa intii hore aad buu u dhaamaa oo ugu yaraan ma qaloonayo, waxaana  yididiilo weyn ku beertay dadka maqaayada garxan,  oo kulligood wada Soomali ah welibana loogu sheegay in ay tolkiis yihiin oo reer Kurus-Ruuge ka soo wada jeedaan.
Markeeyse naftii ku soo noqotay odayga ayuu Rooble wareystay bal si uu ugu raadiyo reerkii, ka dibna wuxuu garan waayey reerka odaygu ka soo ambaday, wuxuuna u sheegay in anuu garaneynin magaca reerka uu sheegayo, Warmooge arrintaasi waa ka yaabisay is oo isna dhinaciisa ayuu u yaabay,  waayoo wuxuu u heystay in Rooble yahay uruuriyaha tolka oo dhan, ileyn waa sida loogu sheegee, laakiin waxaanuu  ogeyn in Rooble uu yahay nin gacansigiisa si uu ugu bullaalo bes iskaga shaqeysta dacaayadaan kale ee ah in uu tol uruuriye yahay, maqaayadiisuna tahay xaruuntii qabiilku ku kulmaayey, teeda kale maba garan karo reerkan odaygu ka soo lumay, waayoo Raage waa shaqaale dowladeed tabar iyo waqti uu fadhi ku diriryo ku tagana ma haayo, siduu subaxdii shaqo u galo ayuu maqribkii ka soo baxaa marmarna faylashii macaamiishii uu maantoo dhan howlahooda qabanayey ayuu kala xereyntooda ku raaggaa oo habeen buuba shaqada ku gaaraa, maalmaha aanuu shaqada lahayna waa baari xaaskiisa caawiya, laakiin markii tolka cidi ka dhimato ama  qeyladhaani ka soo yeerto dhankaa iyo wadankii hooyo, oo qaaraanka tolka la isaga baahdo ayuun buu arkaa dadka ay heybta yihiin, Xaadsan iyada warkeedaba daa, waa ilmooleey xaas ah oo teeduba heysato ninkeeduna shaqaale yahay, tabar eey tol iyo qaraabo ku raadiso iska dhaafe waxey wadan kari weyday waxbarasho yar ooy is lahayd aad luuqaddana si fiican ugu baratid tababaro aad ku shaqeysato marka caruurtu kaa koraana aad ka qaadatid, sidaas darteed Rooble Boostaale, tol aruuriye, reerka ma aqoonsan, laakiin go’aan kale oo sax ah ayuu qaatay oo intuu odaygii garigiisii ku kaxeeyey maqaayadiina gacanyarihiisa uga sii tagtay, ayuu geeyey saldhigga booliska ee ugu dhow ee xaafadda ku yaalla, waana sababtaas DC Scott uu u soo wacay  Raage ka dib markii uu magacii Raage ka eegay sarkaalku bugga diwaanka taleefoonadda ee BT kan heyadaha ka dib markii uu ku hormaray in uu ka baaro diwaanka degaannada la deggan yahay (GURYAHA) sababta Raage looga heli waayey magaciisa waa wax kale iyadu, sidaas ayuuna DC Scott ku helay addresska meesha ugu qoran Raage, oo ah kan shaqada iyo taleefonkaba markii taleefoonkii uu soo dirayna waxaa ka qabtay xoogheyn xafiiska ka tirsan, waxeyna u sheegtay in uu xiligaas shaqo bartanka kaga jiro haddii aaneey arrintu deg-deg ahayna ay haboon tahay in uu xilli kale soo waco, markii sarkaalku codsaday in mobile uu leeyahay Raage-na waxaase la siiyey Mobilekiisa, sidaseeyna isku heleen.
Raage wuxuu tagay saldhigii boliska ee Haringey ee waqooyiga London, waxeyna kulmeen DC Scott, inta qol gaar ah la geliyey ayuu Scott uga waramay Raage sababta loogu yeeray, intaa ka dib Raage waa ogaaday sababta balse welwel hor leh ayaa ku beermay, ma hubo in intii uu jidka ku soo jiray sida isaga loola hadlay loola hadlay Xaadsan, mana hubo in sheekadoodu is lahaan doonto, wax badan ayaa Raage ka qasan.
