Bulshada Caafimaadka Computer Diinta Sheekooyin Sirta Nolosha Suugaan

Sidan Aad Ilmahaaga Uga Caawi In Uu Nolosha Guul Ka Gaadho

Aabo kastaa waxa uu jecelyahay in uu ubadkiisu ay noqdaan kuwo ka badbaada mushkiladaha adduun ee kala duwan, isla markaana waxbarashada kaalin sare ka gaadho, isla markaana mustaqbalkiisu uu noqdo mid if iyo aakhiraba uu guul ku gaadho.

Qormadan oo uu Kobciye.com ka soo xigtay wargeyska The Independent ee ka soo baxa carriga Ingiriiska, ayaa eegaysa talada iyo tilmaamaha culimada cilminafsigu ka bixinayaan tallaabooyinka haddii waalidku u maro barbaarinta ilmihiisa laga filan karo in ay yeeshaan natiijo mustaqbalka ilmaha u horseedda guul iyo horumar.

Talooyinkan oo uu Kobciye afsoomaali u rogay waxaa looga qiyaas qaatay baadhis iyo dabagal cilmiya oo lagu sameeyey dabeecadaha ay wadaagaan aabayaasha ubadkoodu guulaha iyo horumarka ka gaadheen adduunka waxa aanay yihiin:

1. Ubadka oo lagu dhiirrigeliyo in ay shaqada guriga qabtaan: Julie Lythcott Haims oo hormuud ka ah kuliyad ka mid ah jaamacadda Stanford ee dalka Maraykan, isla markaana qortay buugga ‘Sida loo barbaariyo ruuxa qaangaadhka ah’ (How To Raise an Adult” ayaa mar ay dhowaan ka qaybgashay bandhig rayi-is-weydaarsi ah oo ay samaysay majaladda TED Talks waxa ay sheegtay in ilmaha oo lagu barbaariyo in uu isagu xasho weelka uu cuntada ku cunayo ay ku abuurto fahamka ah in uu garto in shaqo laga sugayo oo ay jirto hawl laga sugayo in u uqabto. In ilmuhu fahmo in uu waajib saaran yahayna waxa ay ku abaabinaysaa in uu la koro is-xil-qaan iyo in uu waajibkiisa ka soo baxo.

Julie Lythcott Haims waxa ay aaminsan tahay in carruurta lagu soo barbaaryo ka qaybqaadashada hawlaha gurigoodu ay mustaqbalka noqdaan shaqaale ku fiican iskaashiga dadka la shaqaynaya, wada shaqayntooduna aad u fiican tahay, sidoo kale waxa ay noqdaan dad fahamkooda shaqo fiican yahay, inta badanna guul ka gaadha waajibaadkooda, waayo waxa ay marka horeba ku socdaan faham ah in ay la yimaaddaan dadaal ay hawlahooda ku qabsadaan, waxa kale oo dadka carruurnimadooda dhaqankan ku soo ababay lagu yaqaannaa in ay yihiin dad u diyaarsan in ay hawlahooda si madax bannaan u qabsadaan.

Mar kale Haims waxa ay majaladda Tech Insider ku tidhi, “Marka aynu carruurteenna ku tababarno in ay ka qayb qaataan shaqada gurigooda, haddii ay tahay qashinka oo ay guraan ama ay dharkooda maydhaan, waxa ay noqdaan dad fahamsan in uu jiro waajib ay tahay in ay fuliyaan oo ka saaran waajibaadka kala duwan ee nolosha”

2. Ubadkaagabar xirfadaha bulsho: Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka oo muddo 20 sano ah socotay ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda gobolka Pennsylvania iyo jaamacadda Duke ay ku ogaadeen in uu jiro xidhiidh weyn oo ka dhexeeya xirfadaha bulsho iyo ku barbaarinta arrimaha xidhiidhka la leh bulshada ee ilmaha la siiyo inta aanu gaadhin da’da waxbarashada iyo guusha uu arrimaha bulshada ka gaadhayo marka uu labaatan jir gaadho.

Daraasaddaasi waxa ay caddaysay in carruurta lagu arkay xirfado bulsho oo ay ka mid yihiin in ay si fiican iskaashi ula sameeyaan saaxiibbadood iyada oo aanay cidi tilmaamin, in ay gacansiiyaan da’dooda uga baahan caawimada, in ay fahmaan shucuurta qayrkood, iyo sidoo kale in ay isku dayaan ama marar badan kuba guulaystaan xallinta mushkiladahooda iyaga oo makaxdooda ka keenaya xalka ay yihiin carruurta marka ay xilliga xannaanada ee dugsiga ka hor ku jireen lagu tababaray.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in carruurta qaabkaas loo soo barbaariyey laga filan karo in Marka ay 25 sano noqdaan ay heer ka fiican carruurta da’dooda ah ee aan barbaarintan helin ka gaadhaan cilmiga iyo shaqada.

