Bulshada Sirta Nolosha

40 Jir Baad Tahay, Waxa Aanad Doonaysaa In Aad Qurux Badnaato? Haddii Aad ‘HAA’, Tidhi Talooyinkan Qaado

Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay gabow ku soo dedejiyaan. Arrinta dambe dhibteeda waxaa sii badiya miisaanka oo inta badan qofka si fudud u fuulo marka uu da’dan gaadho, sida oo kalana dhimistiisu ay ka adkaato sidii ay ahayd markii u uqofku da’da Afartanka ka yaraa.

Sababaha waxaa ka mid ah, isbedello ku dhaca xarakaadka jidheed ee qofka iyo caadooyinkiisa cunto, heerka hormoonnada jidhku soo daayo oo isbeddel ku yimaaddo iyo is beddel da’daas jidhka ku dhaca oo wax ka beddela habka uu jidhku u kaydsado dufanka.

Qormadan oo uu Kobciye.com ka soo xiganayo shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa soo bandhigaysa dhowr tallaabo oo qabashadoodu fududahay oo gacan ka geysan kara dhimista miisaanka ee qofku marka uu gaadho da’da afartanaadka.

Khudradda iyo midhaha

Waxaa fiican in xilli cunto kasta aynu ku darno khudrad iyo noocyada kala duwan ee midhaha, taas oo ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay si weyn u caawinayso kordhinta curiyeyaasha nafaqo ee faa’iidada u leh caafimaadka. Sida oo kalana sababaysa in qofku uu dhargo si aanu u cunin xaddi badan ah hilib, firiley / Badar iyo caano, taasina waxa ay jidhka siinaysaa faa’iido ah in aanu qaadan dufan iyo kalooriyo badan iyo in aanu qofku aad u dhergin.

Joogtee cunista quraacda

Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in aynu joogtayno cunista quraac caafimaad oo waqti go’an oo subaxda ah aynu cunno. Noocyada quraacda ee la ammaano waxaa ka mid ah boorashka, cuntooyinka heedda ama qamandiga ka samaysan iyo khudradda.

Waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in cuntooyinkani ay qofka dareensiiyaan dhereg, taasina ay jidhka ka xakamayso in uu cunto badan iyo dufan cuno.

Casho fudud

Jidhkeennu waxa uu u baahan yahay in uu maalin kasta helo xaddiga Kalooriyo (Calories) ee uu u baahan yahay, laakiin Kalooriyadaas haddii aanu jidhku gubin waxa ay ku keenaan miisaanka oo kordha. Si labadaas arrimood la isu waafajiyo waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu qadada cuno inta ka horreysa saddexda maalinnimo ee gelinka dambe, wixii saacaddaas ka dambeeyana in uu cuno casho fudud. Dhaqankan ayaa ay hubaradu sheegeen in uu gacan ka geysto dhimista miisaanka.

Cunto Karin caafimaad qabta

Qaabka cuntada loo kariyo ayaa marar badan sabab u ah in dufan aad u badani uu jidhka ku ururo. Sidaa awgeed waxaa fiican intii suurtagal ah cuntada laga daayo shiilidda, ama xitaa karinta dufanka lagu darayo, loona beddelo dubis ama karkarin biyo keliya ah.

Iska yaree Kalooriyada (Calories)

Marka uu qofku da’ ahaan weynaado, sababo badan awgood waxaa yaraada xarakaadka uu jidhku samaynayo, taas oo yaraynaysa xaddigii kalooriyada uu jidhku gubayo.

Haddaba maadaama oo uu yaraanayo xaddiga Kalooriyada uu jidhku gubayo, waxaa qasab noqonaysa in marka aynu da’dan gaadhno aynu iska yarayno kalooriyada jidhkeenna gelaya. Si ay uga qayb qaadato in uu miisaanka jidhkeennu hoos u dhaco.

Cabbitaannada sonkorta leh:

Waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in aad loo cabbo biyaha ama cabitaannada dabiiciga ah ee ay ku yar yihin Kalooriyadu, laakiin laga fogaado cabbitaannada sonkorta, kaafiyeenta ama soodhaha leh iyo sida oo kale cabitaannada tamarta kordhiya ee “Energy” loo yaqaanno. Haddii aad Afartan sano gaadhay si aad ah uga dheeroow sonkorta noocyadeeda oo dhan.