Raage wuxuu maalin kasta caawiyaa una tarjumaa dad Soomali ah oo kuligood dhibaatooyin kala duwan heystaan, marmar xitaa meelo aan ahayn xafiiska dadka soo galootiga ahi danahooda ka shaqeeya ayaa loo kaxeystaa, waa  ogyahay marka cawaaqibka ka iman kara haddii isaga iyo xaaskiisu kala hadlaan, sidaas darteed ayuu hoosta ka duceysanayaa.
Scott wuxuu weydiiyey Raage bal in uu garanayo cid la yiraahdo Warmooge, wuxuuna u sheegay in uu garanayo, waxaa u weydiiyey wax eey isku yihiin, wuxuuna u sheegay in eey qaraabo yihiin.
DC Scott intaas oo dhan wuxuu wax ku qorayaa buug yar uu hor yaala, Raage welwelkii waxaa ugu sii darsamay shaki farabadan, waayoo horta inta qol gaar ah la geliyey sidii in uu dambiile yahay ayaa la wareysanayaa, welina lama tusin Warmooge, waa yaaban yahay intii qof yaabo, laakiin hadana ma heysto waddoo kale oo u furan in uu su’aalaha la weydiiyo uga jawaabo sidii kula haboon mooyee.
Markii dambe inta is heyn waayey ayuu dalbaday in la tuso Warmooge, laakiin waxaa loo sheegay in la tusi doono dhowaan, Scott dibadda ayuu uga baxay qolkii, Raage wuxuu ku tallamay in uu taleefoon degdeg ah ku Waco Xaadsan iyo in kale, si uu u hubiyo bal in iyadana lala soo xiriirey inteey is moogayeen, balse ma suurtagelin oo intuu labalabeynayey ayaa Warmooge la soo korjoojiye, horta wajiga Warmooge waxaa ka muuqata in oodini ka soo fuqday, wuuna ku soo booday Raage markuu indha ka qaaday Raage isaga arrimaha kale ee niyada ka gubaya darteed ma firfircoona laakiin hadana intuu is qarin karay waa is qariyey wuuna marxabeeyey odayga, sarkaalkii ayaase weli halkaan taagan oo ku yiri si kadis ah: Raage waxaan dooneynaa in aanu u yeerno gabadha uu adeerka u yahay Warmooge si aan iyadana su’aalo muhiim ah u weydiino, Raage ilaa iyo hadda ma naxsaneyn marka loo eego sida uu kalmadaan dambe ee sarkaalku yiri uga naxay, (GABADHA UU ADEERKA U YAHAY) !!! durba waxaa u cadaatay in odayga la wareystay, weliba tarjubaan loo keenay intii yareyd ee uu la joogay ileyn waa ogyahoo luuqadna garan maayee, isla markaasna uu u  sheegay in gabadhiisa oo uu adeer u yahay wadanka keentay iyadana la joogo. Warmooge waa nin waayeel ah horey waa u ogaa in arrinta dhoofintiisu ay dhib badan tahay sidaas darteedana ay murugsan tahay, safaaraddii Ingriiska ee Adis Ababa, markii dal ku galka uu u raadsanayey wax badan oon sax ahayn ayuu sheegay kumana imaanin wadanka in Xaadsan ay gabadhiisii uu adeerka u ahaa tahay, laakiin wax kale ayuu ku yimid, maantase ma fileynin in wixii visaha lagu raadsanayey iminkana ay daba joogaan, ee runtuu sheegay, xaladase sidaas waa ka duwan tahay, Raage iyo Warmooge waa is agfadhiyaan laakiin hadal badan ma dhex marayo, Odaygu waa daalan yahay tan sakaytona ambad buu ahaa iminka haddii Raage u jeedo Xaadsan iyo caruurtiina in uu arkayo waa ogyahay, wax kalese ma ku baraarugsana, wuuse iska tabaalacsan yahay, wuxuuna dhararayaa inta gurigii dugsoonaa ee xalayto uu seexday, looga celinayo.