Sidoo kale waxa ay cilmibaadhistu muujisay suurtogalnimada in carruurta ay xaddidan tahay awooddooda iyo xirfaddooda bulsho in ay ku adkkaato dhex gelidda bulshadu, aakhirkana ay ka dhacaan oo ay noqdaan kuwo aan awoodin in ay mustaqbalkooda dabbaraan noloshoodana ka adkaadaan, haddiiba aanay qabatimin balwadaha kala duwan.

3. Ku kalsoonoow ubadkaaga: Sahamin ay Barofesoor Neil Halphen iyo koox cilmibaadhayaal ah oo ay ka wada tirsan yihiin jaamacadda California ku sameeyeen isla deegaanka Los Angels ayaa ay ku ogaadeen in kalsoonida ay waalidiintu u muujiyaan carruurtoodu ay saamayn weyn ku yeelato hawlgudashadooda.

Xeeldheerayaasha oo intii ay cilmibaadhistan wadeen tijaabo ku sameeyey 6600 oo carruur ah oo dhashay sannadkii 2001dii, ayaa caddaysay in ubadka aabayaashood ay u muujiyaan kalsoonida ay ku qabaan ay inta badan ku guulaystaan maamulista mustaqbalkooda iyo in ay si kalsooni leh hawlahooda mustaqbal u gutaan bulshadana u dhex galaan.

4. Saamaynta xidhiidhka qoyska: Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in carruurta qoysaska ay loollannada iyo khilaafaadku ka dhex jiraan, haddii ay yihiin khilaafyo qarsoon iyo haddii ay yihiin kuwo muuqdaba, inta badan ay ka xun yihiin carruurta ku soo dhex barbaaray qoysas xasilloon iyo waalidiin is faham qoyskoodu ku dhisan yahay. Khubaradu waxa ay sheegeen in muranka iyo khilaafla aabaha iyo hooyada ka dhex jiraa uu saamayn taban ku yeesho carruurta. Cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey qaarkoodna waxa ay muujinayaanba in inta badan carruurta waalidkood kala tago iyaga oo yar lagu arko dhibaatooyin nafsi ah oo caqabad ku noqda mustaqbalkooda iyo dhexgalkooda bulshad.

4. Saamaynta xidhiidhka qoyska: Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in carruurta qoysaska ay loollannada iyo khilaafaadku ka dhex jiraan, haddii ay yihiin khilaafyo qarsoon iyo haddii ay yihiin kuwo muuqdaba, inta badan ay ka xun yihiin carruurta ku soo dhex barbaaray qoysas xasilloon iyo waalidiin is faham qoyskoodu ku dhisan yahay. Khubaradu waxa ay sheegeen in muranka iyo khilaafla aabaha iyo hooyada ka dhex jiraa uu saamayn taban ku yeesho carruurta. Cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey qaarkoodna waxa ay muujinayaanba in inta badan carruurta waalidkood kala tago iyaga oo yar lagu arko dhibaatooyin nafsi ah oo caqabad ku noqda mustaqbalkooda iyo dhexgalkooda bulshad.

5. Waalidka waxbarashada ku fiican ubadkiisuna rajo fiican ayaa ay leeyihiin: Cilmibaadhis ay samaysay Sandra Tang oo ah khabiir ku xeeldheer cilminafsiga oo wax ka dhigta jaamacadda Michigan ayaa muujisay in hooyooyinka dhammaystay waxbarashada dugsiga sare, ama jaamacad ka qalinjabiyey ay u badan tahay in ubadkooda ay ka caawiyaan in ay iyaguna waxbarashada heer ka gaadhaan.

Tijaabo intii u dhexeysay 1998kii illaa 2007dii laga qaaday 14 kun oo carruur ah ayaa iyaduna muujisay in ubadka da’da hooyooyinkood ay tahay 18 jir iyo ka yar ay u badan yihiin in aanay mustaqbalka xiisayn dhamaysashada waxbarashada dugsiga sare ama in ay jaamacad bilaabaan. Eric Dobbo oo ah xeeldheere cilminafsiga aqoon u leh oo ka tirsan jaamaadda Bowling Green State, ayaa isna tijaabo kale oo sannadkii 2009 uu ku sameeyey 856 qof oo deggen New York ku ogaaday in carruurta siddeed jir da’doodu tahay ee aabayaashood ay aqoonta darajo fiican ka gaadheen, laga filanayo in iyaguna ay sidoo kale guulo cilmi ah iyo xitaa shaqooyn fiican gaadhaan mustaqbalka.

6. Waalidka ubadkooda yari xisaabta ku bara: Baadhitaanno iyo lafagur cilmi ah oo sannadkii 2007 lagu sameeyey 35 kun oo ah carruur u dhalatay Maraykanka, Kanada iyo Ingiriiska oo dhammaantood aan weli waxbarashada dugsiga bilaabin ayaa lagu ogaaday in xirfadda xisaabta oo yarida lagu baraa ay maskaxdooda aad u korinayso marka la barbar dhigo carruurta da’dooda ah ee aan iyaga xisaabta loo dhigin.

