Bulshada Sheekooyin

Qiso Xanuun Badan Saaxiibkii Sameeyay Ficilkii Qalbiga Gilgilay, Muhiimada Saaxiibtinimada..

Telefoonkiisa niiclaha ahaa ee gacanta ayuu qaaday kadibna saaxiibkiisa ayuu wacay wuxuuna ku yiri hooyaday ayaa xanuunsan daawana waala soo qoray, kaakiin lacag aan daawada ugu soo gado ma hayo.
 
Saaxibkiisa: haye waayahay casir kadib isoo wac.
 
Casirkii markii la gaaray ayuu wacay mise telkiisa wuu dansanyahay, dhawr mar ayuu wacay mise waa sidii wali.
 
Dad kale ayuu raadiyay uu lacag ka deysan karo, laakiin qofna wuu ka heli waayay lacag, wuu murugooday wuxuuna dareemay adduunka inuusan qofna ku lahayn, hooyadiisa ayuu ka murugooday, waxaana niyad jab ku riday saaxiibkiisa uusan ka filaneyn sidaas inuu u gali doono!
 
Guriga ayuu isaga soo laabtay asagoo niyad jabkii ka muuqdo, wuxuu arkay hooyadiisa oo jiifta caafimaadna ka muuqda iyo inay soo roonaatay, daawana ay ag taalo, walaashiisa ayuu waydiiyay yaa daawadaan keenay?
 
Waxay ku tiri Saaxiibka ayaa yimid intaad maqaneyd warqadii daawada ayuu qaaday kadib daawada ayuu soo iibiyay!
 
Ilin ayaa ka timid isagoo qoslayo, wuuna baxay isagoo raadinayo saaxiibkiisa wuuna arkay? Wuxuu ku yiri ilaa casir kadib waan kusoo wacayay ee maxaa telka u dansatay?
 
Saaxiibkiisa wuxuu yiri mobeelkii waan iska iibiyay, Lacagtii aan ku iibiyayna hooyadeena ayaan daawo ugu soo iibiyay.
 
Saaxiibtinimada maaha dad badan magacyadooda inaad ku haystid Telefoonkaaga, Saaxiibkaa waa kan ku caawiyo xilliyada adag ee aad u baahan tahay.!
Maanta oo ah 30 July waa maalinta saaxiibtinimada aduunka, aniga Ibrahim Ali abdi ‘Kalafoge’ ahaan maalintaan waxan la wadaagayaa saaxiibkeyga Cabduqaadir Zubeyr

Related posts

Qaladaad La Sameeyo Xilliga Maydhashada Oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Maqaarka Qofka

cAMiXsuBGc

Furitaanka Ilhaan Omar sirta iyo sababta ka danbeysay Ma Dhab baa in aay kala tageen..

cAMiXsuBGc

Daawo ‘Ninkaygu Intuu Naag Kale Guursado Hadana Yiraahdo Waa Ku Jecelahy’ Dood adag Oo Guurka ah

cAMiXsuBGc

Leave a Comment