40 daqiiqo ka dib Xaadsan ayaa timid ileyn waa tii loo yeeree, qol gaar ah ayaa lala galay arrintiina waxey u muuqataa in oday ambaday ay ka badan tahay, lama tusin iyada Raage iyo Warmooge intaba, laakiin waa ogtahay in Raage joogo meesha oo waa tii eey horey u wada hadleen, waxaa loogu yeeray gabar tarjubaanad ay oo horeyba Warmooge ugu tarjuntay markii la wareysanayey oo la weydiinayey halkii uu ka ambaday iyo reerkiisa, Xaadsan markii la weydiiyey dhowr su’aalood oo ah magaceeda, addresska ay deggan tahay iyo wixii la halmaala ayaa mar qur ah la weydiiyey ma adaa keenay wadankan oo masuul ka ah Warmooge? Haa beey ku jawaabtay, iyadoo aad moodo in eey ka dhiiran tahay kana welwel yar tahay Raage oo qol kale ku jira, waxaa u xigtay maxaad isku tihiin, waxey tiri waa nin aan guur ku heshiinay ooisu doonanahay (FIANCEE) !!! Waxaa la weydiiyey ma taqaan Raage? Waxey tiri : Haa, waxaa la weydiiyey: Maxaad isku tihiin? Waxeey tiri waa  caruurteyda adeerkood? Waxaa la weydiiyey: guurka aad kula heshiisay Warmooge ka sokoow, iminka ma lagu qabaa?(Waa taatikada ay Booliska dadka ay wareysanaayaan u isticmaalaane)  Waxey tiri maya: oo SINGLE MOTHER (HOOYO AAN LA QABIN) baan ahay.
La soco qaybta 6aad ee Taxanaha Sheeko-murtiyeeddan……………………..
Amina Mussa Wehelie
Emails: asahra2012@gmail.com ama aminawehelie@yahoo.co.uk
Blog: http://aminasahra.blogspot.com
Website: http://aminawehelie.com
Facebook: www.facebook.com/Amina.Mussa.Wehelie
Twitter: www.twitter.com/AminaWehelie
YouTube:www.youtube.com/ololahahangasha
Skype: www.skype.com/Amina.Mussa.Wehelie
Source Mareegta Weedhsan
Sheeko Gaaban Oo Aad U Xiiso Badan “Kaaf Iyo Kala Dheeri” Qalinki Muna Cabdi.
Sheeko gaaban : Kaaf iyo kala dheeri!
Waagu marka uu iftiimo ayay ka baxdaa gurigooda una jarmaada goob shaqo oo ay ka shaqayso, shaqadeedu waa joogto, waxa u dheer intaa siminaaro ay wiigiiba laba jeer  ka qayb gasho. Galinka danbe waxa ay  waxbarasho u aadaa jaamacada, iyadoo ku jirta sanadkii u danbeeyay ee shahaadada degreega koowaad loo yaqaan. Hamigeeda iyo himiladeeda waxbarasho waxa ay gaadhsiisan tahay meel fog, waxay hiigsanaysaa meel dheer, in badan bay waxbarashada wadidee ku samirtey, saaxiibaddo badan oo dheega ay isku hayn jireen way ku cidleeyeen socodkan, marka ay dhamayso se ayey shaqo tan ka wanaagsan oo ka mushahar badan inay u goyso ku hamiyaysaa, “galin hore iyo ku danbeba waad shaqayn, oo dollarkaa kudaba carari” ayaa maskaxdeeda ku qufulan.
Tacab iyo dadaal in ay nolosha sareedadeedu ku timaado. horumarka  iyo horusocodkana in ay gacanteeda ku keensan karto ayay aaminsantahay, dhayal iyo guri iska fadhi bari hore ayay dhinaca iskaga tuurtay, inanimo iyo hawlihii guriga haday noqoto wax karin,wax dhaqid, iyo  wax nadiifin toona xaafadoodu kuma halayso, oo miyay garanaysaa baa ka horaysa? waligeed fijaan sii jeeda may soo jeedin, koob shaahana dabka may saarin, miyay haleelaysaaba?! sowtan ku mashquulsan akhriska iyo muraajacada duruusta iyo hawl maalmeedkeeda la xidhiidha shaqadeeda.
Da’dii Habluhu ku guursan jireen way gaadhay, balse ma hadal hayso. hooyadeed dhawr jeer ayay kula talisay in ay nolol reernimo iska samaysato, balse waxba kamay hoos qaadin oo guur, xaas iyo caruur midnaba  niyada kuma hayso qorshaheeda mustaqbaleedna uguma jiraan, sawtii la yidhi: “Nin meeli u cadahey meeli ka madow”, tabta ninkaa meel uun baa u cad,  meelo kalena way ka madow yihiin.