Greg Duncan oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Northwestern ee dalka Maraykanka kana mid ahaa xeeldheerayaasha baadhistan ka qayb qaatay ayaa yidhi, “Saamayn weyn ayaa ya ilmaha ku leedahay barista xirfadaha xisaabtu. Tusaale ahaan in ilmuhu inta aanu gaadhin da’da dugsiga la baro lambarrada iyo aas-aaska xisaabtu ay maskaxdiisa ku yeelato saamayn togan oo culimadu ay ku tilmaameen lama filaan”

Duncan waxa uu intaas ku sii daray, “Ilmaha yarida lagu baro xisaabtu, ma’ keento in uu hadhow xisaabta xariif ku noqdo oo keliya, balse waxa kale oo ay keentaa in uu ilmuhu ku fiicnaado xirfadda akhriska”

7. Waalidka ubadkooda xidhiidhka saaxiibtinimo la yeesha: Cilmibaadhis sannadkii 2007 tijaabadeeda lagu sameeyey 243 ruux oo ku soo koray xaalad faqiir ah, ayaa muujisay in carruurta sida feejignaanta iyo diirranaanta leh loo daryeelay saddexdii sano ee ugu horreeyey cimrigoodu ay carruurnimadooda natiijo fiiican ka gaadhaan waxbarashada, isla markaana ay xidhiidh aad u fiican iyo guul akademiya sameeyaan marka ay gaadhaan da’da 30 jirka.

Sida lagu baahiyey shabakadda internet ka ee PsyBlog aabayaasha daryeelka fiican siiya ubadkooda ee awooda in ay faham fiican u yeeshaan ishaarooyinka ka imanaya ubadkooda, ay taasi ilmaha ku beerto kalsooni iyo ammaan u suurtogeliya in ay dunidu u furanto, oo uu nolosha wax badan ka fahmo. Waraysi lala yeeshay Lee Rabbi oo ah khabiir ku xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Minnesota kana mid ahaa cilmibaadhayaasha daraasaddan ayaa isna yidhi, “Arrintan macnaheedu waxa uu ku soo ururayaa in waalidka oo dadaal geliya xidhiidh uu la samaysto ilmihiisu inta uu yar yahay, ay keenta natiijo aad u fiican oo riiqdoodu aad u dheeraato, saamaynna toganna ku yeelato nolosha shakhsiga ah ee ilmaha”

8. Waalidka aan ku talax tegin kool-koolinta ilmaha, cabsida nafsiga ahina aanay ku badnayn: Cilmibaadhis uu baahiyey wargeyska Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay iin tirade saacadaha ay hooyadu ilmaheeda la qaadato oo u dhexeeya 3 illaa 11 saac ay saamayn yar ku leedahay anshaxa ilmaha iyo guusha uu gaadhayo. Waxaa taas ka sii daran hooyonimada xannaanaynta iyo daryeelka lagu talaxtegey ah iyo aabaha kool-koolintiisu badan tahay oo la ogaaday in ay mustaqbalka ilmaha ku keenaan natiijo aan fiicnayn.

Wargeyska Washington Post waxa uu ka soo xigtay Ki Nomajochi oo ah khabiir ku xeeldheer cilmiga bulshada oo ka tirsan jaamacadda Bowling Green State in cabsida iyo sakatiga badan ee hooyooyinka qaar ka qabaan iswaafajinta shaqada iyo barbaarinta ubadku uu saamayn taban ku yeesho ubadka, waxa uu sheegay in shucuurtaasi ay sida cudurka ugu gudbayso ilmaha saamaynna ku yeelanayso hab-dhaqankiisa.

Cilmibaadhisuhu waxa ay intaas ku darayaan in farxadda iyo shucuurta sakatiga ama warwarka ah labadaba la kala qaado, oo tusaale ahaan haddii saaxiibkaa faraxsan yahay uu adigana kuu soo gudbin karo, murugadana sidoo kale, sidaa awgeed waalidiinta inta badan da’doodu yar tahay, ama duruufo kale oo ku xeerani niyadjabka ku keeneen waxa ay xaaladdoodaa nafsiga ah qaadsiiyaan ilmahooda ay korinayaan.

Related posts

WARAR DEG DEG AH Cabsi soo Wajahday Farmaajo & Kheyre SABAB, Habka lo Fuliyo Qaraxyada Muqdisho oo la Bedelay..

cAMiXsuBGc

Las Catrinas Brings Authentic Mexican Food to Astoria

cAMiXsuBGc

MacBook Pro Squeezes Fans As iPad Pro Dominates

cAMiXsuBGc

Leave a Comment