Jimicsiyada

Nolosha casriga ah ee waqtiga in lala baratamo ina bartay ayaa qasab ka dhigaysa in la adeegsado gaadiidka noocyadiisa, iyo in muddo badan la fadhiyo xafiisyada, jimicsiguna ku yaraado jidhka. Laakiin ogow oo taasi waa bilowga cudurka, waa gogol xaadhiga geerideenna. Si aynu uga hortagnana waxa aynu u baahannay in aynu caadaysanno jimcsiga, si miisaanka ayu u dhinno ama ugu yaraan halka uu hadda joogo ugu hayno. Qasab ha iskaga dhigin in aad jimicsi culus samayso, laakiin nafta ku waajibi in ay ugu yaraan toddobaadkii laba saacadood iyo badh ka mid ah lugayn degdeg ah samayso, ama guclayso, haddii kale jimicsiyo kale oo fudud smaayso.

Muruqyadaada dhis

Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka waxa bilowda in markaas iyo wixii ka sii dambeeya ay daciifaan muruqyadu, gaar ahaan dumarka. Gabadhu marka ay caado goys noqoto waxaa si xawli ah u daciifa muruqyadeeda.

Muruqyadu waxtarka tirada badan ee ay jidhka u leeyihiin waxaa ka mid ah in ay gubaan Kalooriyada jidhka gala, marka ay daciifaan shaqadaas ayaa Meesha ka baxaysa, taasina waxa ay keentaa in uu hoos u dhaco awoodda uu jidhk uu leeyahay in uu ka faa’iidaysto nafaqada ku jirta cuntada ama waxa loo yaqaanno dheefsiga. In dheefsigu hoos u dhacaana waxa ay adkaysaa in jidhku uu iska rido miisaanka dheeraadka ku ah.

Isbar in aad toddobaad kasta laba jeer samayso jimicsi culays qaadis ah, adiga oo la tashanaya khubarada caafimaadka ee ogaan kara da’daada iyo nooca culays e eku habboon. Qaadista culaysku waxa ay ilaalinaysaa dhismaha muruyqadaada oo muhiim u ah caafimaadkaaga Afartan jirka kaddib.

Hurdo kugu filan

Afartan sano jirka kaddib, waxaa jira sababo badan oo qofka ku keena hurdo xumo ama hurdo la’aan iyo in waqtiyada hurdadu ka khalkhalaan. Waxaa ka mid ah daalka hawlaha u yaalla qofka, dawooyinka laga yaabo in uu u qaato xanuunno uu la nool yahay, xaalado caafimaad darro oo kale iyo haweenka oo marka ay da’da caado goyska gaadhaan ay hurdadu ka xumaato.

Waxa aad ogaataa in haddii hurdadu kaa xumaato ay qasab tahay in uu miisaan dheeraad ahi ku fuulo, sidaa awgeed ku dadaal in aad is barto waqti hurdo o ocaado kuu ah. qasab ma’aha in aad saacaddaas lulooto, waxa se qasab ah in aad furaashka tagto. Mar kasta oo uu jidhkaagu helo hurdo ku filan waxaa kor u kaca heerka caafimaadkiisa. Ku dadaal in aad habeenkii 8 saacadood seexato.

Iska baadh qanjo xanuun

Qanjaha dhuunta oo ku xanuunaa waxa ay ka mid yihiin sababaha miisaanka dhimistiisa adkeeya. Haddii aad aragto in aanu miisaankaagu dhacayn adiga oo raacaya nidaam cunto oo caafimaad qaba isla markaana samaynaya jimicsiyo joogto ah, taas macnaheedu waa in aanay qanjidhadu u shaqaynayn sidii ku habboonayd.

Tirakoobyada caafimaadku waxa ay muujinayaan in boqolkiiba 5 dadku ay dhibaatooyinkan qabaan. Dumarka ayaa ay ku badan yihin, gaar ahaan marka ay gabadhu gaadho 60 sano jirka.

Related posts

A Home So Uncluttered That It Almost Looks Empty

cAMiXsuBGc

Qaladaad La Sameeyo Xilliga Maydhashada Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Maqaarka Qofka

cAMiXsuBGc

In Kogonada’s ‘Columbus Modern Architecture

cAMiXsuBGc

Leave a Comment