Sadex sano ayaa laga joogaa xilligii ay jaamacadii dhamaysay, rajadeedii iyo riyooyinkeediina ilaahay baa u rumeeyay, galin hore iyo ku danbeba waa ay shaqaysaa, oo waxaabay noqotay masuulka ugu sareeya goobta ay ka shaqayso, nolosha ay ku jirtaana waaba heer sarre, baabuurtay kala badashaa, malaha dollarkuna waa buu dabo cararaa. Maanta ayay hadaba riyadii hooyadeed rumaynaysaa. waa maalintii meherkeeda, waxa ay la daba socoto oo ku adkaysaba guurso maanta ayay ku qancisay in ay xaas noqoto oo hoy iyo guri yagleesho. Hooyadeed iyo aabaheed baana qorshahaas oo ay muddo wadeen dhameeyay.
Wiil ay ilmaadeer yihiin oo adeerkeed dhalay baa la go’aamiyey in laysku darro, waxa uu ka yimid Canada,  halkaas oo uu jaamacad ku soo dhameeyay kana shaqayn jiray balse ugu danbayntii go’aansaday in uu wadanka u soo guuro reerna ku yeesho.  Inta uu guri ka dhisto magaalada ka dibna gabadh guursado ayuu qorshihiisu ahaa lakin gabadh noocee ah baa tolow ku jirtay maankiisa “gabadh dabeecad wanaagsan, diin leh, oo gurigeeda aan ka bixin, ciyaalka si fiican korintooda ugu heelan oo waqti badan siisa, isagan daryeelka ugu roonaata”! markii se lagu yidhi inaadeertaa baa lagu siinayaa hadalba ka muu soo celin, oo miyuu ka soo celin karayaaba sow ceeb kumay noqoteen, canaana looma raaciyeen.
Balse waxay  su’aashu tahay ma tahay gabadhii uu niyada ku hayay?. Ma ogyahay in inta uu xaafada ka maqnaan doono in leeg ay iyadna ka maqnaan doonto shaqo awgeed?, ma ogyahay in ay tahay masuul sare oo aan daqiiqad soo wacida telefoonkeedu joogsanayn?, ma ogyahay in ayna shaqada guriga ka dhago la’dahay oo aan ay cunto haba yaraata ee u samayn karayn?,  ma ogyahay in ayada laftigeeda guurkan gabigiisaba lagu qasbay oo aanay diyaarba u ahayn?, ma ogyahay in ay himiladeedu tahay uun shaqayso oo qayrkaa dhaaf?, ma ogyahay se in aanay waxba ka garanayn xuquuqda dadka is qabaa isku leeyihiin iyo waajibaadka gabadha saaran toona?!. Oo maxaa ogaysiiyay waxan  oo dhan miyuu ka filayaaba sidan oo kale gabadh wadankii ku dhalatay kuna barbaartay, halkaasba waxa uu uga soo cararay sow tan oo kale may ahayn. Adigu wax kale kuma garatide waaba Kaaf  iyo Kala-dheeri!,  Laakiin wakhtigaa ku simi, oo danba way isku barran.
Bilowgii noloshooda qoysnimo iyo bilihii hore cuseybka awgii midna ka kale ma tusin dabeecadiisa dhabta ah iyo rabitaankiisa habka qoysku u dhaqmayo. Ixtiraamka iyo dulqaad buuraha ka culus baa mid ba ka kale u hayey, oo haye iyo hawraarsan uun baa laysugu hal celinayey. Isagu shaqada inay iska sii wadato inta aan caruuri soo kordhin intii ay aqalka ku dhex cidloon lahayd buu u ogolaadey, iyana maalinta ay fasaxa tahay madbakha wey gashaa oo inanta u shaqeynaysa ayuun bay u wehel yeeshaa indhahana ka daawataa farsamadda cunto karinta ilayn iyadu karin kari maysee, isna waabu ku farxaa markay galin horeba soo hordhigto iyadoo diyaarsan!
Sannad ayaa ka soo wareegtey habeenkii loo mushxaradey ee nin iyo xaaskii ay isku noqdeen, imikana guriga kali kuma ah ee inankooda curad baa ku weheliya oo ku soo biirey laba biloodna jira. Haatan midiba ka kale wuxuu tusey dabeecadiisa dhabta ah oo kala duwaanaanshihii awalba la huurinayey ayaa ifka u soo baxay. Sidii isagu rajaynayey marka ay hooyo noqoto shaqada way iska joojin ayaa u rumoobi weyday oo bishan ba shaqadeedii wey ku kalahdaa, ilmahana guriga iyo gabadha u shaqeysa ayey kaga tagtaa. Aqoon la’aantii shaqadda guriga ka haysayna wuxuu ogaadey mar inantii u shaqeynaysay todobaad kaga maqnayd xaafadoodii oo ay si cad ugu sheegtay in hawsha madbakha in isagu ku dhaamo ay dhici karto!, oo cuntada hudheelka lala macmiil ahaa.
Wuu u sheegay in sida ay wax u wado iyo sidii uu ka rajaynayey shaqo isku lahayn, laakiin cidba dhag jalaq umaysiin waliba waxa ay u sheegtay in Guurkaba Adeerkii iyo Aayadii (Hooyadeed iyo Aabaheed) ku qasbeen ee go,aan iyada ka yimi ahayn.
Arrintan soo korodhay wuxuu tiraba dhawr jeer u sheegay Aabihii iyo Hooyadii, laakiin aabihii oo xeerinaya walaalkiisa ay xididka noqdeen baa dulqaad farrey, laakiin Hooyadii ayaa aad uga cadhaysan hab dhaqanka inanta ay Aayada u ahaan jirtey ee Sodohda ay u noqtey ay yeelatey, intaasuun maahee waxay ciil iyo cadho u qabtaa dumaashigeed iyo gabadhiisa oo ay qabto in ay u qariyeen hab dhaqankan aan caadiga ahayn ee inantooda, inkasta oo aanay shaacina waxay hadana jeclaan lahayd in lakala dhaqaaqo ba. Dudmo joogto noqotey iyo ergo dad badani galleen oo lixdan bilood ee ugu dambeeyey soo taxnayd ayey ugu dambayntii go’aansadeen in ay kala dhaqaaqaan oo aqalkan sii waridiisa ay isla fahmi waayeen albaabada u laabaan. Waa go,aan oo tallo iyo wax weydiin midna laguma marti qaadin reerihii ay ka soo kala jeedeen ee ogysiin uun baa loola tagay.
Maanta ayaa maxkamadda degmadda horteeda oo ay goob joog ahaayeen ehelo iyo asxaaba waxa ay ka hor qirteen in ay isfureen oo banaanka la kala marayo. wiilkii iyadaa ogolaatey in ay korsanayso, isaguna inkasta oo uu aad ugu doodey in uu isagu koriya wiilka oo iyada aanu ku ogeyn dhaqan hooyonimo oo ilmaha si fiican u daryeeli karra, hadana ciddi kama dhurin hadalkoo, mudnaanta hooyonimo awgeed waxa garsoorihii dacwada qaadayey shaaciyey in ilmaha hooyadii haysanayso isagana wuxuu ku amrey in aanuu kala habsaamin bil kasta lacagta daryeelka ilmihiisa, waana laga saxeexay iyadoo waliba la cayimay xaddiga lacag ah ee bil kasta laga rabo.
Kaaf iyo Kala dheeridii guriga lagu dhisey kala tag uun may keenine, waxa coloobay qoysaskii ilmaadeerta ahaa ee labada walaalaha ahi odeyadda u ahaayeen, oo booqasho daayoo dhibaatadda layskama gargaaro. Wiilkii isaga hooyadii iyo aabihii kala tageen waxa dhabarka u ridatey ayeeydii hooyo, oo daryeel ka balaadhan kuu heli jirey intaan gurigoodu dumin buu helaa. Hooyadii waxay wali halgan ugu jirtaa ka dhabaynta hamigeedii in ay meel sarre ka gaadho shaqadda ahaa, aabihiina qurbihii iyo noloshii uu guurdoonka uga soo hayaamay buu ciilkii dib ugu noqdayoo barafkii buu isaga dhex raftaa.!.
Fiiro gaara: Sheekadan waa mala’awaal maaha qiso dhaba.
Qalinkii : Muna Ahmed Omer
Hargeisa, Somaliland.
Muna_gafaneh@hotmail.com
www.facebook.com/Axlaa monita